Wasiirka Cabdiwali oo ku fashilmay soo afjarida khilaafka golaha deegaanka gabiley iyo sobobta shan xildhibaan udideen!

0
Friday August 23, 2019 - 22:59:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cabdiwali oo ku fashilmay soo afjarida khilaafka golaha deegaanka gabiley iyo sobobta shan xildhibaan udideen!

    Wasiirka Cabdiwali oo ku fashilmay soo afjarida khilaafka golaha deegaanka gabiley iyo sobobta shan xildhibaan udideen!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Cabdiwali oo ku fashilmay soo afjarida khilaafka golaha deegaanka gabiley iyo sobobta shan xildhibaan udideen!

HARGAYSA(Xogreebnews) Wasiirka Isgaadhiinta Somaliland Dr Cabdiwali Suufi JIbriil Oo ah masuulka wakhtigan xukuumada dhexe u matala gobolka gabiley ayaa dhawaan isaga oo ay weheliyaan xubno xildhibaano golaha wakiilada ahi galay dhex dhexaadinta khilaafka golaha deegaanka gabiley oo xiligaasi sobobay in xabsiga la dhigo lix xildhibaan oo kamida golaha deegaanka gabiley, balse markii danbe lagu siidaayay dhex dhexaadinta wasiirka isgaadhsiinta iyo xubnihii weheliyay,

Shalay ayay ahayd markii wasiirka  Ay magaalada gabiley shir jaraa,id ku wada qabteen gudida wasiirku hormuudka ka yahay

maayarka maagalada gabiley iyo xildhibaano kamid ah kuwii khilaafku udhexeeyay maayarka halka ay goobta ka maqnaayeen shan xildhibaan oo kamida kuwii gudidu isku xil saartay xalinta khilaafkooda oo Afar kamid ahi yihiin xildhibaanadii xadhiga laga soo daayay.

Wallow uu wasiirka isgaadhtiisu shaaciyay in lasoo afjaray khilaafkii golaha deegaanka gabiley  isaga oo uu ku lamaanaa xildhibaan cabdilaai black oo isna ah mudanaha baarlamaanka umatala gobola gabiley ee ku abtirsada xisbi xaakimka kulmiye,

Wasiirka ayaa marna hadalkiisa ku darnin in ay jiraan xildhibaano diiday heshiiskan taasi oo markii shacabku daawadeen warkan iyo xaqiiqada jirta abuurtay dareeno kala duwan .

Xidhibanaada kasoo horjeestay soo afjarida khilaafka golaha gabiley ayaa kala;

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Faarax

Xildhibaan Maxamed Aamin Cali

Xasan Maxamed Axmed Dhagjar

Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor.

Go,aanka uu shaaciyay wasiirka isgaadhsiintu iyo xaqiiqada xal u helida khilaafka golaha deegaanka gabiley ayaa daboolka ka qaaday in xubnahani ku fashilmeen dhamaystirka arinta iyadoo dhanka kale bulshada tustay awooda siyaasadeed ee wasiirka wallow xildhibaan cabdilaahi black ay shacab reer gabiley iyo deegaanadii laga soo doortayba ogyihiin waxa u galo iyo waxa uu gudo saamaynta aanu ku lahayd xataa beeshii soo doortay!

xubnahan xukuumada ka socday eek u guuldaraystay in si rasmiya ay u xaliyaan khilaafkan iyadoo dhanka kale xildhibaanada diiday heshiiska ay isku jufo hoose yihiin wasiirka isgaadhsiinta  iyo xildhibaan cabdilaahi taasi oo iyana guuldaro siyaasadeed ku ah xubnahan in ay shantan xildhibaan ku qanciyaan waxa ay ku qanciyeen lix xildhibaan oo kamida garabkoodii oo iyagu aqbalay heshiiska iyo sidoo kale maayarkuba .

Gobolka gabiley oo kamid ah goboladii sida wayn utaageeray guushii madaxwayne biixi ee doorashada ayaa wakhtigan waxaa xukuumadiisa gobolka umatala wasiirka isgaadhsiinta iyo technoolajiyada oo aan wax bada ka fahansanayn siyaasada dalka islamarkaana aan wax saamayn ah ku lahayn gobolka gabiley oo wakhtigan laga dareemayo guux mucaaridadeed saluugna ka qaba hanaanka madaxwayne biixi wax uwado iyo saamiga uu ka siiyay xukuumadiisa marka loo eego dhigooda jufadiisa  hoose ee madaxwaynaha iyo kuraasta uu ku taxay oo sedex jeer ka badan kuwa uu siiyay gobolka gabiley.

Sikastaba ha ahaatee wasiirka isgaadhsiinta ayaa mudadii uu xilka hayay markii ugu horaysay galay arin ka taagan gobolka uu xukuumada u matalo ee gabiley taasi iyana uu ku guuldaraystay dhamaystirkeeda waxay talaabadani daliil u noqonaysaa kartida wasiir Dr Cabdiwali oo sobobi karta in xukuumada biixi ka faro baxaan shacabka taageerada badan uhayay ee reer gabiley.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured