Khilaafkii u Dhexeeyey Wakiilada Maraakibta iyo Wasaarada Ganacsiga oo Xaal laga gaadhay..
Khilaafkii u Dhexeeyey Wakiilada Maraakibta iyo Wasaarada Ganacsiga oo Xaal laga gaadhay..
Berbera(Xogreebnews)-Khilaafkii u Dhexeeyey Wakiilada Maraakibta ee loo qayaano Shipping Lines-ka, iyo Wasaarada ganacsiga, ayaa si rasmiya Maanta loo soo gabogabeeyey.
Wakiilada Maraakibta Shipping Lines-ka, ayaa Aqbalay inay fuliyaan go"aan ka Xukuumadda Somaliland ku dhintay qiimaha laga qaado Koontiinarada, hase-yeeshee waxay Wakiilada Maraakibtu Codsadeen in loo sameeyo mudo Kordhin 7 cisho ah, si uga guuraan sistamkii hore ee xiisaabaadka.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland, ayaa aqbashay in mudo 7 cisho ah, sidii hore ay u shaqeeyaan, markay dhamaatana fuliyaan Goaanka Wasaarada Ganacsigu kusoo Rogtay ee lagu dhimay qiimaha laga qaado Koontiinarada. Leave a comment |
|
Khilaafkii u Dhexeeyey Wakiilada Maraakibta iyo Wasaarada Ganacsiga oo Xaal laga gaadhay..
Khilaafkii u Dhexeeyey Wakiilada Maraakibta iyo Wasaarada Ganacsiga oo Xaal laga gaadhay..