"Riyaan Ku Arkay Odaygii Cigaal Ina Abiiboowe….. "…Maanso Ay Isku Waraysanayaan Abwaan Guuleed Iyo Marxuum Cigaal

0
Sunday September 01, 2019 - 21:54:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Riyaan Ku Arkay Odaygii Cigaal Ina Abiiboowe….. "…Maanso Ay Isku Waraysanayaan Abwaan Guuleed Iyo Marxuum Cigaal

    "Riyaan Ku Arkay Odaygii Cigaal Ina Abiiboowe….. "…Maanso Ay Isku Waraysanayaan Abwaan Guuleed Iyo Marxuum Cigaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Riyaan Ku Arkay Odaygii Cigaal Ina Abiiboowe….. "…Maanso Ay Isku Waraysanayaan Abwaan Guuleed Iyo Marxuum Cigaal

Riyaan ku arkay odaygii cigaal ina abiiboowe ”

Wuxuu yidhi ilaahay dartii ololahaan qaaday ”

Ummaddaan isugu yeedhayiyo beelahaa ururshay ”

Amnigaan sugiyo dawladdaan udubada u taagay ”

Kursigaan shacbiga ii igmaday ugu adeegaayay ”

Weligay ujeeddiyo dangaar eex kamaan taline ”

Ubadkayga kama biilin iyo ooryo ii dhaxaye ”

Xilalkii awooddaa lahaa ehelkay maan siine ”

Inantayda iyo wiilka qaba lama aqoonayne ”

Iskaa daa’ anfaaciyo inaan oon ka raadsado ”

Adduunkaygii baan geliyay iyo aqalladaydiiye ”

Albaab kalama hadhin maal wixii aabbahay dhaqaye ”

Waataan dalkiyo aawadii iib u faasaxaye ”

Waxa udaha la iskaga tiraa ulaha ta u dheere ”

Weligay ammaaniyo ma cunin shilin agoomeede ”

Anigoo sidii ka ahna waa la iga oofsadaye ”

Hayeeshee ixsaankii badnaa helay abaalkiiye ”

Inshaa allaahu aakhiro janaa lay agaasimaye ”

Guuleed arrimimihii dalkiyo idil ahaan geeska ”

Waxa aa ku eeddoontihin waan u oon qabaye ”

Bal ilaahay idankii warbixin iigu soo ururi ”

Waxaan idhi ishii nabaddu wey noo irmaantahaye ”

Marmarbay utini ceel afweyn naga asiibtaaye ”

Intaa kale inkaar iyo ma taal aafo godobeede ”

Dabadaa amrane daahir iyo odaygi siilaanyo ”

Labaduba itoolkooda weyna intifaaceene ”

Maantana arboow muuse wuu noo arrimiyaaye ”

Waxse loo ammaan badinayaa dawladii udube ”

Ictiraafna waan raadinaa weli alaankaase ”

Ingirisna wuu nagu sabaa alalag tiisiiye ”

Muqdishana dabkii ololay wuu oogmayaa weliye ”

Itoobiyana weys haysataa oromo loo dhiibye ”

Ismaaciilna waxa noo beddelay eerateriyaane ”

Carabtana imaaraad beryahan waan ar aragnaaye ”

Iyaguna danbaa naga urtee nama agjoogeene ”

Wixuu yidhi irdaa carabta waan kala aqaannaaye ”

Imaaraadku waa u xun iyo aayalaawaha e ”

Axdi iyo ha moodina inay oofiyaan wacade ”

Erya daallimiintoo marnaba haysku aaminina ”

Sucuudiguna aradkaa bokhrane ma laha iimaane ”

Umarada u talisaana waa qoys addoomo ahe ”

Aragtida mid ay leeyihiin ma isticmaalaane ”

Wax aan reer galbeed soo ansixin ma oggolaadaane ”

Dad yuhuudi ku adeegatoo ibira weeyaane ”

Midda kale islaamkoo dhan way ku adyadoodaane ”

Inay na irsiq gooyaanna way ku istareexaane ”

Hadba awrka dheeraynayaa lagu arooraaye ”

Ordigaan nin lagu sheegayoo aawan baa jira e ”

Waa ehelu kheyr kaa inaad ka agdhowaataane ”

Ingiriisna waa ka ugu daran oosha reer yurube ”

Aaniyo wuxuu naga qabaa boqol amaahoode ”

Afka ha idin madaddaaliyee uurka waa cadaw e”

Inuu idin aqoonsadona waa waxaan la eegayne ”

Ammuuruhu waxay kala yihiin oodo dhacameede ”

Marmarbaad ilduuf kaga tagtaa shay istaahilahe ”

Afrikay ka dhowdahay waxaa ededinaysaane ”

Ee yuudan bay taal haddaad u ashkatootaane ”

Ummadaha badh baa jira si kale loo asxaabsado e”

Haddaa igaddan sii kala xaddaan waa albaab furane ”

Nin waliba arjiga loola tago wuu akhriyayaaye ”

Shiinuhuu abaal kaan u galay wuu ogsoonyahaye ”

Idinkaa ka orod gaabiyaye ummiyuu badane ”

Markaa aammusteenbuu rag kale uubatayn galaye ”

Ismaaciilna wuu idiinku hadhay erey walaaleede ”

Muqdishaba idaacado marbbaa laga istaadhdhaaye ”

Waxa dib u abaabuli kartaan irir samaaliiye ”

Haddii adhi la joojiyo haddii la idin axan gooyo ”

Haddii jin iyo iinsiba dagaal la idinku ekeeyo ”

Haddaan unug shan soomaaliyeed laysu imanaynin ”

Ha aqbalina goor kale inaa dib u abraartaane ”

Ku adkaysta samirkiina waa ku aflaxaysaane ”

Midda kale esenemaynta iyo dhiga isaaqaynta ”

Shan ardaa xilka u qeybsadiyo adaris dheeraad ah ”

Nana yuu astaan qaran nin kale ugu atooraynin ”

Nina waxa abbaan looga dhigay iligga yuu saarin ”

Abhiyoo masuuliyad nin sida u indha dheeraada:

Odhad iyo xisaab daba dhigoo oofaha u geliya ”

Hadduu aaduyoobana xabsiga ku abbudhoo geeya ”

In awaadhka maatidu ku dhaco badiya aammiinta ”

Aafada ka timi ceel afweyn ka ergo maareeya ”

Halka nabarka eelkiisu yahay oogta ka caddeeya ”

Is ilaashadoo nacabku yuu idinku soo aarin ”

Dad aqoonle talada u xushoo edebta waayeela ”

Aayadaha diintiyo sharciga ku addimoo qaata.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured