"Waanu Soo Afjarnay Khilaafkii Wakiilada Maraakibta Iyo Wasaarada Ganacsiga... Madaxweyne Muuse Biixi Waxa uu Mar walba garab-taagan yahay Tisqaadka iyo Horumarka Dekedeena". Maareeyaha Dekedaaha S/land Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

0
Friday September 20, 2019 - 19:35:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waanu Soo Afjarnay Khilaafkii Wakiilada Maraakibta Iyo Wasaarada Ganacsiga... Madaxweyne Muuse Biixi Waxa uu Mar walba garab-taagan yahay Tisqaadka iyo Horumarka Dekedeena". Maareeyaha Dekedaaha S/land Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

    "Waxaan Dekeda Kusoo Hagaagay Xilli Adag, oo Khilaaf Siyaasadeysan uu jiro, Doorasho iyo Kaambeyna lagu jiro, Ilahaybaa mahad-leh oo nagu Asturay". Maareeyaha Dekedaaha S/land Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Dekeda Kusoo Hagaagay Xilli Adag, oo Khilaaf Siyaasadeysan uu jiro, Doorasho iyo Kaambeyna lagu jiro, Ilahaybaa mahad-leh oo nagu Asturay". Maareeyaha Dekedaaha S/land Eng. Siciid Xasan Cabdilahi
Berbera(Xogreebnews)-Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa ka hadlay xilliyadii ugu adkaa ee soo mara mudadii uu hayey xilka dekeda iyo sidii uu ugala soo dabaashay waqtigii adkaa ee Oloolaha oo u la wareegay iyadoo ay xidhantay, sidoo kale waxa uu maareeyuhu sheegay in qaar kamid ah shaqaalaha dekeda ay kusoo tabo-bareen dalka dibadiisa, halka ay qaar kalena hada u diyaarinayaan inay u diraan wadamo ay kamid tahay dalka Masar.
Waxa kaloo uu Maareeyuhuu sheegay inay dhowaan soo afjareen khilaafkii u dhexeeyey Wakiilada Marakiibta iyo Wasaaradda ganacsiga, isla markaana dekeddu hadda shaqaynayso, waxanu intaa raaciyey muhiimada Dekeda Berberi ay leedahay iyo dedaalada ay ku horumarinayaan dawlad ahaan iyo weliba waxqabadka baaxad leh ee ay ku talaabsatay mudadii labada sanno ahayd ee u xilka hayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi. Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo u Waraysi la yeeshay Weriye Maxamed-sagax oo ah Suxufi madaxbanaan, waxa uu yidhi isagoo ka jawaabaya su’aal ahayd in ay jiraan shaqaale dekeda loo soot abo-baray.
"Ugu horeyn waxa aan halkan aad uga mahad-celinaya Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi, oo runtii mar walbaa garab taagan tisqaadka iyo horumarka Dekeda, wax alle iyo wixii looga baahdana garab-taagan, fahamsana muhiimada ay dalka ugu fadhido. Dekeda Berbera hada waxa ka socda laba shaqo, mid waa teeni hore oo shaqadu sideedii u socoto, midna waa dekeda cusub ee 400, ahayd oo dhismaheedii socdo. 
Shaqaalaha dekedda waxanu ku samaynay kobcin, waxanaanu u dirnay tabo-baro badan, hada waxa dekeda nala jooga khubuuro, haday tahay dhinaca badda iyo hadii ay tahay beriga, anagga maamul ahaan ujeedadayada ugu mihiimsani waxa weeye in shaqaalaha la baro xirfad iyo aqoon dheerada, hada shaqaalihii aanu u dirnay Tayland way soo laabteen iyagga wax taba-baraa, si ay ula jaan-qaadan dakadaha caalamka, iyo kuwa Mandaqada ba, dekeddeenu hore waxay u ahayd mid lookal ah, balse Maanta waa Heer Caalami, waxanaynu ka faaideysanaynaa goobta ay ku taalo oo ah meel muhiima, waxa kaloo jira shaqaale 10 xubnood ah oo aanu u diyaarinayno in ay Dalka Masar kusoo tabobartaan. 
Shaqada dekeda waxanu u qaybinay 8 saacadood, xaga amnigana aadbaanu u adkaynay, bishi lasoo dhaafay waxanu ku rakibnay 95 Kamaradood, kuwasoo akhriyaaya Nambarada gaadiidka iyo wajiyada dadkaba, waxa iyaddu muhiima dhinaca wada shaqayntaa oo aad u wanaagsan shaqaalaha iyo maamul ahaanba waxa aan aad ugu mahadcelinaya Shirkada DP World oo ka shaqaysaa qaybta adeega, oo samaysay soo jiidasho badan, maadaama oo ay ka shaqayso in ka badan 60 Dekedood oo heer caalamiya, USA, UK iyo meelo kaloo badan ay kamid tihiin”.
S; Maareeye labadii sanno ee aad xilka haysay waxaad ka qaybgashay Shirar caalamiya Africa iyo Yurub iyo meelo kale, shirarkaas maxaa kasoo faaiday.
"Muhiimada ugu wayn ee i saarani waxa weeye inaan Iib-geyno waxa ay hayno, umadana kusoo xidhno, waa run oo shirarbaanu ka qaybgalnay, kii dekedaha Africa iyo qaar kaleba, goob kastoo aanu tagno, waxa naloo xiisaynayey si weyn, hadii ay tahay macaamilaadka dekedaha iyo hadii ay yihiin Shirkadaha maalgashadaba, waana Ilahay Mahadii mar hadii ay dekeda Berberi Maanta ka dhex-muuqato dekedaha waaweyn ee Caalamku Shirarkay isaggu imanayaan,waxananu gaadhsiinay Macaamilaad aan ogayn, sidoo kalena waxanu soo samaysanay saaxibo badan”
Maareeyaha oo ka jawaabayey Suaal ahayd, wixii ugu yaabka badnaa ee u lasoo kulmay mudadii uu xilka Dekeda hayey waxa uu yidhi, "Horta shaqadi sideedaba waxay leedahay caqabado, markaa ama waad ka bixi ama waad ku kuffin, waxa aan dekeda kusoo hagaagay xilli adag, oo khilaafaad jiray, Ilahaybaa mahad-leh oo nagu asturay, waqtigaas waxa Siyaasaddii gashay shirkadaha ka shaqeeya dekeda, shaqaalaha iyo hawl kastoo la xidhiidhaba dekeduba, xilli xasaasiyana way ahayd oo doorasho dhacayso, isma lihi waqtigaas mid ka adagbaa kusoo maraya, waayo?, waxa uu Kaambeyn iyo Siyaasad laga dhigay arin kastoo Dekeda soo gashay, marka khilaafyadu siyaadaysan yihiina halifteeda ayey leeyihiin, waa Dekeddu waa badhi-dii Somaliland ku fadhiday, marka buuq badani ka jiro waa xasaasi markaa Ilahaybaan uga mahad-celinaynaa oo nagu asturay, waxanaanu ku dadaalnay in doorashada ka horba damino khilaafyada waaweyn, isla markaana bakhtiino Dabkii ku baxayey, doorashadiina inoo qabsoonto iyadoo dekeda wax walbaa sideedii u shaqaynayaan”. 
Maareeyaha oo mar kale ka jawaabaya Su’aal ahayd, halkuu ku dambeeyay Khilaafkii dhowaan soo kala dhex-galay Wakiilada Maarakiibta iyo Wasaarada ganacsiga iyo weliba shaqaalihii ka xidhnaa Wakiilada waxa uu yidhi, " runtii Wada-hadal iyo xaajood ayaanu kusoo dhamaynay, anigu waxan kamid ahaa guddida fulinaysay sadex xubnoodbaanu ahayn, waanu ku guuleysanay in la soo afjaro, shaqaalihii xidhnaana waanu usii daynay, wixii Wasaarada iyo dekedu soo jeediyeenba way qaateen Wakiiladu, shaqaduna sideedibay u socotaa”.
Mar kale waxa uu Maareeyaha la waydiiyey su’aal la xidhiidha dhinaca Rarka Gaadiidka xamuulka ah ee ka baxa Dekeda oo xilliyadii hore waqti badan ku xanibnaan jiray gudaha iyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee ganacsatada iyo maamulka dekeda ka dhexeeya, waxa uu yidhi, "Dadka aad wada shaqaysaan waa dad ay daan kala maarmi karayn, shirkadaha ka shaqeeya dekeda oo dhan iyo ganacsatada waxanu mar walba ku dedaala in aanu isku xidhnaano oo wada-shaqayn buuxda yeelano, Shirkadaha leh Maarkiibta Todobadkiiba maalinbaanu wada shirnaa, wixii caqabad ah ee ay noo sheegaan waanu xallina, iyagguna wiixi ay nagu hayaan waanu kala hadalnaa waanay xaliyaan, sidaa daraadeed dadka aad maamulayso inaad hoos u oggaataa waa lagama maarmaan, wanan u mahad-celinaya cid kastoo wada-shaqayni naga dhaxayso, baaburta xamuulka qaada iyana waanu u fudaydinay inay waqti yar rarka ku helaan, kuna baxaan, si shaqada dekeddu u korodho, waana qorshaayaashii ugu horeeyey”.
Maareeye Siciid oo ka jawaaabayey Su’aal ahayd Safarkii dhowaan Madaxweynaha Somaliland kusoo booqday Dekeda iyo shilkii gubay Wiishkii Dekeda waxa uu yidhi. "Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi aadbaan ugu mahad-celinaya waqtigiisa qaaliga ah ee noogu yimi, iyadoo aanay qorshaha safarkiisa oo jaamacadaha la xidhiidhay ugu jirin, ayuu muujiyey madaxweynuhu ahmiyadda uu u hayo Dekeda, mar kasta madaxweynaha waxanu siinnaa warbixin, iyadoo qoraal ah iyo hadalba ah, maalintii dhoweynaa waxa uu indhihiisa kusoo arkay gubashadii gaadhay Wiishkii, kaasoo ku jiray Caymis, agabkayaga dekeda oo dhami waxa uu ku jiraa Caymis”. Ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured