MADAXWEYNAHA SOMALIYA WAXAAN LEEYAHAY CAADIFAD MA HAYNEE HALGAN BAAN KU SOO DHACSANAY SOMALILAND” MADAXWEYNE SIILAANYO

0
Thursday June 27, 2013 - 07:27:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA SOMALIYA WAXAAN LEEYAHAY CAADIFAD MA HAYNEE HALGAN BAAN KU SOO DHACSANAY SOMALILAND” MADAXWEYNE SIILAANYO

    Hargeysa (xogreebnews.com) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka qudbadeeyay munaasibada Xuskasanad guurada 53 aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka qudbadeeyay munaasibada Xuskasanad guurada 53 aad Hargeysa (xogreebnews.com) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka qudbadeeyay munaasibada Xuskasanad guurada 53 aad ee ka soo wareegtay habeenkii Somaliland Xorriyada ka heshay Gumaysigii Ingiriiska ee ay Calan taagto oo caawa ka socota Madaxtooyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya.
Madaxweyne Siilaanyo oo ugu horayn ka hadalay Munaasibada ayaa shacabka Reer Somaliland Hambalyo u diray “Dadweynaha Somaliland waxaan idinku salaamayaa debaal dega munaasibada 53 aad ee xorriyadii Somaliland, waxay ahay mid aynu ku taamaynay Somali oo dhan in aynu gaadhsiino oo waxaynu la tagnay somaliya Afar cisho kadib”

Madaxweyne Siilaanyo isagoo ka hadlaya dhibaatadii dhacday waxa uu raaciyay “Waxa loo galay halgan dheer oo dib loogula soo noqday, kadib markii dadweynaha reer Somaliland laga qadiyay manaasiibtii ugu muhiimsanayd ee Dawladdii la wada dhistay.” Ayuu yidhi

Isagaoo u jawaabaya hadalo ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliya waxa uu yidhi goosashada Somaliland in ay tahay caadifad, waxaan u sheegayaa in aanay caadifad ahayne in halgan dheer loo soo galay, waxaan leeyahay Caadifad maahee waa qadiyad dhab ah oo ay reer Koonfureedku keeneen, Somaliland-na waa Dal jira oo beesha Caalamku la xidhiidho wakhti kasta oo ay qaadatana waa mid jiraysa.”
Ugu danbayna waxa uu Hambalyo markale u diray Shacabka Reer Somaliland “Ummada Reer Somaliland ee Gudo iyo Dibed ba joogta waxaan u hambalyaynayaa munaasibada aan caawa u dabaal degayno oo ah Xooriyadii ugu horaysay ee Somaliland Ingiriiska ka heshay Somaliya oo gumaysi ku jirta, waxaan idin leeyahay sanadka sanadkiisa illaahay Nabad ha inagu gaadhsiiyo” ayuu kaga baxay.
Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo Habeenkan oo kale sanad kasta lagu xuso munaasibadan ayaa wax aka socda Dabaal deg balaadhan, iyadoo kooxda Fanka Somaliland ku madadaalin doonaan Marti sharafta xaflada joogta Murti iyo Maaweelo ku saabsan Sooyaalkii Xorriyadda Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured