DIGREETADII DHAGARAYSNAYD EE SIILAANYO KA SOO SAARAY BERBERA OO AY SOO BAXDAY SIRA-HEEDII.IYO CALI XOOR-XOOR OO KU FASHILMAY DEGAAMAYTII.

0
Saturday June 29, 2013 - 07:47:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIGREETADII DHAGARAYSNAYD EE SIILAANYO KA SOO SAARAY BERBERA OO AY SOO BAXDAY SIRA-HEEDII.IYO CALI XOOR-XOOR OO KU FASHILMAY DEGAAMAYTII.

    faallo sida la og yahay waxa uu siilaanyo soo saaray digreeto uu ku mamnuucayo dhulka danta guud ee magaalada berbera ,hadaba waxaa soo baxay siro ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

faallo sida la og yahay waxa uu siilaanyo soo saaray digreeto uu ku mamnuucayo dhulka danta guud ee magaalada berbera ,hadaba waxaa soo baxay siro ku Qormadii 1 aad:sida la og yahay waxa uu siilaanyo soo saaray digreeto uu ku mamnuucayo dhulka danta guud ee magaalada berbera ,hadaba waxaa soo baxay siro ku qarsoonaa digreetadaasi dhagarta xanbaarsanayd ,waxana la ogaaday inay ujeedada ugu weyn ee laga lahaa digreetadaasi ay ahayd sidii dhul dheeraad ah loo siin lahaa ganacsato ka soo jeeda beesha siilaanyo ,iyadoo taasi ay qayb ka tahay deegaamayn hor leh oo casriyeysan oo beesha siilaanyo ku doonayso in ay ku hesho dhul balaadhsi iyo sidii ay berbera ugu yeelan lahaayeen samayn xoogan si ay ugu hirgashay werashadaha sibidhka iyo kuwo macdaneed oo ay ganacsato beesha siilaanyo ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen mudadii uu siilaanyo xilka hayey.

hadaba xogahaasi oo soo gaadhay xogreebnews.com- ah sidii beesha loogu xoogan lahaa berbera waxaa la doonayaa inay horseed ka ahadaan masuuliyiin reer berbera ah iyo qaar kale oo la doonayo inay fuliyaan digreetadaasi dhagaraysnayd , waxaana ka mid ah maareeyaha dekeda berbera Eng: Cali Xoor Xoor oo loo arko in uu yahay nin kursi jecel oo fulin karaya sidii loogu guuleysan lahaa ujeedooyinka digreetadaasi,iyadoo hore uu ugu fuliyey Eng: Cali Xoor Xoor danayaal dahsoon ee beesha siilaanyo hore uga fushadeen berbera taasi oo ay ka mid ahayd in dhalinyaro aad tiro badan oo ka soo jeeda beesha siilaanyo laga shaqaaleysiiyey dekeda berbera iyo goobaha kale ee ilaha dhaqaalaha ee berbera,taasi oo ka farxisay beesha siilaanyo waxayna sababtay in aad loogu kalsoonaado talooyinka iyo wax kasta oo uu soo jeediyo maareeyaha dekeda berbera.
inkasta oo xukuumada siilaanyo mudadeedii la doortay ay ka hadhsan tahay mudo labo sano ah, waxana dadka arimahan ka faalooda ayaa ku tilmaamay in xukuumada siilaanyo doonayso inay labadaa sano ee ka hadhay mudadii la doortay ay ka faa'iidaysato xayiraada dhulka balaadhan ee ay ku soo rogtay berbera.
hadaba masuuliyiintan uu ku jiro maareeyaha dekeda berbera, xoghayaha dawalda hoose ee berbera iyo badhasaabka gobolka saaxil ayaa waxay dad badan la yaabeen sida ay labadan masuul ee kala ah maareeyaha dekeda berbera iyo badhasaabka ayaa waxay ka dhigaysaa arin ugub ku ah dhaqanka iyo siyaasada in masuulyiin noocaasi oo kale ahi ay qayb ka noqdaan danaha beesha siilaanyo ka doonayso berbera iyadoo la og yahay in ay hore u dhacday in sifo sharciga baal marsan 5 xildhibaan oo xaraan ah looga soo saaray degmada berbera xataa iyadoo aysan hal xildhibaan ka helin dadkii deegaanka u dhashay ee ka soo jeeday beesha Sacad Muuse ee la yaqaano inay deegaan ka yihiin berbera oo sida la sheegay xukuumada siilaanyo ka hor istaagtay inay ka soo baxaan xildhibaano oo musuq-maasuq balaadhan ku samaysay xukuumada siilaanyo, halka xildibaanada ka soo baxay beesha siilaanyo hore loo tilmaamay inaysan heli 5 xildhibaan balse sifo sharci daro ah lagu soo saaray ,iyadoo ujeedadu ahayd inay dhul boob iyo dhul balaadhsi hesho beesha siilaanyo.
hadaba iyadoo ay arimhaasi sidaasi yihiin ayaa xoghayaha dawlada hoose ee berbera oo ah wiil dhalinyaro ah waxa laga soo weriyey isagoo leh waa in aanu ka faa'iidaysanaa fursada aanu ku helnay kursiga xoghayaha dawlada hoose oo aannaan weligayo helin , waxa la sheegay in uu shaqadisii noqoto wiilkaasi yar ee xoghayaha dawlada hoose ah in uu ka daba shaqeeyo hadba halka iyo cida uu la kulmay maayarka golaha deegaanka Mr C/shakuur Cidin,iyadoo hadii uu xitaa la kulmo dhalinyaro ama odayaal uu warku yaalo xarunta madaxtooyada oo ah goobka ugu weyn ee danaynaysa dhul balaadhsiga beesha siilaanyo.
shacabka reer saaxil il gaar ah ayay ku eegayaan masuuliyiinta uu siilaanyo u xilsaaray fulinta barnaamijka dhul balaadhsiga ee beeshiisa waa maareeyaha dekeda iyo badhasaabak gobolka saaxil ,iyadoo ay taariikhdu qori doonto raggaasi magacyada waaweyn ee doonaya inay hor seed ka noqdaan dhul balaadhsiga beesha siilaanyo ee berbera ,madaama ay shacabkii reer saaxil gudaha iyo dibadaba il gaar ah ku eegayaan waxaan leeyahay rag odayaal ah ayaad ahaydeene ceebta iyo daba dhilifnimada iska daaya oo reerka aad ka soo jeedaan meelna ka tegi maysaane ka jooga deegamaynta uu siilaanyo idiin wakiisha ee aad fulinaysaan.
gabagabadii waxaan leeyahay shacabka reer berbera waad aragtaan deegameynta balaadhan ee ilaa taxan xaruntii madaxtooyada ee dalka looga talinayay ee idinkuna ka taxadira oo iska ilaaliya in la idin marsiiyo deegaamayn xaraan ah iyo dhul boobka beesha siilaanyo ka wado berbera, waana inaad dhamaan u soo wada jeedsataan inaad ilaashataan dhulka khayraadka badan ee ilahay idinku beeray hadaad tihiin reer berbera oo aad ka ilaashataan cid kasta oo laga soo deegaameeyey madaxtooyada oo lacago la rooraysa si ay dhul u hesho.
La soco taxanaha danbe ee qormooyinka
Qalinkii:C/casiis Bashiir Nuur
Tel:4144434
Email:c.casiis98@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured