Dagaalkii Kismaayo Ka Socday Oo Faraha Layskula Tagay Khasaraha Ka Dhashay Iyo Qaramada Midobayd Oo Dalbatay In La Jiijiyo Dagaalka.

0
Saturday June 29, 2013 - 18:55:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalkii Kismaayo Ka Socday Oo Faraha Layskula Tagay Khasaraha Ka Dhashay Iyo Qaramada Midobayd Oo Dalbatay In La Jiijiyo Dagaalka.

    Hargeysa(xogreebnews.com--Dagaalkii labada maalmood ka socday magalada Kismaayo ayaa wali ka socda xaafada iyo badhtamaha magaalada kismaayo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com--Dagaalkii labada maalmood ka socday magalada Kismaayo ayaa wali ka socda xaafada iyo badhtamaha magaalada kismaayo,
Hargeysa(xogreebnews.com--Dagaalkii labada maalmood ka socday magalada Kismaayo ayaa wali ka socda xaafada iyo badhtamaha magaalada kismaayo, kaas oo u dhexeeya laba ciidan maleeshiyood oo isku haysta awood iyo gacan ku hayntan magaladaas.
Sida ay wararku sheegayaan waxa halkaa ka dhacay dagaal laysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ka culus iyo ka fududba, iyada oo ay wararku intaa ku drayaan inay ku dhinteen ku dhawaad 20qof, halka Cisbitaalka magaalada Kismaayo la gaadhsiiyey dhaawacyada dad 50-qof ku dhow oo u badan shacab ay guryahooda ugu tagtay madaafiic iyo rasaas dagaalka loo adeegsanayo, isla markaana uu jirtobarakac balaadhan oo magaalada kabilaamay,oo ay dadka shacabka ahi ka baxayaa magaalada, iyaga oo u baxaya miyiga iyo tuulayaasha ku dhawdhaw kismaayo.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo oo isugu jira kuwa ka socda Sierra Leone iyo kuwa Kenya ayaa la sheegayaa in ay dagaalka daawanayaan oo anay wax faragalin ah ama kala dhexgalid ah ku samayn kooxahan dagaalamaya.
Dagaalkan oo aroornimadii hore ee saakay mar kale ka qarxay magaalada ayaa wuxuu daba socday dagaalkii shalay gellinkii dambe ka billowday halkaas, kaas oo u dhexeeyay taageerayaasha Col. Barre Hiiraan, Cabdi Balleey iyo Iftiin Xasan Baasto oo isku dhinac ah iyo taageerayaasha Axmed Maxamed Islaan (A/Madoobe), oo dhammaantood isku haysta maamulida maamulka halkaas laga dhawaaqay ee Jubaland.
Dhinaca kale qaramada midoobay iyo dawlada fadhigeedu yahay muqdisho ayaa ku dhawaaqay in la joojiyo dagaalka, balse ilaa hada ma jiraan wax waan waana oo halkaa ka socda sida ay wararku sheegayaan, dalka soomaaliya oo ay dagaalo daashadeen iyo marba qolo cusub oo ku loolanta awooda siyaasada dalkaas oo ay ka mid tahay kismaayo, ayaan la ogayn halka uu ku dambayndoono dagaalka ka bilaamay oo sii kululaanaya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured