Maareeyaha Dekedaha S/land oo ka warbixiyey Qorshe Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku Horumarinayso Dekedaha yar-yar ee dalka iyo Waxqabadka ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera. "Waxa Hadda Shaqo ka socotaa Dekedda Maydh oo ay Hayadda SDF-tu inoo maalgelisay, Dekeda Saylacna Qiimayn Ayaanu kusoo samayn-doonaa". Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

0
Sunday September 08, 2019 - 01:55:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha S/land oo ka warbixiyey Qorshe Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku Horumarinayso Dekedaha yar-yar ee dalka iyo Waxqabadka ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera. "Waxa Hadda Shaqo ka socotaa Dekedda Maydh oo ay Hayadda SDF-tu inoo maalgelisay, Dekeda Saylacna Qiimayn Ayaanu kusoo samayn-doonaa". Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

    Maareeyaha Dekedaha S/land oo ka warbixiyey Qorshe Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku Horumarinayso Dekedaha yar-yar ee dalka iyo Waxqabadka ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera. "Waxa Hadda Shaqo ka socotaa Dekedda Maydh oo ay Hayadda SDF-tu inoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha S/land oo ka warbixiyey Qorshe Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku Horumarinayso Dekedaha yar-yar ee dalka iyo Waxqabadka ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera. "Waxa Hadda Shaqo ka socotaa Dekedda Maydh oo ay Hayadda SDF-tu inoo maalgelisay, Dekeda Saylacna Qiimayn Ayaanu kusoo samayn-doonaa". Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

Berbera(Xogreebnews)-Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo Wariye Badri Koosar siiyey oo ku sugnaa Berbera siiyey Waraysi, ayaa ka waramay waxqabadka balaadhan ee labadii sanno ee u dambeeyey ay ku talaabsatay Dekeda Magaaladda Berbera, iyaddoo Dekeddu u guurtay mid casriya, waxa kaloo uu sheegay in shaqaalaha Dekeda qaar kamid ah loo diray tabobaro caalamiya, halka kuwo kalena la diri doono.

Sidoo kale Maareeyuhuu wuxuu sheegay inay dib-u-dhis balaadhin ku samayn doonaan Dekedaha yaryar ee Somaliland, kuwasoo ay kamid yihiin Dekeda Maydh oo hadda dhismaheedu socdo, iyo weliba Dekedda Saylac oo iyanna dhowaan safar uu ku tagi doono. Maareeye Siciid oo Waraysigan bixiyey Arbacadii lasoo dhaafay, waxa uu yidhi.

"Waxaynu ka guurnay Dekedii Localka ahayd, waxananu u guurnay Dekedaha Caalamka, Maadaama oo Dekedeenu ku taalo marin muhiim ah (Baddii Casayd), oo ah waddo ay maraan in ka badan 35000, oo Markab, waajibaadkayagu waxa weeye in aanu Dekedda ku samayno dib u habbayn balaadhan, sidaad ogtahaynaa dhismihii Dekedda ee 400 Mt wuu socdaa.

Dekeda Berberi waxay lahaan jirtay hal Taag, waxananu mudada dambe ee aan joogay soo Iibsanay Taag labaad, kaasoo soo xidhaya Maraakiibta waaweyn ee 50,000 ee Tan ah. Sannaadkana waxa qorshaha noogu jira inaanu soo Iibsano Taag labaad, oo kan la walaal ah. Waxa kaloo labadaa sannadood noo qabsoomay in la tabo-baro shaqaalaha dekeda”.

Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Jawaabayey Suaal ahayd, sababta ka dambaysa guusha uu labada sanadood gaadhsiiyey Dekedda iyadoonu hore uga soo shaqayn deked, ayaa ku jawaabay, "shaqo kastoo aad qabanaysaa waxa ugu horaysaa inaad fahamto, aniguna waxan la tashada khuburo Dekedeena muddo dheer kasoo shaqaynaysay iyo cid kastoo aan aqoon biddayaba, waxananu leenahay wada-shaqayn wanaagsan la taliyayaalbaanu leenahay, markastana waxanu taagan nahay in hore aanu uga sii dhaqaajino halkii ay taagnayd.

Sidoo kale, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu ka warbixiyey qorshaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku Horumarinayso Dekedaha yar-yar ee dalka, isaggoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, "waxa hadda shaqo ka socotaa Dekedda Maydh oo ay Hayadda SDF-tu inoo maalgelisay, dhismaheeduna wuu socda, waana ilaa 150 Meter, sidoo kale bisha 10-keeda ilaa 11-keeda in aanu Dekedda Saylac kusoo samayno qiimayn iyo  xog-ogaal u noqosho, si aanu dawlad ahaan u kobcino dekedaha yaryar ee kale, hawluhuna way badan tahay Badroow”. Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured