Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur

0
Saturday June 29, 2013 - 18:58:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur

    Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka cusub ee wasarada Arrimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Cali Waran Cade ayaa xilkii maanta ka tirsaday wasiirkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka cusub ee wasarada Arrimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Cali Waran Cade ayaa xilkii maanta ka tirsaday wasiirkii

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka cusub ee wasarada Arrimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Cali Waran Cade ayaa xilkii maanta ka tirsaday wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale(Duur), xaflad balaadhan oo loo sameeyay xil wareejintan oo ka dhacday xarunta wasaarada arrimaha gudaha, waxa ka soo qayb-galay dad aad u farabadan oo isugu jira masuuliyiin iyo dadwayne kale.
Ugu horayn waxa goobtaas ka hadlay wasiirka xilka ka tagay ee Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo ka warbixiyey mudadii uu joogay wasaaradan arrimaha gudaha waxyaabihii u suurto galay ee uu qabtay, iyo waayo adag oo uu kala kulmay sida uu sheegay noloshiisana baal dahaba kagali doonta, isaga oo intaa ku daray inay dhalo-beeda dhulka ka hayeen oo ay qabyaaladuna saamayn balaadhan ku yeelatay hawlaha ay bulshada u hayeen, taas oo ka sii dartay markii ciyaaruhu bilaameen, wuxuuna ku soo dhaweeyay wasiirka cusub ee wasaarada oo uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isagoo nin mucaarida ahaa, uu hada ay isku kooxyihiin sida uu hadalka u dhigay sheegayna in uu ku garabtaagan yahay shaqada uu qaranka u qabtay maadama ay tahay wasaarad aad u salbalaadhan oo ay horyaalaan hawlo badani.
xafladan ayaa ka duwanayd xafladihii hore ee wasaarada Arrimaha Gudaha, sababta oo ah waxa joogay Badhasaabyada Gobolada intooda badan, taas oo wasiirka u noqonaysa jaanis uu markiiba la kumay madaxdii Gobolada, halkii uu marba gobol tagi lahaa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured