WAR-MURTIYEEDKII KA SOO BAXEY SHIRWEYNIHII AY BEESHA CIISE MUSE EE QURBO-JOOGTU AY KU-QABSADEEN CAASIMADA LONDON TAARIIKHDII 22ND -23RD JUNE 2013

0
Thursday June 27, 2013 - 19:08:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR-MURTIYEEDKII KA SOO BAXEY SHIRWEYNIHII AY BEESHA CIISE MUSE EE QURBO-JOOGTU AY KU-QABSADEEN CAASIMADA LONDON TAARIIKHDII 22ND -23RD JUNE 2013

    Waxaa ka dhacey Caasimada Ingiriiska ee London, Shir-laba maal-moodle ah oo mug-leh oo ay ka soo qeyb-galeen bah-weynta qurbe-joogta Ciise Muse ee ku-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ka dhacey Caasimada Ingiriiska ee London, Shir-laba maal-moodle ah oo mug-leh oo ay ka soo qeyb-galeen bah-weynta qurbe-joogta Ciise Muse ee ku- dhaqan daafaha dunida. gaar-ahaan North-America iyo Yurub. Shirka waxaa lagu furey Aayadaha quraanka kariimka ah. Shirku wuxuu ku saleysnaa doorka ay horena uga qaateen hadana uga qaadan-karaan qurbe-joogta beeshu horumarinta degaanada ay degaan gaar-ahaan arimaha bulshada.Waxaa shirkaa war-bixino togan oo mug-leh ka wada bixiyey Ergooyinkii ka-kala socdey, USA, Canada, Finland, Sweden, Norwey, Germany, Holland, France, Denmark, iyo UK magaalooyinkeeda kala duwan. Waxaa iyana goobta shirkaa ka hadley garabyada haweenka ee dalalkaa kala duwan Ka-kala socdey. Shirkaa waxaa si qoto dheer loo qaa-daa-dhigay oo looga hadley qodobadan hoos ku xardhan:1- Sidii dar-dar xoogan loo gelin lahaa Horumarinta Arimaha Bulshada ee degaanka balaadhan ee ay beeshu degto,gaar-ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka.2- Waxa wax-garadka iyo aqoonyhanka beeshu ay qaa-daa-dhigeen iyada oo taxadar iyo mudnaanba la siinaayo Nabadgelyada ay Somaliland maanta ku-fadhido in fiiro gaar ah loo yeesho dhulka kheyraadka dabiiciga ah Alleh dhigay ee dhaca degaanka beesha ee sifayaasha sharciga aan waa-faqsaneyn loo xidhanaayo iyadoo la-la kaa-shanaayo sawiradii Sateliteku ka qaadey dhulkaas labadii sanadood ee la soo dhaafey.3- In la dhameys-tiro labada iskuul ee boodhinka ah ee baaxada leh ee hada dhismahoodu uu ka socdo labada goo-bood ee kala ah Dooxa-Guban iyo tuulada Dubur.4- In meel looga soo wada-jeesto horumarinta arimaha bulshada ee degaanka ay beeshu degto.5- In dawlada lagala xaa-joodo sidii dhulkii Digreetada danta guud ku soo baxdey 16/6/13, gaar-ahaan 2500-ee Jago ee isugu jira dhul dhisan,oo la degan-yahay ama meherado ah,dhul qabyo ah iyo dhul banaan kuwaas oo wada lahaa sifeyaal sharci ah oo dhameys-tiran oo la cashuurey oo ay kala bixiyeen mulkiyadahooda dawladihii u-kala danbeeyey qaranka S/land,sidii ay shacabkii lahaa dhulkaas ay xor-ugu noqon lahaayeen ee ay kuwa dhismahoodii oo socda la-xayireyna ay u-dhameys-tiran lahaayeen dhismahooda.6- In Beeshu hesho xaqa saamiga kaga maqan golaha xukuumada iyo ciidamada kala duwan ee qaranka.7- In midnimada iyo Jiritaanka Somaliland ay tahay mar-kasta iyo goob-kasta biyo kama dhib-caan Lama-taab-taan muqadas ahGuntii iyo geba-gebadii waxaa shirka lagu soo gunaanadey duco iyo quraanka kariimka ah, Waxaana uu shirku ku dhamaadey Jawi- aad u-farxad badan iyo heshiis wadareed af garad ah oo la isku wada waafaqey.Alleh ayaa Mahad Leh,Wa-Bilaahi-TawfiiqSomaliland Guul Waarta !!Gudida Sare ee Kulan Golobal


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured