Yusuf Budle oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee S/land aanu la lahayn dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka xidhiidh Diblomaasiyadeed Yusuf Budle Oo Sheegay In Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee S/Land Aanu La Lahayn Dalalka Ingiriiska Iyo Maraykanka Xidhiidh Diblomaasiyadeed

0
Saturday June 22, 2013 - 19:10:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yusuf Budle oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee S/land aanu la lahayn dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka xidhiidh Diblomaasiyadeed Yusuf Budle Oo Sheegay In Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee S/Land Aanu La Lahayn Dalalka Ingiriiska Iyo Maraykanka Xidhiidh Diblomaasiyadeed

    Canada (xogreebnews.com- Yusuf Budle oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee S/land

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Canada (xogreebnews.com- Yusuf Budle oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee S/land Canada (xogreebnews.com- Yusuf Budle oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee S/land aanu la lahayn dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka xidhiidh Diblomaasiyadeed ee uu leeyahay xidhiidh sirdoon oo keli ah.Tan iyo intii Xisbiga UCID u magacaabay Mudane Yusuf Budle jagada xoghayaha arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga, waxa uu si aad ah iskugu hawlay siddii uu u dabo geli lahaa meesha ay wax u marayaan xidhiidhka Somaliland ay la leedahay dalalka Caalamka, gaar ahaan dunida reer galbeedka. Waxa ay ahayd bishan June 4teedii markii uu Mudane Yusuf hor geeyay dacwad cabasho ah guriga Baarlamaanka ee dalka Maraykanka (US Congress), si uu uga dhaadhiciyo cadaalad darada lagu hayo S/land marka ay timaado dhinaca saami qaybsiga dhaqaalaha uu dalka Maraykanku, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Maraykanku (US State Dept) ku bixiso arrimaha somaliya iyo somaliland.

Hadaba Yusuf Budle oo aanu arrintaas wax ka weydiinay ayaa sheegay in si fiican xidhiidhku u socdo, welina ay balantii hor tegitaanka madaxda Congress-ka ee Maraykanku ay sideedii tahay, laakiin ay heleen raadad sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee S/land Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar aanu haba yaraatee la lahayn, weligiina la yeelan xidhiidh dublomaasiyadeed dalalka Maraykanka iyo UK, inta ay ogyihiina dhamaanba xidhiidhkii iyo booqashooyinkii uu ku tegi jiray safaaradaha UK iyo Maraykanka ee addis Ababa iyo Nairobi, iwm ay dhamaantood ku salaysnaayeen xidhiidh sirdoon oo uu la leeyahay hay’adaha sirdoonka ee dalalkaasu.
Waxay ahayd muddo laga joogo shan todobaad (badhtamihii bishii May) markii Xisbiga UCID looga sheegay magaalada London in aanay dawladda Ingiriisku garanayn meesha ay wax ka qaldan yihiin, maadaama ay madaxda S/land intooda badan, gaar ahaan wasaarada Arrimaha Dibedda oo ay ka mid yihiin Wasiirka iyo laba safiir oo Somaliland u kala fadhiya laba dal oo muhiimi ay u sheegeen muddo sanad ka hor ah in ay S/land ogoshahay la midowga walaalahooda Soomaaliyeed, haddii la saxo waxyaabaha qaldan, waa sida ay u dhigeen madaxda Ingiriiskuye. Arrintan oo run ahaantii ku keentay yaxyax madaxda xisbiga UCID, keentayna in ay dib uga sii faagtaan taageeriddii ay awal la ag taagnaayeen dawladda Somaliland ee uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo.
Mudane Yusuf Budle oo aanu weydiinay wararka sheegaya in dad u dhashay S/land oo sita dhalashada Maraykanka loo diiday in ay tagaan Berbera, ilaa ay qaataan fiise Soomaali ah, oo laga qaatay safaarada Somaliya ay ku leedahay dalka Maraykanka, waxa uu ku jawaabay: Haa way jirtaa laakiin ma aha dadka waaweyn ee ay baasboorka Maraykanka ugu qoran tahay in ay ku dhasheen Somaliya, laakiin waa ciyaalka ay dhaleen ee la socda ee ay baasboorkooda Maraykanka ugu qoran tahay in ay ku dhasheen USA. Waxa inta aan ka war qabno laga soo celiyay Airport-yada ilaa 8 qoys oo u dhashay Somaliland loona diiday in ay dalka ka baxaan iyaga oo aan fiise kasoo qaadan safaarada Somaliya ee Washington. Arrinkan waxa aanu kala xidhiidhnay safiirka Somaliland u fadhiya dalkan Maraykanka waxaanu noo sheegay in aanu waxba ka qaban karin ayna ku qasban yihiin in ay qaataan fiisahaas loo sheegay in ay qaataan ee Somaliya. Waxa kale oo aanu la xidhiidhnay madaxda diyaarada Ethiopian Airlines ee Washington oo ah diyaarada keliya ee dadkan ku qasabtay arrinka fiisaha, waxaanay noo sheegeen in arrinkaasu yahay amar cusub oo bishii May 2013 horaanteedii lagaga soo amray Addis Ababa, aanayna waxba ka qaban karin. Kadib waxa aanu u gudbinay cabashadan madaxda wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo weliba Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Somaliland, si ay arrinkan wax uga qabtaan ilayn iyagaa dawladdii ahe. Illaa hadana arrinkii wax laga qabtay maanaan arag, dadkii reer Somaliland ahaana waxa igu maqaala ah in qaar ka mid ahi ay fiisihii ka qaateen safaarada Soomaalida ee washington, sidaana ku tageen Somaliland.
Mudane Yusuf Budle ayaa waxa uu noo sheegay in ay xisbi ahaan ku talo jiraan in ay sameeyaan gole cusub oo loo bixindoono : Golaha Dublimaasiyada Qaranka Somaliland” oo ay jeclaan lahaayeen in ay ku casumaan qof kasta oo raba in uu wax ku taro qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland iyada oo aan loo eegayn xisbiga uu taageersan yahay iyo reerka uu kasoo jeedo, sida hadda caadada u noqotay xukuumadda Somaliland. Golahaasu waxa uu ka shaqayndoonaa aqoonsi raadinta Somaliland iyo weliba saaxiibo u samaynta dalkeena. Haddii uu qofku rabo in aanu magaciisu soo shaac bixin ee uu si hoose noola shaqeeyo diyaar ayaanu u nahay, haddii uu rabo in uu si badheedh ah oo shaacsan noola shaqeeyana diyaar ayaanu u nahay. Waxa aanu ka hadlaynaa waa badbaadinta dalka iyo dadkeena, wixii kale oo dhan waa soo racraac ayuu yidhi Mudane Yusuf Budle.
UCID Media Group



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured