CIIDAMADDA SOMALILAND OO LA WAREEGAY DHAHAR IYO MUDAHARAAD LAGU TAAGEERAYO OO KA SOCDA

0
Saturday June 29, 2013 - 07:39:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIIDAMADDA SOMALILAND OO LA WAREEGAY DHAHAR IYO MUDAHARAAD LAGU TAAGEERAYO OO KA SOCDA

    badhan(xogreebnews.com) Ciidamadda Somaliland ayaa manta si buuxa ula wareegay maamulka Dgmadda Dhahar, halkaas oo ay labada maamul ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

badhan(xogreebnews.com) Ciidamadda Somaliland ayaa manta si buuxa ula wareegay maamulka Dgmadda Dhahar, halkaas oo ay labada maamul ee badhan(xogreebnews.com) Ciidamadda Somaliland ayaa manta si buuxa ula wareegay maamulka Dgmadda Dhahar, halkaas oo ay labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ka wada shaqayn jireen.
Talaabadan ayay dadweynaha deegaankaasi soo dhaweeyeen sida uu ku soo waramayo wariyaha gobolka Sanaag Barri waxa uu sheegayaa in mudaharaad lagu taageerayo ciidanka qaranka Somaliland ka socda magalaadda Dhahar.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidan dhigtay dhamaan jidadka magaaladaasi soo gala, iyadoo rafacday Guriga Guddoomiyaha Maamulka Puntland ugu magacaaban Highland (Jeen talo), kaasoo ay gurigiisa ka socdeen Siminaaro loogu diyaar garoobayo Doorashada maamulka Puntland deegaamadaasi ka samaynayaan.

Ciidamadda ayaa weeraray Guriga kale ee uu degan yahay Cali Daahir oo ah Taliyaha Ciidanka la dagaalanka Argagixisada Puntland ee Ciidanka loo yaqaano (BS), waxaanu wariyuhu ku soo waramayaa Tacshiirad in ay ka soo dhacayso gurigaas, isla markaana Ciidanka Somaliland ku hareeraysan yihiin.
Talaabadan Xukuumadda Somaliland kula wareegtay gacan ku haynta degmadda Dhahar ee Gobolka Sanaag barri ayay sheegayaan wararka aanu ka helayno in uu abaabulay Wasiirka cusub ee wasaaradda Kallluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed), kaasoo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay xilka wasaaradaasi.
Wariyuhu waxa kale oo uu soo sheegayaa in Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire iyo wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal ka baaqdeen safar ay doonayeen in ay ku yimaadaan Dhahar, kadib markii lagu wargeliyay Somaliland Ciidamadeedu inay la wareegeen Dhahar.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured