Dhagaysiga Dhacwadii Loo Haystay Wargeyska Hubaal Oo Bilaabantay Iyo Tifaftiraha Wargeyska Oo Sheegay In Xukuumaddu Ay Bilawday Qorshe Ay Ku Kala Jabinayso Masuuliyiinta Wargeyska

0
Friday June 28, 2013 - 21:08:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhagaysiga Dhacwadii Loo Haystay Wargeyska Hubaal Oo Bilaabantay Iyo Tifaftiraha Wargeyska Oo Sheegay In Xukuumaddu Ay Bilawday Qorshe Ay Ku Kala Jabinayso Masuuliyiinta Wargeyska

    Hargeysa(xogreebnews.com-Masuuliyiinta wargeyska Hubaal ee Xukuumadda Madaxwayne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Masuuliyiinta wargeyska Hubaal ee Xukuumadda Madaxwayne Hargeysa(xogreebnews.com-Masuuliyiinta wargeyska Hubaal ee Xukuumadda Madaxwayne Silanyo xayiraada ku soo rogtay ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex uga bilaabantay Gal dacwadeedkii lagu soo eedeyey ee salka looga dhigay xayiraadii lagu soo rogay wargeyska .

Masuulinta Wargeyska oo ay maalintii khamiistii u furantay dhagaysiga dacwadoodani ayaa Maareeyaha Guud ee wargeyskaas Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tifaftiraha wargeysa Xasan Xuseen Cabdilahi (Keyfkeyf) oo goob joog ka ahaa dhagaysigii eedaha loo soo jeediyey ayaa sheegay in ay Xeer Ilaalintu markii sadexaad wax ka badal ku sameeyen eedaha loo soo jeediyey isla markaana ay marqaati ka soo dhigtay Xeer Ilaalintu Taliyaha Laanta dambi baadhista Somaliland Daahir Muuse Abraar.


Dhinaca kale Tifaftiraha wargeyska Xasan Keyfkeyf ayaa daboolka ka qaaday in xukuumaddu ay bilawday sidii ay u kala jabin lahayd masuuliyiinta wargeyska isla markaa Gudoomiyaha wargeyska ay xukuumaddu lacag ku ka xaysatay sida uu hadalka u dhigay oo uu sheegay in loo balanqaady in dib loogu celinayo xil uu sanado ka hor ka hayey wasarada warfaafinta Somaliland, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan u arkaa waxan naloo haystaa ee nalagu xayiray aanuu ahayn eedo naloo haystee uu yahay mid lagu baa biinayo weerarkii anaga nalagu soo qaaday”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay weerar ay xukuumadu ku soo qaday oo ah sidii ay u kala jabin lahayd masuuliyiinta wargeysaka waxanuu yidhi”waxa dhacday in xukuumaddu weerar cad nagu soo qaaday oo ay dhaqaale nagu kala fur furtay oo aanu ka warhelnay in gudoomiyihii wargeyska uu u liicay dhinaca xukuumadda “

Dhiniciisa Cabdilaahi Wayeb oo ah Gudoomiyihii wargeyka Hubaal ayaa daboolka ka qaay in uu ka tagay shaqadii uu ka hayey Hubaal balse waxa uu ka gaabsaday in wararka sheegaya in xukuumaddu xil u magacaabayso uu ka gaabsaday.

Si kastaba ha ahaa waxa laga dhul sugayaa halka ay ku dambayso dacwadan loo haysto masuuliyiinta wargeyska Hubaal oo ay ilaa hada shaqadoodii xayiraadi saarantahay,ayadoo lafilayo in maalinta bari ee sabtida ay mar kale furmidoonto dhagaysiga dacdwadani




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured