Salaadiinta iyo Guddida Xalinta khilaafaadka Sacad Muuse oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddida Qaban qaabada Shirka oo dhan 39 xubnood.

0
Saturday June 29, 2013 - 19:03:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaadiinta iyo Guddida Xalinta khilaafaadka Sacad Muuse oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddida Qaban qaabada Shirka oo dhan 39 xubnood.

    Hargeysa(xogreebnews.com- Salaadiinta Beesha Sacad Muuse iyo Guddida xalinta khilaafaadka beesha ayaa Shir balaadhan oo ay saaka ku qabteen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- Salaadiinta Beesha Sacad Muuse iyo Guddida xalinta khilaafaadka beesha ayaa Shir balaadhan oo ay saaka ku qabteen Huteelka Maan-soor kaga dhawaaqay Gudida qaban qaabada Shirka Sacad Muuse oo dhan 39 xubnood, kuwaasoo laga soo xulay Tusmooyinka beesha Sacad Muuse.

Kulankan lagaga dhawaaqay guddida qaban qaabada Sacad Muuse waxa laga soo jeediyay qudbado hogo tusaalayn ah oo guddida lagu farayo in ay sida ugu haboon uga soo baxaan qaban qaabada shirka Beesha Sacad Muuse, isla markaana waxa ay fareen dhamaan beel weynta Sacad Muuse Gudo iyo Dibedba iyagoo ka dalbaday in Guddidaas lala shaqeeyaan.


Odayaasha, Salaadiinta, Culimada iyo Aqoonyahankii madasha ka hadlay oo kala ahaa gudoomiyaha Guudida Turxaan saarka Beesha Xildhibaan Muxumed Axmed, Xildhibaan Sheekh Khaliif, Cumar Boobe Xandulle, Xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxmaan, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Mawliid Cali Sabaysa, Suldaan Xuseen Ismaaciil waxay ku dhawaaqeen guddida hoos ku qoran oo ay u aqoonsadeen guddida kali ah ee qaban qaabada shirka oo kala ah :-


Sheikh C/qaadir X JaamacAbiib Sheekh CumarAbshir Axmed XasanDr: Axmed Cabdi XuseenAxmed Caduur C/laahiAxmed Cilmi SamatarC/raxmaan Abiib C/laahiAxmed Ismaaciil CismaanAxmed Ibraahim SuldaanAxmed Ismaaciil SabanC/laahi Cabdi MuuseDeeq Axmed CumarMaxamed Cilmi XasanMire Sheekh Yoonis AxmedCali Meygaag CilmiCumar Aw Jaamac Adhi-badaneCumar Yuusuf SiciidIsmaaciil Xuseen CumarAxmed Muxumed CumarEng: Xaashi Cumar CigeIsmaaciil Xaseenn CumarKhadar Ibraahim DugsiiyeMaxamed Cabdi Daa’uudMaxamed Cumar AskarMaxamed Odowaa CigaalMuxumed Aw Xasan CaliMuuse ObsiiyeDayib Maxamed RabiileYuusuf Cali AadanSiciid Cilmi TukaaleXasan Cismaan BookhXasan Maxamed CawaaleCumar Maxamed YeyXuseen Maxamuud AxmedDr: Muuse QaasimC/risaaq Sheekh Aadan CaliDhamaan masuuliyiinta Beesha Sacad Muuse ee ka hadashay kulanka manta lagaga dhawaaqay waxa ay guddida qaban qaabada ka dalbadaeen mudada ay haystaan in ay soo diyaariyaan dhamaan shuruucda iyo Ajandayaasha shirka lagu hagi doono, oo ay ugu horeeyaan ururinta dhaqaalaha shirka lagu qaban doono.

Sidoo kale waxa laga sugayaa isku dubaridka dhamaan Agabka shirka lagu qaban doono oo dhan haddii ay tahay shaqaalaha Shirka, Sugida Amaanka, cayimida wakhtiga shirku socon doono, hogaanka shirka iyo Warbaahinta.

Shirka Beesha Sacad Muuse ayaa manta markale lagu celiyay inaanu wax siyaasad ah shaqo ku lahayn, isla markaana uu si rasmi ah u qabsoomi doono 17 bisha sideedaad ee sanadkan 2013-ka oo ku began ramadaanta kadib.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured