Daafaca Benfica Ee Ezequiel Garay Oo Albaabada Ka Xertay Damaca Kooxda Man United

0
Tuesday March 26, 2013 - 12:13:51 in Ciyaaro by Super Admin
  • Visits: 4304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daafaca Benfica Ee Ezequiel Garay Oo Albaabada Ka Xertay Damaca Kooxda Man United

    Daafaca kooxda Benfica Ezequiela Garay ayaa albaabadaa ka xertay kooxaha doonaya in ay la hishiiyaan , isaga oo xaqiijiyay in uu ilaalinayo hishiiska uu kula joogo kooxdiisa , waxa ayna tani dhabar jab ku tahay kooxda Man United .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daafaca kooxda Benfica Ezequiela Garay ayaa albaabadaa ka xertay kooxaha doonaya in ay la hishiiyaan , isaga oo xaqiijiyay in uu ilaalinayo hishiiska uu kula joogo kooxdiisa , waxa ayna tani dhabar jab ku tahay kooxda Man United .
Daafacan 26 sano jirka ah ee u dhashay dalka Argentina ayaa shabakada Sky Sports ka yiri ” waxaan kooxdeyda kula jiraa hishiis ku siman 2015-ka mana ka fikarayo wax aan aheyn in aan ilaaliyo hishiiskeyga kooxda , wararka ila xariirinaya naadiyadaas wax aan ka ogahay ma jirto “.

Sidoo kale laacibkaan ayaa waxaa dooneysa kooxda Barcelona iyo Real Madrid kuwaasi oo iyana dhankooda muujiyay rabitaanka ku aadan laacibkaas Ezequiel Garay.


Waxaa xusid mudan in daafacaan uu horay ugu soo ciyaaray Real Madrid xilli ciyaareedkii 2008-da waxa uuna u saftay 31 kulan isaga oo kaliya laba xilli ciyaareed oo uu la joogay u dhaliyay hal gool ka dibna 2011 -ka waxa uu ku biiray kooxda Banfica .


Kooxda Man United ayaa shaacisay in laacibkaasi ay ku doonayaan aduun lacageed oo gaaraya 10 milyan oo gini ayna ayna xoogga saaryaan in dhamaadka xilli ciyaareedkaan ku soo biiriyaan kooxda Man United


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured