Shaqsiyaad ku Saaqiday Siyaasada iyo Kuwo Hun-guri Wado Dacaayado Xaqiiqada ka Fog Ka Faafinaya Wasiirka Horumarinta Jidadka Cabdilahi Abokor

0
Sunday September 22, 2019 - 03:04:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqsiyaad ku Saaqiday Siyaasada iyo Kuwo Hun-guri Wado Dacaayado Xaqiiqada ka Fog Ka Faafinaya Wasiirka Horumarinta Jidadka Cabdilahi Abokor

    Shaqsiyaad ku Saaqiday Siyaasada iyo Kuwo Hun-guri Wado Dacaayado Xaqiiqada ka Fog Ka Faafinaya Wasiirka Horumarinta Jidadka Cabdilahi Abokor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqsiyaad ku Saaqiday Siyaasada iyo Kuwo Hun-guri Wado Dacaayado Xaqiiqada ka Fog Ka Faafinaya Wasiirka Horumarinta Jidadka Cabdilahi Abokor
Hargeysa(Xogreebnews)-Todobaadyadii u dambeeyey, waxa dacaayado raqiisa la bar tilmaameedsanaayey Wasiirka Gaadiidka Somaliland Md. Cabdilahi Abokor Cismaan, Siyaasiyiin dano dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka raba Wasiirka kuwasoo adeegsanaya Warbaahinta Online ka qaarkood, isla markaana baraha bulshada wareejinayey dacaayado xaqiiqada ka fog.
Wasiir Cabdilahi Abokor oo Kamid ah wasiirada ugu waxqabadka badan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, kuwasoo Lagu majiirto fulinta mashaarico waaweyn, oo ay Kamid tahay ka shaqaynta Iyo fulinta Wadada Berbera ilaa Wajaale ee Corridor ka.
Hadaba, il-laha ugu badan ee dacaayadaha faafinayey, waxa uu badnaa koox ay Siyaasiyan waqtigii Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ay isa-soo seegeen Wasiir Abokor, waxanu nuxurka eedahoodu salka ku hayeen Barnaamij La xidhiidhay in Wasiirku qandaraas siiyey Nin ay Xidid yihiin, isla markaana aan la Marin Guddida qandaraasyada qaranka. Walow ay kooxdaasi hilmaamsan tahay in Shaqsi kastoo muwaadina La siin Karo qandaraasyada fudud,  iyo in wiixi degdeg Wasaaradu ama mashaaric horumarineed siffo degdeg loogu baahdo Wasiirku awood u leeyahay inuu bixiyo, siiyana cida hawshaas kasoo baxaysa, marka ay isla gartaan isaga iyo madaxda wadashaqaynta ay leeyihiin. 
Hadaba, Soomalidu waxay ku maahmaahdaa Nin Iin lehoow daa gujada, Waxana haboon kooxda ku saaqiday Siyaasada ee dacaayadaha indho sarcaadka ah la bartilmaameedsanaya Wasiirka inay hortaa soo bartaan qandaraasyada uu awooda u leeyahay inuu bixiyo nooca ay yihiin iyo weliba shurudaha ku laman.
Si kastaba ha ahaatee waxa la godboon ashkhaastaa inay bulshada soo hordhigaan dhaliilo ka gadmaya oo xaqiiqada ku salaysan, isla markaana biyo kama dhibcaana, balse aanay bulshadu ka dhegeysanayn dacaayado xaqiiqada ka fog.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured