BAAFIN: WAAR YAA ARKAY HADRAAWI (RUUXDIISA MA RABEE RA’YIGIISAAN RABAA) BY: QALINKII AMIIN KHADAR

0
Saturday June 22, 2013 - 19:35:10 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAAFIN: WAAR YAA ARKAY HADRAAWI (RUUXDIISA MA RABEE RA’YIGIISAAN RABAA) BY: QALINKII AMIIN KHADAR

    BAAFIN: Waar Yaa Arkay Hadraawi (Ruuxdiisa ma Rabee Ra’yigiisaan Rabaa)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BAAFIN: Waar Yaa Arkay Hadraawi (Ruuxdiisa ma Rabee Ra’yigiisaan Rabaa)

BAAFIN: Waar Yaa Arkay Hadraawi (Ruuxdiisa ma Rabee Ra’yigiisaan Rabaa)

akhristi waxaan ubaafinayaa abwaan hadraawi waxaan ku aqaaney Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) waa hal-abuur maanseed, oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood. Maansadiisu waa dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo. Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka la dulmiyayo. Wuxuu Hadraawi la jaal yahay dadka maxaysatada ah iyo kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda iyo dhaqankooda, wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga wax barashada.Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa dadka-dadka dulmiya, booba, dhaca, yasa, xaqira, dadka is waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga. Waxaan aad u xasuustaa wakhtiyadii sideetanadii, marka laga hadlayo wararka sugan, Illaahay baa yidhi (sw) iyo rasuulkeenii baa yidhi (csw) waxa ku xigi jiray BBCda ayaa tidhi iyo Haraawi baa yidhi. Dadyowga gabyaa waxay dadka fahansiiyaan una bayaamiyaan dhacdooyinkii hore iyo kuwa maanta dhacaya. Hadraawi, xidh xidhka gabayada waxa u dheer aqoon iyo garasho uu kaga faaloodo waxa barri dhacaya. waxa kale oo u iigu suntan yahay baqdin la’aan, habrasho la’aan iyo isaga oo aan xoolo ku raadin. Rabbi wuxuu igu ogyahay fikirkayga ah hadii qof qof kafada la inoo saaro dhinaca kalena Hadraawi la saaro waxaan qabaa qof la miisaan ahi in aanu waddankaba joogin. Hadaba maanta waxaan miisaanka saaray Hadraawi dhinaca kalena Somaliland. Waxa aanu shaki ku jirin in Soomaaliland ka miisaan wayntahay Maxamed Ibraahim. Mar haday sidaa tahay saaxiibayaal hayla yaabina inaan odayga baafiyo fikirkiisa. Maamuladii Somaaliya, SNM, iyo Somalilandba marka shicibku

wax towdaan, Hadraawi waxa lagu bartay inuu u hiiliyo danyarta iyo dhibanaha. Inkasta oo aan laysku raacsanayn sababaha iyo cida masuulka ka ah toona, waxa dhamaan dadku isku raacsan yihiin in maanta qabyaaladu ay marayso meel aanay waligeed gaadhin, inaga oo og in ay qabyaaladu tahay Ummul Khabaa’is.

Waxaan xasuustaa warqad aad xiligii Madaxweyne Riyaale qortey una qortey Riyaale hadaan soo koobo macnihii ay xambaarsaneyd waxa ay sheegeysey inaad mudo garan la ayd halka uu qaladka wadanku ka jiro oo aad ogaatey inay aheyd in aqoondaro taaley madax tooyada ,bal hadaba maanta kolkaad eegto laga soo bilaabo doorashadii inta dhacdo ee dhibaato ah ee dhacey sababna utahey madaxtooyadii aad Abwaan Hadraawow shaley ka hadleysey iyo talada madaxtooyada sided u aragtaa umad badan oo aan ka mid ahey waxay sugeysaa aragtidaada? Waxa ka afeefanayaa in aan Raali galin buuxda ka bixinayo hadii aanu abwaanku ogayn sida ay wax u dhacayaan. Hadii xaalku ogaansho la’aan noqdo, isla goobtaa waxaan iyana raali galin buuxda ku siinayaa Alle ha u naxariisteeYam-Yam oo malaa isna aanu barigaa dabku gaadhin.

Qalinkii Amiin Khadar




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured