Xasan Ciise oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyay inuu ka baxaya wadahadaladii Waxa uu ka biyo diiday wasiiru dawle iyo Wasiir ka tirsanaa Xaq-soor oo la magacaabay

0
Tuesday June 25, 2013 - 21:16:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Ciise oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyay inuu ka baxaya wadahadaladii Waxa uu ka biyo diiday wasiiru dawle iyo Wasiir ka tirsanaa Xaq-soor oo la magacaabay

    Hargeysa(xogreebnews.com) Xasan Ciise Jaamac ayaa soo saaray Digreeto uu ku cadaynayo in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Xasan Ciise Jaamac ayaa soo saaray Digreeto uu ku cadaynayo in Hargeysa(xogreebnews.com) Xasan Ciise Jaamac ayaa soo saaray Digreeto uu ku cadaynayo in Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu ka baxeen wadahadaladii ay la lahaayeen Ururka Xaq-soor, isagoo ku Eedeeyay magacaabista uu magacaabay Wasiir iyo Wasiiru dawle ka tirsan Ururkiisa.

WARSAXAAFADEED
Wadahadaladii u dhexeeyey Xaqsoor iyo xukumada waxaa ka baxay dhinacii xukumada.
Ka dib marKii uu gudigii laba geesoodka ahaa ee wadahadalada ku jiray uu isla soo qaaday qodobo guud ayaa ururka xaqsoor ku dhawaaaqay inay diyaar u yihiin wareegii labaad ee loogu geli lahaa tafaasiisha qodobada guud, hadii laga helo dhinaca xukuumada. Iyada aanay xukuumadu kasoo jawaaabin soo jeedintaas ayay imika magacowday Wasiir iyo Wasiiru dawle ka tirsanaa hogaanka xaqsoor iyaga oon magacaabistooda waxba ka waydiin hogaankii ururka.


Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka xaqsoor daacadnimo ku galay wadahadaladaas. Waxaan ogolaanay inaanu la hadalo xukumada ka dib markii ay iyagu ku taliyeen inaanu wadahadalo yeelano. Waxaanu sidaas u yeelnay anaka oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad iyo horumar iyo anaka oo ka cararaynay in naloo sawiro urur gar-maqaate ah. Waxa se noo muuqatay inaanay xukumadu daacad ka ahayn wadahadalada. Imika xukumadu talaaabadan, magacaabida waxay ku cadaysay inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka xaqsoor.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa mar kale, inaan Xaqsoor cidi uga lexejeclo badnayn Somaliland oonu sidii hore iyo si kasii wanaaagsan ugu sii shaqayndoono midnimada, sharafta, cadaalada iyo xaqsoorka iyo horumarka dadka iyo dalka qaaliga ah ee Somaliland.

Gudoomiyaha ururka Xaqsoor

Xasan Ciise Jaamac



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured