Deegaameyntii Beesha Siilaanyo Ka Waday Bebera Oo Waji Kale Yeelatay iyo Gobolkii Oo Horumarkisii Xukuumadu Curyaaminayso.

0
Saturday June 22, 2013 - 21:17:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaameyntii Beesha Siilaanyo Ka Waday Bebera Oo Waji Kale Yeelatay iyo Gobolkii Oo Horumarkisii Xukuumadu Curyaaminayso.

    Qormadii 1 aad: Deegamaynta balaadhan ee bar yahanba beesha siilaanyo ka waday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 1 aad: Deegamaynta balaadhan ee bar yahanba beesha siilaanyo ka waday

Deegamaynta balaadhan ee bar yahanba beesha siilaanyo ka waday magaalada berbera iyo nawaa-xigeeda yaa waxay la soo baxay waji cusub ka dib markii uu si badheedh ah siilaanyo u soo saaray digreeto u ogolaanysa beeshiisa oo qudha in lag iibiyo dhulka magaalada berebra,iyada oo hada xaalada guud ee magaalada berbera ay aad u kacsan tahay sababta keentay in dadka deegaanka uu siilaanyo ka hor joogsado dhulkooda yaa waxay noqotay mid taariikh madaw ku reebi doonta siilaanyo,waayo weligeed laam arag oo lama maqal madaxweyne qaran oo yidhaah magaaladaasi oo kaliya ayaan xayirayaa oo dalka intiisa kale ha ka duwanaato siilaanyo horteed.

Sida ku cad waregtada ka soo baxay xafiiska siilaanyo waxay ujeedadeedu ahayd sidii beesha hore loogu mari lahaa oo dhul balaadhsi laaga samayn lahaa deegaanka berbera,iyada oo la istcmaalayo hatidii qaranku wada lahaa oo hada gacanta ugu jira beesha siilaanyo,basle waxaa hubaal ah inaysan arintaasi dadka reer saaxil ka hadhi dooni waayo waa godob laga galay oo uu ka galay siilaanyo, hadaba marka la eego sameynta balaadhan ee dhinaca amniga iyo horumarka leh ee ay wareegtadaasi ku yeelan karto gobolka ayaa ah mid xun waayo marka beesha siilaanyo doonto inay wax kasta oo ka socda gobolka hadii ay noqon lahayd dhismaha guryaha ,shaqaaleysiina dhalinyarada ay tidhaah beesha siilaanyo horta halaga fudh yeelo waxaa dhacay iska hor imaan waayo sida hadaba aanu cilmi baadhis madax bananaoo ay samaysay shabakada xogreebnews.com lagu ogaaday in badi ilihii dhaqaalaah ee gobolka gacanta loo geliyey dhalinyaro aan aqoon u lahayn arimaha dhaqaalaha iyo maamulka oo ka soo jeeday beesha siilaanyo ,iyada oo ujeedada qudha ee lag leeyahay tahay horumarinta iyo deegamaynta beesha siilaanyo ee ku waajahan gobolka saaxil.

Waxa kale oo mujiso ah sida ay beesha siilaanyo ay carqalada ugu hayso dhamaan deegaamata gobolka iyada oo ay ugu danbeysay deegaanka loo yaqaano xabaalo tumaale oo dhisme sharci daro ah ay ka bilaabeen beesha siilaanyo kaasi oo la doonayay ama qayb ka ahaa deegaameynta balaadhan ee beesha siilaanyo bar yahanba ka waday deegaanada berbera iyo nawaaxigooda ,inkasta oo ay ku fashilmeen oo had iyo jeer dadka shacabka ah ee iska leh deegamadaasi ay ka hor yimaadeen isku dayga foosha xun ee beesha siilaanyo ka wado deegaanadaasi oo dhan ,iyagoo adeegsanaya awooda siilanyo iyo hatida umada ee ay hada gacanta ku hayaan.

Ugu danbantii waxaan baaq deg deg ah u dirayaa Gudida DAN IYO DUCO, Aqoon yahanka beesha Guda iyo dibadba ,dhalinyarada gobolka iyo dhamaan wax garadka gobolka inay fadhiga ka kacaan oo ay ka hor yimaadaan wareegto ku sheega uu soo saaray madaxweynaha qabyaaladu madax martay ee siilaanyo waayo isma oga in uu qaran dhan oo la yidhaa Somaliland in uu u yahan madaxweyne basle isku haysta in uu beeshiisa oo qudha madaxwyene , markaa waxaa waajib ah in si adag looga hor yimaado curyaaminta iyo deegaamenta uu siilaanyo ku hayo berbera ,isla markaana waa in mudaharaad lagaag hor yimadaa wareegto ku sheegta , waana in lala xisaabtamaa oogacan wax lagaga qabtaa xoghayaah dawlada hoose ee berbera oo isagu ah wakiilka dhinaca basaasnimada ee madaxtooyda iyo cid kasta oo ah daba dhilfyada ka soo jeeda gobolka ee ah dhuuni raaca.

La Soco Taxanaha Danbe ee qormooyinkan.

Qalinkii:C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Email:info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured