Dekeda Berbera Waxay Kasoo Gudubtay Marxalado kuwan ka Daran, Maanta'se Waxay Ku Talabsatay Waxqabadka Mudada ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maareeye Siciid Hogaanka Hayeen. W/Q. Hasan Cabdilahi

0
Friday September 13, 2019 - 18:26:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekeda Berbera Waxay Kasoo Gudubtay Marxalado kuwan ka Daran, Maanta'se Waxay Ku Talabsatay Waxqabadka Mudada ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maareeye Siciid Hogaanka Hayeen. W/Q. Hasan Cabdilahi

    Dekeda Berbera Waxay Kasoo Gudubtay Marxalado kuwan ka Daran, Maanta'se Waxay Ku Talabsatay Waxqabadka Mudada ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maareeye Siciid Hogaanka Hayeen. W/Q. Hasan Cabdilahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dekeda Berbera Waxay Kasoo Gudubtay Marxalado kuwan ka Daran, Maanta'se Waxay Ku Talabsatay Waxqabadka Mudada ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maareeye Siciid Hogaanka Hayeen. W/Q. Hasan Cabdilahi
Turun-turooyin ka badan caqabadaha maanta ka jira Dekeda Berbera ayey kasoo gudubtay, Tana degdeg ayey usoo dhamaanaysa, Taa halagu biyo Cabay.
Balse waxa aan Dib u milicsan doonaa Waxqabadkii abid ugu weyna ka fula Dekedda Berbera.
Labadii Sanno ee u Dambeeyey waxay Dekeda Berbera ku talaabsatay Horumar balaadhan,  iyadoo ay saddex jibaarantay badeecadihii kasoo degi jiray.
Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fulisay Dekedda Berbera, waxa kamid ah, dhisme dabaq ah, oo markaad indhaha ku dhufato, aad la ash-qaraarayso, kasoo ay yeelanayso Hayadda dekedduhu, waxana hirgelisay Xukuumadda Somaliland, isla markaana dhismihiisa, waxa la fuliyey mudadii uu maamulka Dekedda Berbera gacanta ku hayey Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu dhismahani ka kooban yahay 24 Xafiis iyo laba hool oo waaweyn iyo goob ay fadhiistaan waaxda Kastamka Dekeddu. Waxanu dhismahani wax-weyn ka bedelay muuqaalka guud ee Dekedda, isoo soo kordhiyey bilic Dahabiya.
Fulinta dhismahan ay dhisatay Hay’adda Dekeddaha Somaliland.
Waxqabadka mugga iyo miisaanka leh, ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fulisay Dekedda Berbera sanaadkan sii dhamaanaya 2018-ka, waxaynu qodob-qodob u dul istaagi doonaa adeegga sannaadka sii dhamaanaya ay ka fulisay, iyaddoo aynu ku koobnaan doono waxqabadka u gaarka ah Xukuumadda Somaliland ee sannadkan la fuliyey, maadaama oo ay dekedda hadda wada-maamulaan Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland. Ugu horeyn waxaynu Barnaamijkeenan kusoo qaadan doonaa isbedelka horumarineed ee ay ku talaabsatay Dekeddu mudada uu maareeyaha ka ahaa Siciid Xasan Cabdilahi oo isaggu noqday masuulkii ugu waxqabadka badnaa ee abid soo mara hoggaaminta Dekedda, isagoo sanaad gudihii ku gaadhsiiyey Dekedda darajooyin ay gaadhi-wayday 27-kii sanaadood ee Somaliland jirtay.
Xukuumadda Somaliland waxa ay dekedda Berbera usoo iibisay Taaga Maraakiibta soo xidha oo casriya, kaasoo ah 3000 oo horse power, isla markaana soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun. Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay uu ahaa 1400 horse power, kaasoo ay 1976,-kii keentay dawladii xiligaasi ee Somaliya.
W/Q. Hasan Cabdilahi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured