Weriye Oo Eedayn Kulul U soo Jeediyay Wasiirka Ciyaaraha .

0
Saturday June 22, 2013 - 19:18:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Oo Eedayn Kulul U soo Jeediyay Wasiirka Ciyaaraha .

    Burco-(xogreebnews.com-Wariye Axmed Warsame Cilmi oo ka mid ah wariyaasha Bahda Saxaafadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco-(xogreebnews.com-Wariye Axmed Warsame Cilmi oo ka mid ah wariyaasha Bahda Saxaafadda Burco-(xogreebnews.com-Wariye Axmed Warsame Cilmi oo ka mid ah wariyaasha Bahda Saxaafadda gobolka Togdheer ayaa eedeyn kulul ujeediyay Wasiirka Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyaradda Cali Siciid Raygal qaabkii uu u maamulay khilaafkii xulka ciyaartoyga gobolka Togdheer iyo hadalo ka soo yeedhay .


Wariyaha oo u waramay qaar ka mid ah warbaahinta Burco ayaa ugu digay Wasiirka Ciyaaraha in uu gobolka Togdheer ciyaaraha ka joojiyo ,maadaama ay cadahay cidii ka danbeysay khilaafkii ciyaartoyga gobolka Togdheer .

“ Ciyaaraha ka socda Somaliland aad iyo aad ayay dadka u xiiso-galiyeen ,laakiin waxa la yaab noqday waxyaabo ciyaaraha ku dhex milan sida gobolada qaar ,sida gobolka Togdheer oo la yidhi ama wararku sheegayaan in uu wasiirku yidhi Sedex sanadood ayaan ciyaaraha ka mamnuucayaa ,dee caalamka ka may dhicin gobol la yidhaado ,mudo intaa leeg ayaa ciyaaraha laga mamnuucayaa iyadoo cidii qaladaadkan gaysatay ay cadahay.

Waxay ahayd ciyaaraha gobolka in laga mamnuuco 24-kii nin ee ciyaaraayay , masuuliyiintii iyo odayaashii la taliyayaasha u ahaa oo iyagu sabab u ahaa munaafaqadaa ciyaartoyga ku dhex milantay “ Sidaasi ayuu Axmed Warsame Cili yidhi waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata . “ Sidaa awgeed markaa hadii uu wasiirku maanta yidhaado ciyaaraha ayaan gobolka ka mamnuucayaa oo aan u baabiinayaa 24 inan iyo 12 Oday oo munaafaqiin ah oo Faarax Xadhigle Madax u yahay Iyo Jamaal Huuhaa wax suurto gal ah maaha ayaan leeyahay wasiirka ,haduu si deg deg ah uga noqonwaayana arintaasi isagay gaar u tahay ee hala ogaado “ Sidaasi ayuu yidhi.

Sidoo kale Wariyaha ayaa u mahadnaqay amaan balaadhana ujeediyay Isuduwihii hore ee ciyaaraha gobolka Togdheer laga bedelay Cabdikariin Yuusuf Muraad oo uu xusay in ay dadweynaha reer Burco ku xusuustaan guulihii dhinaca ciyaaraha gobolku uu gaadhsiiyay mudadii uu joogay ,Koobabkii uu soo qaaday iyo go’aamadii ku dhaca la’haa uu kaga hortagi jiray khilaafka ciyaartoyga gobolka .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured