Xildhibaan Xasan Shahar oo Wasiirka Arimaha Dibada ka difaacay eedeymo uu u soo jeediyey Xildhibaan Cagayare

0
Wednesday June 19, 2013 - 12:28:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Xasan Shahar oo Wasiirka Arimaha Dibada ka difaacay eedeymo uu u soo jeediyey Xildhibaan Cagayare

    Hargeysa (xogreebnews.com-Xildhibaan Xasan Cali Cabdi Xasan shahar oo ka mida Xildhibaanada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-Xildhibaan Xasan Cali Cabdi Xasan shahar oo ka mida Xildhibaanada Hargeysa (xogreebnews.com-Xildhibaan Xasan Cali Cabdi Xasan shahar oo ka mida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa jawaab ka bixiyey Eedeymo uu Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland Dr Maxmed C/laahi Cumar u soo jeediyey Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Cagayare oo Doraad Wasiirka ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dagaal dhexmara Xulal Gobolada Gabiley iyo Hargeysa oo uu Wasiirka Arimaha Debadu Qado sharaf ugu sameeyey Hotel Maansoor Ee magaalada Hargeysa Halkaasi oo ay isku faro saareen labada kooxood.


Xildhibaanka ayaa sidaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Hutel Xaraf, waxaanu xusay inuu wasiirku Casuumada uga jeeday oo kaliya inuu Soo dhawayn u sameeyo labada kooxood oo uu dhiirigaliyo, balse aanu uga jeedin waxyeelayn sidaasi darteed aanay ahayn in aflagaado loo gaysto masuulkaasi, waxaanu Wasiirka ka raali galiyey hadalkii ka soo yeedhay Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Cagayare Waxaanu yidhi “ waxaan wasiirka leeyahay waad ku mahad san tahay dhiirigalinta aad samaysay ee aad kooxaha dhalinyarada ah isku keentay, hadalkii aflagaadada ahaa ee aan nidaamka iyo baratakoolka dawladanimo midna aan ku haboonayn ee xildhibaankaa ka soo baxayna waanu kaa raaligalinaynaa, dhalinyaraduna labada Gobolba waa dhalinyaro isku mida oo aan la kala qaadi Karin” ayuu yidhi xildhibaan shaah



Dhanka kale xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii wada waxa uu si kulul ugu jawaabay xildhibaan Imaaciil Jaamac Cagayare waxaanu yidhi “aqoon daro hadii ay ku hayso, hadii qofku aanu waayo arag ahayn ama hore aanu usoo marin shaqada uu qabanayo waxyaabo badan buu ku kufi karaa inuu dhawrsadaa waa muhiim aqoon daradaada aamusbaa lagu kabaa hadii kale waad ceeboobaysaa” ” ayuu yidhi xildhibaan shahar



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured