MASKII QANIINAY ENG. MAXAMED XAASHI EE HADANA QANIINAY BOOBE YUUSUF DUCAALE TALOW MA KA BADBAADI DOONAA WASIIR MAXAMED BIIXI YOONIS: By: C/QAADIR MOHAMED CABDULAHI

0
Wednesday June 26, 2013 - 16:49:54 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MASKII QANIINAY ENG. MAXAMED XAASHI EE HADANA QANIINAY BOOBE YUUSUF DUCAALE TALOW MA KA BADBAADI DOONAA WASIIR MAXAMED BIIXI YOONIS: By: C/QAADIR MOHAMED CABDULAHI

    Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan, waxa kale oo aan salaamayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan, waxa kale oo aan salaamayaa Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan, waxa kale oo aan salaamayaa shacbiweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay aduunka ka joogaan, intaa ka dib waxaan u daadagayaa maqaalkaygan oo ah sidatan.

Sida aynu la wada socono habeenimadii isniinta ee taariikhduna ahayd 25/06/2013 ayaa waxa wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyanaha J/Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wareegtadaas oo isugu jirta magacaabis iyo isku badal xilal wasiiro. Hadaba shacabka reer Somaliland waxay falanqeeyeen waxa faa?iido ayleedahay isku Badalkan iyo magacaabistan, aniga rayigayga ii gaarka ah markii


aan arkay wareegtada waxa ay ii la muuqatay in aysan jirin wax isbadal ah oo ku soo kordhaya xukuumadii Kulmiye, arrintuna ay tahay Kud ka guur oo Qanjo u guur. Meesha wax la taaban karo waxa ku jira Aqoonyahan Maxamed Biixi Yoonis oo ah aqoonyahan aad loogu hanwaynyahay xilal sarsarena ka soo qabtay UN ka, anan isleeyahay hadii shaqadiisa arrimaha dibada loodaayo guulbuu ka keeni karaa, balse waxa isweydiinta mudan maka badbaadi doonaa maska Madaxdooyada ku jira ee wixii wanaagsanba qaniina, taana Allaa garan.

Arrinta kale ee shacabka reer Somaliland ka yaabisay waxa weeye Wasiiradii ay Madaxweyne Siilaanyo isku beesha ahaayeen oo aan ku jirin isku badalka iyo erintaba, taasina waxay kuu cadaynaynaa in wareegtadan ka soo baxday Madaxtooyada aysan ahayn wareegto ka soo baxday Dowlad Dumuqraadi ah ee ay tahay wareegto ka soo baxday Qoos Boqortooyo ah.

Waxaa kale oo layaab ah in Xukuumada Siilaanyo maanta ka baxday heshiiskii u socday Ururka XAQSOOR, rag ka mid ah ururkana u magacowday wasiiro, lakiin waxaan soo dhawaynayaa hadalkii gudoomiyaha ururka XAQSOON Mujaahid Xasan Ciise oo isaga aan looga baqayn in uu qaranimada Somaliland iyo dulmiga maanta jira uu siisto kursi iyo hunguri, mujaahidka waxaan leeyahay maalin uun baa xaqu iman ee halkaa kagahay.

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa oo aan shacabka reer Somaliland kula dar daarmayaa in ay ilaashadaan qaranimada Somaliland, isku duubnina muujiyaan taas ayaa guul lagu gaadhi karaa.

XOGHAYAHA XISBIGA UCID EE UK BRISTOL

C/QAADIR MOHAMED CABDULAHI



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured