Wafdi ka socda Dowlada federalka iyo Beelaha Habar Gidir oo garay xarunta Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb ee Cadaado ayagoo ka arinsanaaya sidii laga yeeli laah Sheikh Hassan Daahir Aweys Oo Diyaarad Khas Ah Lo Diray,

0
Thursday June 27, 2013 - 19:05:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi ka socda Dowlada federalka iyo Beelaha Habar Gidir oo garay xarunta Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb ee Cadaado ayagoo ka arinsanaaya sidii laga yeeli laah Sheikh Hassan Daahir Aweys Oo Diyaarad Khas Ah Lo Diray,

    Cadaado (xogreebnews.com-Waxaa caasimadda maamul goboleed Ximan iyo Xeeb ee Cadaado soo gaaray wafti aad u balaaran kana kooban ilaa iyo 45 xubnood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadaado (xogreebnews.com-Waxaa caasimadda maamul goboleed Ximan iyo Xeeb ee Cadaado soo gaaray wafti aad u balaaran kana kooban ilaa iyo 45 xubnood
Cadaado (xogreebnews.com-Waxaa caasimadda maamul goboleed Ximan iyo Xeeb ee Cadaado soo gaaray wafti aad u balaaran kana kooban ilaa iyo 45 xubnood. Waftiga ayaa isugu jira masuuliyiin, xildhibaano iyo waxgarad ka soo jeeda beesha h/gidir.
Wafugan ayaa waxay magaalada Cadaado u yimaadeen sidii laga yeeli lahaa arinta Shiikh Xasan Daahir Aweys oo maalin ka hor soo gaaray deegaanka Ximan iyo xeeb kadib markii uu ka soo baxsaday ururka Alshabaab oo dhexdooda dagaal ka biloday.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kadib shir ay wadayeesheen xasan Daahir Aweys iyo masuuliyiinta maamulka Ximan iyo xeeb in xasan wali ku adkaysanayo inuu marti u yahay beesha reer xaaji Sulaymaan sidaas daraadeedna uu doorbidayo inuu ku sii sugnaado deegaanka isagoo marti u ah reer Ximan iyo xeeb.
Arinta ku saabsan in Xasan Daahir Aweys ku sii sugnaado deegaanka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa ka hor yimid maamulka iyo shacabka Ximan iyo xeeb waxaana lagula taliyay inuu ogolaado in loo gudbiyo DF Somalia.
Wafiga soo gaaray Cadaado ayaa waxay u badan yihiin masuuliyiin, saraakiil, nabadoonno, xildhibaano iyo waxgarad badankoodu ka soo jeeda beelaha Cayr iyo Saleebaan waxaana la filayaa in ay wafigani caawa ku hoyan doonaan magaalada Cadaado si xal waara looga gaaro arinta xasan daahir Aweys. Waftiga soo gaaray Cadaado ayaa waxaa ka mid ah ku dhawaad 30 xubnood oo ka soo jeeda beesha Cayr, culays waynna ku leh siyaasadda iyo dhaqanka beesha iyo Somalia.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in aanay ogolaan doonin in xasan Daahir Aweys ku sii nagaado degaanka isla markaasna ay wadaadka ku wareejin doonaan wafiga magaalada Muqdishu yimid si uu ula xaajoodo DF Somalia.
Xasan Daahir Aweys lama hadlin warbaahinta si buuxdana looma oga xiriirka ka dhxeeya isaga iyo DF waxaase muuqata in aan xasan deegaanka u imaan inuu is dhiibo balse ay qasab ku noqotay kadib markii ciidanka Ximan iyo Xeeb ay hareereeyeen isaga iyo koox waardiye u ahayd.
Si kstaba arintu ha ahaatee, Xasan wuxuu hadda ku qasbanyahay inuu galo gacanta DF Somalia si ama loo cafiyo ama sharciga loo horgeeyo, waxaase dadku la yaabanyihiin sababta Xasan wali warbaahinta ula hadli la,yahay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured