Somaliland"Shidaalka Nooca Batroolka Oo Qiimihiisu Kor Ukacay

0
Monday July 22, 2019 - 19:55:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland"Shidaalka Nooca Batroolka Oo Qiimihiisu Kor Ukacay

    Somaliland"Shidaalka Nooca Batroolka Oo Qiimihiisu Kor Ukacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland"Shidaalka Nooca Batroolka Oo Qiimihiisu Kor Ukacay

Berbera(Xogreeb)-Maalmahan u danbeeyay waxaa kor u kacay qiimaha shidaalka khaasatanbatroolka oo magaalooyinka Somaliland qaarkood gaadhay halkii Litirhal Doolar iyo sanaaati.

Shirkadaha wadanka shidaalka Keena oo aanu qaarkood la xidhiidhnay masuuliyiintooda ayaa Shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyay in Kor ukacan Qiimaha Shidaalka Khaasatan batroolka u sababay kala Go ku Yimid Shidaalkii wadanka Immanjiray, iyagoo sababtana ku sheegay in tangaradiishidaalka keeni jiray xiligii qorshahu ahaa ay dib uga dhaceen , waxaana la filayaa ayay yidhahdeenbishan julaay 25 in uu iman doono shidaalka ugu horeeyaa.

 

Qimaha foostada batroolka ah ayaa awal ahayd $138 illaa $140, Halka uu qiimuhu gaadhay 147 illaa 150 doolar, shidaalka laga soo iibsadao Hamaha ee shirkadahu leeyihiin, iyadoo wararka qaarkoodna tibaaxayaan in 160 doolar ay gaadhay foostada batroolka ah.

Kaalamha Berbera ayaana litirkii ku iibiya xiligan 7600 oo Somaliland shilling ah halka uu labo wiig ka hor ahaa halka litir 6800 somaliland shilling.magaalooyinka qaarkood sida Burco halkii litir wuxuu gadhay 8500 somaliland shilig ah.

Naaftada ayaan qiimaheedu kicin oo halkii foosto waxaa lagaga soo iibsada hamaha shidaalka 116 illaa 118 doolar

Dhanka kale Mid kamida Mulkiilayasha kalamha shidaalka Berbera ayaa sheegay in masuuliyiinta dawlada e haamaha shidaalku si wanaagsan ay u maamuleen una qorsheeyeen shidaalka kaydka ah ee ku jira haamaha Berberawaxaanay kaantarooleen iibkii kaalmaha ee shidaalka iyadoo kaalintiiba loo ogol yahay in ay maalintii qaadato 10 foosto oo batroola, Arinkan ayaana wax badan hoos u dhigay qiimihii cirka isku shareeri lahaa maadama kaalin waliba ay heshay batrool aay iibiso.

Inta badan shirkadaha shidaalka keena Somaliland isku qiimo maaha oo shirkad waliba qiimaha ay kusoo hesho shidaalka ayay ku jartaa sicir kiisa, waxaana dhacda marka qul qulatooyin ay ka dhacaan bariga dhexe iyo wadmada khaliijkaba inta badan qiimaha shidaalku kor ayuu u kacaa waxaana laga yaabaa xasarada ka dhex oogan maraykanka iyo jamhuuriyada Iiraan in ay keento ganacsiga oo yaraada dhinckastabakhaasatanshidaalka oo daruuri ka noqday dunida casriga ah.

Guud ahaana magaalooyinka Somaliland ayaa laga dareemayaa kor ukaca kuyimd shidaalka , gaar ahaan Baatroolka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured