war baahinta aan indhaha iyo dhegaha mid lahayn ee ka hawlgasha koonfurta somalia qaar ka mida ayaa weerarkii shalay ee lagu Qaaday Xarunta UNDP ku sheegay inay ka dambaysay Madaxtooyadda jsl

0
Thursday June 20, 2013 - 19:47:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    war baahinta aan indhaha iyo dhegaha mid lahayn ee ka hawlgasha koonfurta somalia qaar ka mida ayaa weerarkii shalay ee lagu Qaaday Xarunta UNDP ku sheegay inay ka dambaysay Madaxtooyadda jsl

    Nayroobi(xogreebnews.com-koonfurta ayaa ku eedaysay qaraxii shalay ka dhacay xarunta UNDP

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nayroobi(xogreebnews.com-koonfurta ayaa ku eedaysay qaraxii shalay ka dhacay xarunta UNDP Nayroobi(xogreebnews.com-koonfurta ayaa ku eedaysay qaraxii shalay ka dhacay xarunta UNDP ee magaalada mugdısho inay ku lug lahaayeen ama ay ka dambaysay madaxtooyada jsl. warkaasi oo dhamaystiranı waxa uu u qornaa sıdan.
Weerarkii argagixisada ku qaadeen Xarunta UNDP Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in laga abaabulay Madaxtooyadda Somaliland .
Xubno ay ka mid yihiin Wasiiradda Madaxtooyadda,Duulista Hawada,Diinta ,iyo arrimaha gudaha Somaliland ,iyo Ganacsato caana ayaa si adag uga shaqeeyay weerarkaas sida ay muujineyso xog warbaahinta Waagacusub heshay.


Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Hersi Haji Ali oo ka mida Saraakiisha sare ee Al-Shabaab ayaa gacan weyn ka geystay weerarka lagu hoobtay ee argagixisada la beegsadeen Xarunta UNDP Muqdisho.

NWES LOGO

Inkastoo Maamulka Siilaanyo dadaal xoogan ugu jiro sidii Muqdisho amaankeeda loo wiiqi lahaa hadana Sababaha Madaxtooyadda Somaliland u abaabushay weerarka lagu qaaday Xarunta UNDP waxay tahay:-

1- Sidii Caalamka loogu muujin lahaa inaysan Muqdisho nabad aheyn ,sidaas darteedna Xarumaha UN-ka loogu rari lahaa Nairobi.

2- Jawaab ku saleeysan go-aankii Wakiilka Qaramadda Midoobay Nicholas Kay ee qadiyadda Somaliland iyo inay hoos tagayaan Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Muqdisho.

3- Caro Somaliland ka qaaday mashruucii duulista Hawada ee Dowladda Federalka Somalia la wareegtay ,taas oo ku noqotay fal u dhigma Cunaqabateyn.

Saraakiisha Al-Shabaab ee Somaliland ka soo jeeda waxaa jira fikrado ay ku kala duwan yihiin hasse yeeshee waxay isku aragti ka yihiin in Muqdisho goob coladeed laga dhigo si Somaliland aqoonsi u hesho ama ugu yaraan dhaqaalaha Caalamka toos u qaataan.

Saraakiisha u dhalatay beesha Isaaq ee Al-Shabaab Xukuma,waxay kala yihiin,Ahmed Godane ,Ibrahim Afakhani,MMNur iyo Abdullahi Gaab.

Dhaqaalaha hoowlgaladooda waxaa Hargeysa ama Burco ka qaado nin lagu magacaabo Hassan Waaqle ,oo Isaaq u dhashay,kana sii ah,Habar jeclo Reer Dahir.

Ninkaan lagu magacaabo Hassan Waaqle wuxuu todobaadkii hore ka degay Muqdisho,wuxuuna uga gudbay dhinaca Bay iyo Bakool.
Hassan Waaqle waa nin mudo dheer ku noolaa Koofurta Somalia aadna u kala yaqaan qabiilada Hawiye,wuxuuna ku leeyahay Saaxiibo badan.

Hassan Waaqle oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Burco wuxuu dadka Koofurta u sheegaa inuu yahay Ganacsade hasse yeeshee baaris dheer kadib waxaa la ogaaday inuu yahay xiriiriyaha Maamulka Somaliland iyo Al-Shabaab.

Socdaalka Hassan Waaqle iyo weerarkii lagu qaaday Xarunta UNDP Muqdisho waxay ka marqaati kaceeysaa in Sirdoonka Dowladda Federalka Somalia liito ama qaarkood la shaqeeynayaan argagixisada maadama aysan helin Mushaar ku filan.

Bulshada Koofurta Somalia waa inay isweydiiyaan sababta Ahmed Godane iyo Ibrahim Afakhani oo ka soo jeeda Hargeysa maalin walba qaraxyada ula beegsanayaan,una dilayaan waxgalkooda .

Jawaabtu waxay tahay in bartilmaameedkoodu yahay sidii loo burburin lahaa Dowlad iyo nabad ka dhalata Koofurta Somalia laakiin taas jawaabteeda waxaa bixin kara shacabka Soomaaliyeed oo laga doonaya inay ka dhiidhiyaan gabood falka argagixisada reer Hargeysa ee gayigeena ka wada xasuuqa baahsan.
xogreebnews.com
Nayroobi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured