Milicsiga Safarkii Tariikhiga Ahaa Ee Wasiirka Duulista Uu Ku Kagay Dalka Ethiopia

0
Thursday June 27, 2013 - 21:29:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milicsiga Safarkii Tariikhiga Ahaa Ee Wasiirka Duulista Uu Ku Kagay Dalka Ethiopia

    safarkii wasiirka wasaaradda duulistu ku tagay dalka Ethiopia Waxaa uu ahaa mid tarikhiga ahaa waxaanu wasiirku la kulmay diblamasiyin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

safarkii wasiirka wasaaradda duulistu ku tagay dalka Ethiopia Waxaa uu ahaa mid tarikhiga ahaa waxaanu wasiirku la kulmay diblamasiyin

safarkii wasiirka wasaaradda duulistu ku tagay dalkaEthiopia

Waxaa uu ahaa mid tarikhiga ahaa waxaanu wasiirku la kulmay diblamasiyin reer galbeed ahaa kuwaas oo ugu galaha sidi ay hawaada Somaliland ay uu maamuulkan-lahayd sidaas ay tahay waxaay wax uu dheecn sidan,

Safarkii uu Wasiirka Duulistu ku Tagay Dalka Ethiopia.Wasiirka wasaarada Duulista Hawada jamhuuriyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa socdaal hawleed oo rasmi ah ku tagay todobaadkan dalka Ethiopia, iyadoo loogu soo dhaweeyey si maamuus iyo maqaam sare leh. Mudadii Koobnayd ee wasiirku ku sugnaa magaalada Adis-ababa wuxuu kulamo goos-goos ah oo qorshaysnaa la yeeshay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka & Isgaadhsiinta Ethiopia Mudane Gitaju Migiste.


Labada Wasiir waxay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay saldhig u tahay xoojinta xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada wasaaradood, kor-u- qaadida ka ganacsiga hawada Somaliland gaar ahaana dhinaca Itoobiya.




Dhinaca kale labada wasiir waxay isla jeex-jeexeen guud ahaan sidii loo adkayn

lahaa iskaashiga iyo isku duubnida labada Dal ee jaarka iyo jaalka ah,taas oo ay bud-dhig u tahay siyaasadda labada xukuumadeed ee ay gadhwadeenka ka yihiin Mud,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Mud,Xayle Maryam Desalagn.

Waxaa kale oo wasiirku uu la kulmay masuuliyiinta ugu sar-saraysa shirkada dayuuradaha ee Itoobiyan Airline. Kulankaas oo ay labada dhinac kaga wada xaajoodeen sidii loo ballaadhin lahaa duulimaadyada ay Itoobiyan Airline ka wado gudaha Somaliland, iyada oo waqtigan ay shirkaddu duulimaadyo maalinleh ah oo joogta ah ka samayso Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera oo Qudha. Sidoo kale Kulankaas labada dhinac waxay iskula meel dhigeen sidii xal loogu heli lahaa cabashooyinka iyo dib-u-dhacayada ku yimaada qaar ka mid ah shandadaha ay sitaan dadka qurba joogta ah ee xilligan xagaaga dalka ku soo laabanaya

Waqtigii uu wasiirku ku sugnaa halkaa wuxuu kulamo kale oo muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa safaarada Ingiriishku uu ku leeyahay magaaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya, kulankaas waxay labada dhinac iskaga xog-waraysteen mashaariicda horuumarineed ee ay dowlada Ingiriishku la wado Wasaarada Duulista Hawada Somaliland

Hadaba waxaa iyaana jirta hawlo fara badan oo wasiirku ku hawlana oo ay ka mid ahaa yeen ron-wayga madaarka hargeysa iyo ka ber-bera waxaa iyaana jirtay in uu ku ,mash-quulsan yahay qaabka waxku ol ah ula guula tacali lahaa dhibatadaada inagaga imaanka karta maamul isku sheega somalilaya

.Cabdi Khaddar Bashiir

Hargeysa/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured