XUKUUMADDA SOMALILAND OO DIB XABSIYADA UGU GURAYSA KOOXIHII AL-SHABAAB LALA XIDHIIDHIN JIRAY EE JEELASHA AY KA SII DAYSAY

0
Saturday June 22, 2013 - 19:05:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUKUUMADDA SOMALILAND OO DIB XABSIYADA UGU GURAYSA KOOXIHII AL-SHABAAB LALA XIDHIIDHIN JIRAY EE JEELASHA AY KA SII DAYSAY

    Burco(xogreebnews.com) Xukuumadda Somaliland ayaa toddobaadkii u danbeeyay magaaladda Burco ka qab qabatay Rag ay hore xabsiyada uga sii daysay oo lagu eedeeyay in ay aaka tirsanaayeen kooxaha Xag-jirka ah ee Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(xogreebnews.com) Xukuumadda Somaliland ayaa toddobaadkii u danbeeyay magaaladda Burco ka qab qabatay Rag ay hore xabsiyada uga sii daysay oo lagu eedeeyay in ay aaka tirsanaayeen kooxaha Xag-jirka ah ee Al-shabaab. Burco(xogreebnews.com) Xukuumadda Somaliland ayaa toddobaadkii u danbeeyay magaaladda Burco ka qab qabatay Rag ay hore xabsiyada uga sii daysay oo lagu eedeeyay in ay aaka tirsanaayeen kooxaha Xag-jirka ah ee Al-shabaab.
Ciidanka RRU-da ayaa shalay magaaladda Burco ka soo qabtay sheikh la odhan jiray Mubaarik oo xabsiga laga sii daayay iyo Wiil uu dhalay, halka doraad ay laba Nin midna ay habeenimo guri kala soo baxeen, ka kalena aroornimadii qabteen, dhamaantoodna waxay u soo dhaadhicisay Hargeysa.Labada nin ee ay doraad qabteen ayaa mid ka mid ah ay Ilmaabti yihiin nin hore isna Jeelka looga sii daayay oo dhawaan RRU-du ay ku soo qabatay Hawlgalkii muranka ka dhaliyay magaaladda burco ee ay ku soo qabteen Hub yaalay suuqa bacadlaha iyo meherado kale.Ka hor kooxdan burco laga soo ururiyay wax aka horeeyay Hawlgal Hargeysa ka dhacay Habeenkii Cismaan Awr-liqe gurigiisa ay galeen RRU-du habeenkaas oo mid la mid ah xaafadda Sheekh Madar laga soo qabtay wiil la yidhaahdo C/laahi Sheekh Abiib, kaasoo isna in muddo ah u xidhnaa tuhunka imika loo soo qabtay, balse aan wax danbi ah lagu helin.Lama oga sababta Xukuumaddu wakhtigan u baacsanayso dadkan ay hore Xabsiyada uga sii daysay maadaama muddo badan ay soo baxayeen eedo xukuumadda loogu jeedinayo sii dayntooda oo ay dadku warar kala duwan ku cabirayeen ujeedooyinka laga lahaa, balse intaasoo dhan xukuumaddu way ka gaabsan jirtay.


Ma cada in danbigiyo ay hore u galeen oo xogo laga soo helay loo qab qabanayo imika iyo in ay jiraan tibaaxo kale oo muujinaya in ay ku jiraan falal danbe oo soo kiciyay xadhigoodan danbe, wallow ilaa hadana aanay xukuumaddu wax jawaab ah oo lagu qanco aanay ka bixin.Si kasta ha ahaatee talaabooyinkan lagu qab qabanayo dadka hore xabsiyada looga sii daayay ayaa ku soo beegmaya wakhti Booliiska lagu Eedaynayo in ay ka gaabiyeen ilaalinta Amaanka Dalka, gaar ahaana Caasimadda oo dilal isdaba joog ahi ay ka dhaceen todobaadkii ugu danbeeyay.
Dhinaca kale wararka naga soo gaadhay magaalada burco ayaa sheegaya xukuumadu inay u qiimaysay dadkii lahaa hubkii dhawaan ciidanka RRU du ku soo qabteen hawl galada ay ka wadaan burco ka dib markii ay ka baqatay ina ay sameeyaan kacdoon ay kaga soo hor jeedan hawl galadaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured