SIYAASADII RAHA(WAA CIDII AAD MIYAR QABBA UGU TIMAADAAN)

0
Thursday June 20, 2013 - 10:41:58 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIYAASADII RAHA(WAA CIDII AAD MIYAR QABBA UGU TIMAADAAN)

    Qalinkii : Liibaan Xaaji Fagadhe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii : Liibaan Xaaji Fagadhe Akhriste maqaalkan maanta uguma tala galin mid dheer oo aad ku hafataan amaba wakhti idinka qaata ee waa mid aan idiinku dulka xaadinaayo siyaasada ay wado xukuumadan oo ah tii Abaah qaska ee aynu badankeenu ogney oo isku badaley tii Raha balse in inagamidi aaney ogoyn oo aynu iyagana fahan siin doono.

Dhawaanahanba waxa socdey Aroos wadareed bulshada oo dhan laga dhaxeysiiyey laguna ololeeyo sidii ay Arooskaa ugu soo wada bixilaheyd laguna mashquuliyo si aynaan dhaliilaheeda wakhti loogu helinba oo ay shacbigu u mashquulaan bal hada ka soo bilow xiligii aynu xisaabtanka dowlada ku bilaabi laheyn waxaa labilaabey barnaamijyo badan oo taxane ah bal hada eeg 6 bilood ee ugu dambeeyey waxa uu ahaa kii ugu horeeyey Qiimee Dadkaaga ,Shirkii Turkiga iyo guulihii mahadhooyinka ahaa ee ay dowladu sheegatey,Shirkii Emaaraatka,Diid madii qayaxneyd ee London,Shirkii mareykan,18 may ,Hctv ka rog oo hadana saar Pro Axmed Ismaciil Samatar ,Ciyaarii gobolada Iyo Aroos maxaa ugu dambeeyey kaa la soo galbinaayo waxaad ka war qabtaan sadexdii cisho ee ugu dambeeyey Arooskii noqonlahaa arooskii aroosyada ee la rabay in lagu soo xero galiyo ururkii la dulmey ee Xaqsoor oo maanta ah qofkastoo dulmana ahi halka uu ku tiirsado ayaa si been beena war saxaafadeed shirqooleysan loo qabtey kaas oo dadkii la yaab ku noqotey bal ufiirsoo midkastaa markuu sii dhamaanaayo ayaa ka kale la bilaabaa.


Hadaba aan dib ugu noqonee Qiimee dadkaaga waxaa laguu sheegey 100 kii qof oo hal qof soo qiimeeyey intan ayeynu mudo ku mashquulsaneyn waxaa inoogu xidhey shirkii Turkiga iyo Emaraatka oo aynu mudo kujirnay oo ay hadaladii ka mid ahaayeen sidii laba dowladood ayaanu uwada hadalney iyo meeqaam saraa nalagu qaabiley waxaa inoo xigey kii Engiriiska oo ay ina yidhaahdeen indha haanu ucaseyney iyo diidmo qayaxan iyadoo ina tidhi shirkaa inama khuseeyo oo Somaliya ayaa wax loogu ururinayaa (bal qabsoo shirkan hore Engiriis ayaa gudoo minaayee kii ka yaraa ee ay somaliya gudoomineysey oo uu ka soo dhex mudhey wasiir Hadhimo waa Dr. maxamed C/lahi) oo aynu mudo intaana aynu ku caweyneyney,waxaa inoogu xigey 18 may oo iyadu ah maalinta qaranimada balse ay dowladu dhex eridey ujeeda deedii Aroosyada, Arintii Hctv oo ay iyada xukuumad ahaan qabatey sidii la sheegey isla arooskaana ay xukuumadu kharashka bixisey waxaa maalintaa shaqadii dowlada ay madaxdu ubaajisey galbiska arooskaa misna Siilaanyo shahaada sharaf ayuu halkaa saxaafada kaga gatey oo aynu ogney halka ay saxaafada kala taaganyiin.

Waxaa taa inoo xigtey Pro Samatar waa sax arintani waa muwaadin reer Somaliland ah hadii uu soo guryo noqdey laakiin xafladan iyo lacagta intan leeg iyo diyaaradahan ma uqalmaa iyadoon laga heyn wax ka noqosha ah mabda iisii takaliya ee uu yidhaa waa intii uu xamarba ka odhanjirey ee aheyd Somaliland waxbey qabsatey kuna darsoo ilaa maalintaa dhowr wasiir ayaa agtaagan oo aan qaban shaqadii qaranka,Arintii Ciyaaraaha reeraha oo lagu xoojey tii Pro Samatar .

Markey soo gaba gaboobaayeen labadaa aroos ee samatar Ceerigaabo Gaadhey Ciyaariina Final marayaan ayaa la diyaariyey Arooskii aroosyada waa kii ururka Xaqsoore oo habeen hore war saxaafadeed shirqooleysan lagu qabtey Guriga Madaxtooyada oo aad arkeysey dagdegii kujirey iyo iyadoon leynoo sheegin wax lagu heshiiyey, hadaba arintani miyaaney u eegeyn arintii raha ee yidhi wixii miyir qababa weydii maah maahdan waa lawada garanayaa ujeedkeeda oo ku noqonmeyno, Xirsi gabeygiisii waxa kujirtey

MARKEY XAAJO KALA DAADATEE

DACALA DHEERAATO

AMA AY DARUURAHA KORTEE

DAAFTA IMANWEYDO

WAXAAN AHEY NINKII LOO DIREE

SOO DHAWEYN KARA

Haddaba waxaan leeyey Xirsow wali diyaarad maad soo fadhiisin wax shimbirka weyn walaa Turki ayaanad guul ka keenin walaa SSC walaa xaqsoor ayaanad ka keeneyn,SSC ayaad tidhi waan keenayaa waxaa kuu soo fuqey Xaglo toosiye oo Suke ah (kaliya)Pro Samatar ayaad doonatey oo isaga iyo mabdi iisii ayaa isa sudhan oo aan kala hadhin oo kuu soo wada go ay, heshiisyo shirar caalami ayaad sheegatoo UN ayaad inakala goysey waxaa taa ugu dambeysey xirsow Xaqsooroo Sumuni ayaa kuu soo go’ay taasi waxay macneheedu tahey shimbir wax ka wayn wali maad fadhiisin . hadaba waa kan arooskii xaqsoor dhiciyee waxaanu sugeynaa Arooska xiga.

Waxaan ku soo gaba gabeynayaa murtidii alle ha unaxariistee Cabdi Iidaan ee uu lahaa

MAR HADUU NIMAAN GARANAYO

IYO GACANBA NOOLAADEY

GUUL WADE NIN DEEQ YEEY

IN XAQSOOR GALISE MOOYAAN



DHAMAAD

GUUL ALLE



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured