ILA JIR ANAASE ISKA LE

0
Saturday June 29, 2013 - 07:51:50 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ILA JIR ANAASE ISKA LE

    Qalinkii: Liibaan Xaji fagadhe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Liibaan Xaji fagadhe Akhriste waa qormooyinkeenii hogol tusaaleynta ahaa oo aan maanta kaga hadli doono dulmiga ka jira somaliland waa hadolo qoyan oo qasriga madaxtooyada uu siilaanyo isagoo qiireysan oo ka jeediyey misna maba oga inuu dulmigaasi yaalo uu soo ifbaxey sadexdii sano ee uu wadanka heystey siilaanyo balse aynu dulucda eegno .
Maqaalkan maanta sida ciwaanku sheegayo (waa aynu isdilno) hadaba waxaynu isbarbar dhigeynaa 1960 wixii ku dhacey somaliland waa ta uu madaxweyne Siilaanyo munaasibadii 26 jun 2013 ee habeen hore madaxtooyada kaga qudbadeeyey oo uu yidhi ( waxa na geeyey meeshaa Somali jaceyl isla markiiba waxay cadhadu ka bilaabantey markii ay naga ilaaliyeen xilalkii muhiimka ahaa dambigaana waxaa dhigey reer koonfureed) waa qudbadii uu madaxtooyada ka jeediyey ee ugu dambeysey qasriga madaxtooyada somaliland 53 guuradii ka soo wareegtey maalintii ay xornimada somaliland maxmiyadii ingiriiska ka qaadatey . Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu raaciyey Sida aynu wada ognahey waxa ay koonfuri qaateen madaxweynihii,raysal wasaarihii, wasiiradii dibada, gudaha, maaliyada, iyo dhamaanba wasaaradii waa waynaa iyo taliyayaashii ciidamada booliska iyo milatarigaba .

Bal hadaba intiina somaliland jeceleey maanta markaad eegto qaabkaa ay wax u baaba een ee madaxweyne siilaanyo sheegey sow maanta dariiqii uma jiheysna somaliland . Walaal keen Eng.Maxamed Xaashi Cilmi oo ah siyaasi ruug cadaaya ayaa todobaad ka hor wuxuu madaxweynaha talo ku siiyey qalad markaa jirey oo uu yidhi koley hadhow marka ay talo fara ka haado ayaad gudi usaariye intey qabasho leedey waxka qabo.Ana maanta talo kale ayaan madaxweyne siilaanyo leeyey oo ah intaaney inagu sameysmin SLNM ( somaliland national movement) waa hadey qadiyada jamuuriyada Somaliland ka dhabtey waayo xukuumadii ka horeeyey siilaanyo waad ogeydeen saami qeybsigii dowlada oo ahaa beelaa darafyada in saami wacan lasiiyo.
Taagnaanmeyso cadaaladdaradu darafyada oo sida hadaba muuqata dildilaaceedii uu socdo waxay somaliland mareysaa in Tvga qaranka shir beeleedyo laga sii daayo sida Dan iyo Duco , Talo iyo Tawfiiq, Afgarad oo hada socda , Barkhadle ,Hoodaale iyo hooyadii shirarkan oo aheyd Gar adag oo ku curatey shirkii Khaatumo iyo Awdal.
Labaatan sano (20 sano) ayey qaadatey in si ficila looga hortago dowladii siyaad bare tanse sadex sano ayey ku qaadatey inuu gaadhsiiyo halkii taasi ay ku gaadhey ee shacbigu ku kacaan sababtaasina waxay aheyd Siyaad bare inuu yeesho moorgano iyo maslaxyo yeesho Siilaanyo se way la dhasheen . Cabdi boqosh oo reer hargeysa ahaa ayaa murtidiisii ku yidhi
GAARAA YUCUUN XAMAR KA TIMI
AYAA GUMAC NA LEEF SIISEY
ILEYN AXMAQ RASAAS KUU HELAA
KUUMA GALO FEEBER
GOBOLKII WOQOOYIYO
SIYAAD GAANI KALA DOORO?
Siyaad bare wuxuu doortey Gaani hadaba wixii ay dhashey iyo dowladii kacaanku halkii ay martey waa la ogyahey oo waxaa ku sameymey Jabhadii SNM oo xataa dowladaa Carabtu iyagoo Siyaad bare caawinaaya liicin kari waayey iyagoo kabiyo diidey in saamigii aynu laheyn leyna siinwaayo in mudo ah reer somaliland waxay ka qaylinaayeen Reysal wasaaraha aan sharciyeysneyn ee mr Xirsi nasiib daro 25 jun isku shaandheyntii wasiirada waxaa sameeyey kuwii la codsanaayey in labadalo hadaba wadaadkan xirsi wuxuu kujiraa halkii Gaani uu siyaad bare ugu jirey oo hab dhaqankiisii ay SNM ubixisey Diiriye waayo wax yeelo iyo in Siyaad bare laga sii fogaado ayuun buu ula joogey waana tii soo dadajisey guushii halgankii SNM oo ay shacbigu dulmigaa xamili waayeen mujaahidiintii ka il dheereyd dadkana ay halkaa ku heleen taageero buuxda.
Maalintii doraad aheyd waxa isku shaandheyntii wasiirada ku farxey Khaatumo iyo Awdal state nimanka isku sheega oo u arkey inuu Diiriyahoodii maanta yimi inana waan aragnaa cabashooyinka ka socda dadka baalaha dagan ee reer somaliland markaa waxaynu leenahey wixii lawada leeyahey ayaa lawada ilaashadaa Cabdi boqosh ayaa murtidiisii kuyidhi
MIYUU SOO HALGAMEY GAANI
WUU NOO HAN JABAYAAYE
HABEENBUU NASOO GALEY
SIDII NAAGO HEERINA.
Bal miyaaney Siilaanyo Tusaale ugu filneyn markii uu safarka ku tagey USA Mareykanka oo wax yaabihii la weydiiyey ama lagu dhaliiley ay ka mid aheyd in ay beel kaliyi socoto halka Cigaal safar uu ku tagey ayaa waxa la socdey beelaha hareeraha wafigii , madaxweyne Riyaale oo isna USA safar ku tagey ayaa isna wafigiisa ay ahaayeen mid beelaha oo dhana markaa sow dhibtaba xukuumadanu iyo kala fogaanshaha ay wado . Hadaba waxaan idinku baraarujinayaa xukuumadan waynu aragnaa sida ay wax uwado ee waa in aynu talo ka gaadhnaa intaaney inagu sameysmin dowlad la yidhaa KA SIILAND waana ta ay wadaan xukuumadani markaa qofkastoo qarankan jamuuriyada somaliland jeceli waa in uu talo ka gaadhaa .
Waxaan insha allaahu dhawaan idiin soo gudbinayaa maqaalo cusub oo ah 20 maqaal oo is daba jooga bisha 7 juley Filasho wacan.


GUUL ALLE
DHAMAADA


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured