Afar Xildhibaan oo Ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Xadhigooda

0
Tuesday July 23, 2019 - 23:13:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Xildhibaan oo Ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Xadhigooda

    Afar Xildhibaan oo Ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Xadhigooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar Xildhibaan oo Ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Xadhigooda

Gabiley(Xogreebnews-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga utaxaabay afar xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabilay.

Warka aanu ka helay xadhiga Xildhibaanadan ayaa sheegaya in loo xidhay tuhun la xidhiidha in ay ka danbeeyeen nin maayirka Gabilay magaciisa sheegtay oo saaka u warramay Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga.

Xildhibaanada oo laga soo xidhay Gabilay ayaa loo dhaadhiciyay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa halkaas oo lagu xidhay xarunta danbi baadhista.

Xildhibaanadan ayaa horseed ka ahaa mooshin la doonayay in xilka laga qaado Duqa Gabilay arrintaasi oo muran abuurtay.

 

Dastuurka Somaliland ayaa mamnuucaya in la xidho xildhibaan xasaanad leh haddii aannu markaa fal danbiyeed gacanta kula jirin.

 

Xildhibaanada la xabsiyay ayaa magacyadoodu kala yihiin 1-Xildhibaan Iid ,2-Xildhibaan Dhagjar 3-Xildhibaan Buraale Iyo Xildhibaan Mahdi Jija 

 

Berberatoday.com

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured