Sh.Xasan Daahir Aweys Oo Gacanta Lagu Dhigay,Goorta La Qabtay,Cida Qabatey Iyo Halka Lagu Hayo!.

0
Wednesday June 26, 2013 - 16:37:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sh.Xasan Daahir Aweys Oo Gacanta Lagu Dhigay,Goorta La Qabtay,Cida Qabatey Iyo Halka Lagu Hayo!.

    London-(xogreebnews.com) Af-hayeenka maamul goboleedka Ximin iyo Xeeb Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London-(xogreebnews.com) Af-hayeenka maamul goboleedka Ximin iyo Xeeb Maxamed London-(xogreebnews.com) Af-hayeenka maamul goboleedka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafay ayaa daaha ka feyday in maamulkoodu xalay sadexdii habeenimo uu gacanta u soo galay ama isu soo dhiibay Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid hogaamiyayaasha Xarakada Al-shabaab.

Hagafey wuxuu sheegay in Sh.Xasan Daahir Aweys ka soo degay gobolka Xeebta isagoo ay wehelinayeen madax iyo ilaalo ka tirsan Xarakada Al-shabaab garabkiisa.

Hagafay wuxuu xaqiijiyey in uu Sh.Xasan Daahir Aweys ku jiro hadda gacanta ciidanka Ximin iyo Xeeb oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha maamul goboleedka Ximin iyo Xeeb Cabdilaahi Cali Maxamed (Baar —leex) ,wuxuuna intaas ku daray in lagu hayo tuulo ka tirsan gobolka xeebta loona soo wado Magaalada Cadaado.


Geesta kale wuxuu Afhayeenka Maamulka Ximin Iyo Xeeb Hagafey shaaca ka qaadey in Sh.Xasan Daahir Aweys gacanta loo gelin doono xukumada Federaalka Somaliya oo uu sheegay in maamulkoodu si toosa u hoos tago.

Isku soo wada duuboo Sh.Xasan Daahir Aweys ayaa dhawr cisho ka hor firxaday markii lagaga itaal roonaadey dagaal qadhaadh oo Baraawe ku dhexmaray Amiirka Al-shabaab Axmed Godane oo isagu gacanta ku haya degaanka Baraawe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured