CIYAARTOY RUUG CADAA AH OO TALO U JEEDINAYA WASAARADA CIYAARAHA

0
Saturday June 22, 2013 - 19:39:07 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIYAARTOY RUUG CADAA AH OO TALO U JEEDINAYA WASAARADA CIYAARAHA

    by: axmed yousif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

by: axmed yousif

Ismaaciil caydiid jumayka oo ka mid ahaa ciyaartogii magaca wayn ku lahaan jiray xulkii qaranka ee wadankii somalia laysku odhan jiray sanadihii sideetamaadkii, ahna somalilander haddana qurbejoog ku ah sweden ayaa nasiib daro ku tilmaamay sida ay wasaarada ciyaaruhu u maamushay tartanka ciyaaraha ee sanadkan. Ismail jumayka oo hadda ka mid ah masuuliyiinta maamusha ciyaaraha somalida ee qaarada yurub sanad kasta lagu qabto ayaa wuxu tilmaamay in marka ugu horeeysaba masuuliyiinta wasaarada ciyaaruhu oo kow ka yahay wasiirku ay dayaceen khubaro badan oo aad ugu xeel dheer maarayta iyo maamulka ciyaaraha , waayo aragnimo farabadana u leh ciyaaraha oo ah dadkii dhisay ee dhidibada u taagay ciyaarihii wadankii somalia laysku odhan jiray oo badankoodu somalilanderiin ah. Khubaradan oo iskugu jira ragii ciyaartoyga waawayn ee qarankii somalia iyo masuuliyiintii wasaaradii ciyaarahaba waxay diyaar u ahaayeen tabaruca iyo taageerida wadankooda somaliland balse inkasta oo wasiirka iyo masuuliyiin kale oo wasaaraduba ka war hayeen xidhiidhna la sameeyeen hadana waxba lagama dhagaysan, wasiirkuna wuxu isku koobay kaliya in uu dhagaysto rag an wax khibrad ah oo la sheego ciyaaraha u lahayn waana taa aynu wada aragnay midhaheedii.

Ragan khubarada ah waxa ka mid ah Axmed sheel oo ahaa ninkii xidhiidhka ciyaaraha ee somaliya qotomiyay, siciid ducaale oo noqday nr 10 africa magac iyo sharaf aad u badana ku lahaa ciyaaraha kubada cagta ee dunida, mohamed ismail, ahmed hasan ganay, xasan xoog oo kubada kolleyga aad ugu xeeldheeraa, ismail jumayka, ahmed qaldaan abdixakiim,feysal qaldaan, caydhiye,xasan weyne,mustafe gabdhow iyo qaar kale oo badan .

Ismail jumayka wuxu talo ku soo jeediyay in ay wasaaradu hadda wixii ka dambeeya ka faaiidaysto waayo aragnimada iyo khibrada ay leeyihiin ragan somalilanderska ahi ee aan wax mushahar iyo kharash toona ka doonayn, lana tashadaan mar kasta dad khibrad leh.

by: axmed yousif




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured