"Waa Somalia inoo Xanibaayaana Ma Jirto, Waxaynu Ahayn Laba Dawladood oo Xoriyad kala lahaa". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

0
Tuesday July 30, 2019 - 17:33:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Somalia inoo Xanibaayaana Ma Jirto, Waxaynu Ahayn Laba Dawladood oo Xoriyad kala lahaa". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    "Waa Somalia inoo Xanibaayaana Ma Jirto, Waxaynu Ahayn Laba Dawladood oo Xoriyad kala lahaa". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa Somalia inoo Xanibaayaana Ma Jirto, Waxaynu Ahayn Laba Dawladood oo Xoriyad kala lahaa". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
"Waxan jecelahay inaan wax ka idhaahdo Midnimadii dhex martay Somaliland iyo Somalia 1960 gii, waxaa Xaqiiqo ahayd in laba qodob oo keliya baarlamaankii la hor geeyey oo la kala saxeexday qodob sadexaad ma jirin sida uu AHN Maxed X. Ibraahin Cigaal uu khudbadiisii dheerayd kaga waramay wixii kale ee Shuruudo ahaa waa la Tuuray waxbana lagama soo qaadin  ee ay labada qaybood kala Siteen, labadaas qodob waxay kala ahaayeen 
1. Waxaa laysku daray labadii baarlamaan ee  Somaliland iyo Somalia kala wateen.
2. Waxaa laysku raacay in midnimo la samaysto.
Labadaas Qodob ayey ku qotontay Midnimadii aynu qaadanay, ma jirin qodob diidaya oo ina xanibaaya oo aynaan ku kala noqon karin, ma jirin Shuruudo fara badan oo inagu khasbaaya
In xoriyadeenu Somalia ku xidhnaato, waxaa kala baxay aduunka dalal 5000 oo qodob kala saxeexday oo mid waliba in sidiisa loo tixgeliyo doonaaya, waxaan qabaa daacadnimadii aynu la tagnay awgeed in ilaahay inoo dhib yareeyey o maba jirto shuruud aynaan ka talaabsan karayni mana jirto aynu u xanibnaanaa waxaa afti laga qaadaa dad isku mid ahaa oo kala go aaya, inagu kuwaa ma nihin, wax soomalia inoo xanibaayaana ma jirto waxaynu ahayn laba dawladood oo xoriyad kala lahaa
Dhibaatada keliya ee ina haysataa waxaa weeyeen waxaad moodaa inaynu hog seeganahay oo aynu kolba garbo aan inoo dhawayn isku qaadayno, keliya Somaliya waxaa inaga dhexeeya wixii aynu wada galnay xiligii aynu midaysnayn amaba wada lahayn oo keliya sida Calankii, passporkii , daymihii,  io damaanadii kale ee Caalamiga aynu ku galnay sida laga yeelayo, talaabada kale ee inla gudbooni waa inaynu dawladaha kale ee aduunka ka dhaadhicino inaynu ka noqonay midnimadii somalia  oo somalilandtaydii hore la soo noqonay ,waxaa markhaati cad kuugu filan hadalkii ay tidhi wasiirka arrimaha debeda ee Kenya, ee ahaa Somaliland sharuucda caalamiga iyo kuwa afrika midna ma  mamnuucayo in si toos ah loola macaamilo.
Waxan kaga baxayaa ilaahay ayaa inoo dhib yareeyey oo Somaliya xoriyad iyo aqoonsi  inagaga xidhani ma jirtee, Calankii waynu siinay oo ma haysano , passporkiina waa siinay oo ma haysno, daymahana wax weyn, haddii aynu isu qaadano inaynu u deldelanahay arrintaasi way ina luminaysaa dariiqeenii maaha,



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured