WAR HADA SOO DHACAY) Geerida Ibraahim Afghan oo lasoo Cadeeyay ” Yaa dilay? Maxaase loo dilay? “Warbixin Xasaasi ah

0
Thursday June 27, 2013 - 19:02:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR HADA SOO DHACAY) Geerida Ibraahim Afghan oo lasoo Cadeeyay ” Yaa dilay? Maxaase loo dilay? “Warbixin Xasaasi ah

    Baraawe (xogreebnews.com- Warar aynu si dhab ah kaga helnay magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in la xaqiijiyay geerida sargaal kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baraawe (xogreebnews.com- Warar aynu si dhab ah kaga helnay magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in la xaqiijiyay geerida sargaal kale

Baraawe (xogreebnews.com- Warar aynu si dhab ah kaga helnay magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in la xaqiijiyay geerida sargaal kale oo Shabaab ah.
Sidoo kale Ilo lagu kalsoon yahay oo laga xaqiijiyay dad ku dhow Shabaab ayaa sheegaya inuu geeriyooday Ibrahim Afghan oo kamid ahaa Hogaamiyaasha Shabaab.
Xiriiro dhowr ah oo aan samaynay ayaan ku xaqiijinay geerida Ibraahim Xaji Jaamac Miicaad (Afgaani) oo ah Hogaamiye Shabaab ah.
Dhanka kale Sargaalkan caanka ku ah Afqaan ayaa wararku waxay shegayaan in lasoo taagay Maxkamada Shabaab ee magaaladaas Baraawe kadibne lagu xukumay dil.
Ururka Shabaab ayaa lasoo sheegayaa in Sargaalkaas ay meel cidlo ah gaysteen ayna qoorta ka jareen, waxaana sargaalkaas uu kamid ahaa xubno Shabaab ah oo kasoo horjeeday Axmed Godane
Waxan horay loo xaqiijiyay geerida Macalim C/xamiid(Burhaam) oo waalidkiis lagu wargeliyay inuu geeriyooday kadib dagaalkii Shabaab dhexmaray
Gudoomiyaha Shabaab ee Sh.Hoose Abuu Cabdalla ayaa sheegay in ay ciidamada amniyaadka Shabaab dileen Hogaamiye Macalin Burhaan maadaama uu kamid ahaa ragii kasoo horjeeday amiirka Shabaab.
Waxaa jira warar sheegaya in Hooyada Macalin Burhaan oo lagu magacaabo Xaawo Siidow ay gaartay Baraawe loona cadeeyay geerida Sargaalkaas.
Shabaab ayaa dagaallo xoogan dhawaan ku dhexmaray gobolka Sh/Hoose gaar ahaan magaalada Baraawe oo ah halka xiligan ay ugu xoogan yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured