Sheekha-Weyn Ee Mustafe Ismaaciil Haaruun Oo Muxaadirro Ku Saabsan Liibaanta Nolosha Caawa U Jeediyey Ardeyda Jaamacadda ADMAS

0
Thursday June 20, 2013 - 08:59:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekha-Weyn Ee Mustafe Ismaaciil Haaruun Oo Muxaadirro Ku Saabsan Liibaanta Nolosha Caawa U Jeediyey Ardeyda Jaamacadda ADMAS

    Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun,oo ka mid ah cullimada waaweyn ee Somaliland, ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun,oo ka mid ah cullimada waaweyn ee Somaliland, ayaa

Mustafe Ismaaciil Haaruun, oo ka mid ah cullimada waaweyn ee Somaliland, ayaa caawa ku qabtay Xarunta Jaamacadda ADMAS ee magaalada Hargeysa muxaadiro diiniya oo cinwaankeedu ahaa "Liibaanta Nolosha".

Barnaamijkan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda ADMAS ayaa waxa goob joog ka ahaa maamulka Jaamacadda oo uga mahadnaqay Sheekha fursaddan dahabiga ah iyo waqtigiisa uu u soo hurayba. Sidoo kale waxa ka soo


qaybgalay ardayda Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda iyo dadweyn kale oo tiro badan.

Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun waxa uu kaga hadlay khudbaddiisii loogu macag daray "Liibaanta Nolosha" wacdi khuseeya guusha nolosha iyo abaal-marinta qofka Islaamku ka heli karo Ilaahay agtiisa xasannaadka uu shaqaysto mudada yar ee adduunka joogo.






Waa maxay noloshu, yaase guushu agtiisa ahaatay, waakan Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun oo tilmaamo ka bixinaya qofka guulaysta abaalkiisa iyo natiijada guul-daraddu leedahay.

"Nolosha haddii aad fahmi kari weydo inta ay leegtahay, qiyaaskaad ku qiimaynaysayna wuu qaldamayaa. Ilaahay SWTC dadka Muslimiinta ee diintan [Islaamka] rumeeyay ee loo soo dejiyay waxa uu siiyay miisaan ay wax ku qiimayn karaan; miisaal uu qofku garan karo goormuu guulaystay, goormuu khasaaray miisaalkaas [tusaalahaas] Ilaahay SWTC quraanka wuxuu ku tilmaamayaa Laba aayadood oo Suuratal Baqara ku jira Noloshu inaanay adduunkan oo qudha ahayn lixdanak sano amma todobaatanka sanno ee aad adduunka joogto, waxaase markasta Ilaahay tilmaamayaa noloshu inay gebogebaysmayso" Naf waliba geerida way dhadhaminaysaa" Waxaa laydiin dhammaystirayaa adduunyada guullo yar yar inaad gaadho, laakiin marka cimrigaaga la eego noloshu waxay noqonaysaa wax aan gebogebaysmayn marka dib laysu soo saaro, markaa 60-ka sanno ee adduunyada iyo guushu wax la sheego maaha, lama tilmaamin guulaha yar yar ee bini?aadamku gaadho, waayo waad ka tegaysaa, Ilaahayna wuxuu yidhi, "Waxaa laydiin dhammaystirayaa waxaad shaqaysateen".

Qofku markuu juhdi bixiyo, maskax, itaal, hanti iyo wakhti natiijuu sugayaa, waxaad dedaal bixisay inaad natiijo hesho, "Nolol dambaa jirta oo laysu dhammaystirayo.?ayuu Ilaahay yidhi.

Hadaba, waa maxay Guusha noloshu? qofka naarta laga fogeeyo ee janno la geliyo, kaasaa guulaystay ayuu Ilaahay SWTC leeyahay. Halbeegaasi wuxuu yahay aakhiro ma guulaysatay ma ehlu naarkaad ku biiraysaa mise ehlu jannada?haddaad ehlu naarka ku biirto waad khasaartay.?

Inkasta oo Munaasibaddan waqtigeedu iska koobnaa haddana waxa ay ahayd mid dhadhan iyo qiimo gaar ah u lahayd ardaydii madashaas nasiibka u heshay oo tiro xoogan ku dhagaysanaayay Muxaadara Sheekha iyo dadwaynihii kale ee iyaguna ka soo qayb galay iyada oo sidii looga bartay Sh. Mustafe X. Ismaaciil uu isticmaalay codkarnimadii Ilaahay hibada u siiyay, miisaanka hadalkiisuna dareen gaar ah ku lahaa qof walba oo dhagaysanaayay.

Waxa ay daba socotay Muxaadaradani fulinta balanqaadyadii maamulka Jaamacadda Admas ee magaalada Hargaysa uu bulshada iyo ardaydaba ugu baaqay in ay joogtayn doonaan Wacdiyada iyo Khudbadaha sida gaarka ah loo danaynayo si ay uga faa?iidaystaan ardayda Jaamacadda wax ka barata iyo Bulsha waynta kaleba.Hargeysa (xogreebnews.com-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured