Madaxwaynaha Sharaftiisa Maaha Xadhiga Hubaal” Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale

0
Thursday June 20, 2013 - 19:51:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Sharaftiisa Maaha Xadhiga Hubaal” Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale

    Boobe Yuusuf Ducaale oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu isugu nimid inaanu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boobe Yuusuf Ducaale oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu isugu nimid inaanu Hargeysa (xogreebnews.com-Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, oo ka mid ahaa afar siyaasi oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Madaxwaynaha Somaliland ka codsaday in xayiraada laga qaado Wargeyska Hubaal oo dhawaan Maxkamada Gobolka Hargeysa xayirtay.
Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu sheegay in xadhiga Wargeyska Hubaal ahayn sharafta iyo milgaha Madaxwayne Siilaanyo, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in xayiraada laga qaado Wargeyskaasi.



Boobe Yuusuf Ducaale oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu isugu nimid inaanu eray xaq ah u nidhaahno Wargeyska Hubaal, inaanu u nidhaahno xoriyatul-qowlka, waxaanu halkan u fadhinaa wixii dadkan iyo dalkani u burbureen oo xoriyatul qowlku kow ka ahaa, waxaanu halkan u fadhinaa Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shan sanadood iyo badh hogaaminayey ururkii SNM, oo hogaaminayey xisbiga Kulmiye, ujeedooyinka iyo ahdaafka uu u dagaalamayey ay ahayd xoriyatul-qowlka, ninbaa laga hayey wax walba isa saarayoo laba tagoogood ismaan saarin, Mudane Axmed Siilaanyo ayaa Somaliland madax ka ah iyo Wargeyskii Hubaal-baa xidhan, waxaanu leenahay xadhiga Hubaal iyo waxa ka dhacayaa maaha sharafta Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), maaha milgaha xukuumaddiisa, maaha ka Madaxtooyadda, mid aynu aqoonsi ku helayno maaha, mid la inoogu garaabayo maaha, waa mid la inagu cambaareynayo oo aakhiro la inoogu daadejinayo, waxaanu Magan uga nahay (Madaxwaynaha) in Wargeyska Hubaal la siidaayo, waxaan leeyahay 20-ka Hubaal ka shaqeeya yaan lagu darin kuwa dalka ka qaxaya (Dhalinyarada Tahriibaysa), markaa Madaxwayne sharaftaada iyo milgahaaga maaha (in la xidho Hubaal) ma difaacayno oo wixii eed ah ee ay leedahay halagu qaado ee waxaanu leenahay hala sii daayo Wargeyska”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured