Pro.Axmed Ismaaciil Samatar Oo Markii Ugu Horaysay Daboolka Ka Qaaday In Uu Taageersan Yahay Qadiyada Somaliland.

0
Tuesday June 25, 2013 - 19:35:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pro.Axmed Ismaaciil Samatar Oo Markii Ugu Horaysay Daboolka Ka Qaaday In Uu Taageersan Yahay Qadiyada Somaliland.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday mawqifka uu ka aamminsan yahay qaddiyadda Iyo Gooni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday mawqifka uu ka aamminsan yahay qaddiyadda Iyo Gooni Hargeysa(xogreebnews.com-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday mawqifka uu ka aamminsan yahay qaddiyadda Iyo Gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo waxa uu ku dhaqaaqi doono.

Prof. Samatar ayaa shaaca ka qaaday hadal in badan dadweynaha reer Somaliland ka sugayeen afkiisa in uu mar uun ka soo baxo, ka dib markii uu soo dhammeeyey badi gobollada dalka Somaliland. Waxaanu Prof. Axmed Samatar sidaa ku sheegay Waraysi Gaar ah oo uu siiyey Telefishanka qaranka somaliland “Dalka Soomaaliya 53 sannadood oo uu xor ahaa Madaxweyne Somaliland ahi ma qaban jagada Madaxweynennimada Soomaaliya, taasina waxay caddaynaysaa in aanay halkaa hambo siyaasadeed mooyee wax kale u oollin. Aniguna waxaan caddaynayaa inaan Somaliland Qarannimadeeda meel walba gaadhsiiyo.”


Waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “Somaliland Geeska Afrika Dal ka jira in ay noqoto ayaan rabaa, aniguna aan wixii aan la qaban karo la qabto.”ayuu yidhi Pro.Axmed Ismaaciil Samatar.

Hadalkan ka soo yeedhay Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee soo afjara warar ay Warbaahinta Somaliland si weyn u qaadaa-dhigaysay maalmihii ugu dambeeyey, isla markaana Siyaasiyiinta dalka qaarkood ku dhalliileen inaanu caddaynin mawqifka uu ka aamminsan yahay gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay shacabkuna dhegta u taagayeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured