Maareeyaha Dekeda Berbera oo Madaxweynaha Warbixin Mug iyo miisaan leh ka Siiyey Wiishkii dhowaan Dabku qabsaday iyo Dhismaha Dekedda Cusub

0
Saturday September 14, 2019 - 19:49:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekeda Berbera oo Madaxweynaha Warbixin Mug iyo miisaan leh ka Siiyey Wiishkii dhowaan Dabku qabsaday iyo Dhismaha Dekedda Cusub

    Maareeyaha Dekeda Berbera oo Madaxweynaha Warbixin Mug iyo miisaan leh ka Siiyey Wiishkii dhowaan Dabku qabsaday iyo Dhismaha Dekedda Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekeda Berbera oo Madaxweynaha Warbixin Mug iyo miisaan leh ka Siiyey Wiishkii dhowaan Dabku qabsaday iyo Dhismaha Dekedda Cusub
Berbera-(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray mashaariic horumarineed ee laga wado gudaha dekedda weyn ee magaalada Berbera, Waxanu Madaxweynuhu Indhihiisa kusoo arkay Wiishkii Weynaa ee dhowaan Ku Gubtay Dekedda.
Sidoo kale Madaxweynaha Wuxuu soo Indho-indheeyey mashaariic waaweyn oo ay shirkadda, DP World ka hirgelisay gudaha dekedda iyo agab casri ah oo ay keentay, ugu horaynWaxa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi, waxa halkaa Warbixin ku siiyey Maareeyaha guud ee Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, Waxanu sheegay in Wiishkii dhowaan ku Gubtay Dekeddu uu ku Jiray Inshooran, isla markaana dhowaan dalka usoo gaadhi doono Wiish cusub, Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, 
"Mudane Madaxweyne kusoo dhowow Dekedda Berbera, dhibkii inagga soo gaadhay Wiishkii dhowaan Dabku qabsaday, ee sadexdii Wiish waaweyna, Wiishkan gubtay isagoo shaqada Ku jira ayuu ur-sameeyey, kaddib shaqadii waa laga saaray 4 subaxnimo, afartii galabnimo ee dambena wuu gubta, Alxamdulilah waanu ku guulaysanayn inaanu bakhtiina, lakiin dhaawac badanbaa soo gaadhay Wiish, Sadex meelood marka loo qaybiyo haafbaa gubtay, labadii kalena mudo ayaanu shaqada ka fadhiisinayn, Injineero ayaa u yimi ka baadhay ciladii, waana laga waayey  kaddib shaqadii ayey bilaabeen, mudane Madaxweyne Wiishkaa gubtay Wuxuu ku jiray caymis, mishiinkan marka la samaynaayo muddo ayuu qaataa, laakin meelaha kale ee ay ka shaqayso DP World ayuu hadda Crim cusub kasoo socdaa". ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi .
sidoo kale, Mar uu Maareeyuhuu Madaxweynaha warbixin ka siinayey qaybta dhismaha cusub ee Dekeda Berbera, waxa uu yidhi, "Madaxweyne qaybtaasi waa qaybtii balaadhinta Dekedda, waqtigii loogu talo-galayna wuu ku dhamanaya, ee ahayd September 2020-ka" 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured