Sergio Ageuro Oo Ku Jahwareersan In Uu Kala Doorto Kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid

0
Tuesday March 26, 2013 - 12:16:50 in Ciyaaro by Super Admin
  • Visits: 4347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sergio Ageuro Oo Ku Jahwareersan In Uu Kala Doorto Kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid

    Wargeysyada Spain ayaa saadaalinaya in weeraryahanka Man City Sergio Aguero uu doonayo in uu ka huleelo kooxdiisa City dhamaadka xilli ciyaareedkaan iyadoo la hadal hayo in kooxaha Real ama Barcelona midkood uu ku biirayo .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeysyada Spain ayaa saadaalinaya in weeraryahanka Man City Sergio Aguero uu doonayo in uu ka huleelo kooxdiisa City dhamaadka xilli ciyaareedkaan iyadoo la hadal hayo in kooxaha Real ama Barcelona midkood uu ku biirayo .
Wargeys AS ee ka soo baxa Spain ayaa tilmaamaya in Sergio yahay hadafka koowaad ee Real si dhanka weerarka oo aysan si wacan u buuxin Karim Banzema iyo Gonzalo Higuain ugu xoojiyaan iyadoo midkood la tilmaamayo in la iibinayo taasi oo wadada u xaareysa Sergio Aguero .

Waxa uu wargeyskaan intaas ku darayaa in doorashada koowaad ee Real uu horay u ahaa Falcoa balse Real dooneyn in loolan la galaan dhigooda Atletico Madrid.


Wargeyska kale ee Sport ayaa dhankooda sheegaya in Sergio Aguero uu Barcelona imaanayo hadii David Villa ka huleelo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkaa.


Sergio Aguero ayaan haatan ku jirin heer ciyaareedkii wanaagsanaa iyadoo xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee uu City u yimid dhaliyay 30 gool sidoo kalana 12 gool sameeyay halka xilli ciyaareedkaan uu dhaliyay kaliya 13 gool sidoo kalana sameeay 5 gool.

Waxaa xusid miudan in Sergio Aguero uu guri ku leeyahay magaalada Madrid sidoo kalaana curadkiisa ay u dhashay gabadha Mardona uu ku nool yahay magaladaas taas oo saheleysa in Real Madrids ku biiro


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured