Ururka VOSOMWO Oo Kulan uu Haweenka Tahriibta Kagaga Wacyi-Galiyey Ku Qabtay Hargaysa

0
Saturday July 20, 2019 - 20:08:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka VOSOMWO Oo Kulan uu Haweenka Tahriibta Kagaga Wacyi-Galiyey Ku Qabtay Hargaysa

    Ururka VOSOMWO Oo Kulan uu Haweenka Tahriibta Kagaga Wacyi-Galiyey Ku Qabtay Hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka VOSOMWO Oo Kulan uu Haweenka Tahriibta Kagaga Wacyi-Galiyey Ku Qabtay Hargaysa
Hargeysa,(Xogreebnews)– Ururka Haweenka ee VOSOMWO ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay kulan lagaga hadlayey dhibaatada uu tahriibku u leeyahay dhalinyarada gaar ahaana hablaha, Waxaana intii kulankaasi socday laga soo jeediyey hadalo ku saabsan dhibaatada uu tahriibku u leeyahay dhalinyarada.
Tababarkan oo noqonaya kii labaad ee ururka VOSOMWO uu u qabto qaar ka mid ah hablaha xaafadhaa kala duwan ee Hargeysa oo lagaga wacyigalinayo tahriibka ayaa ugu horayn waxa halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha ururka Haweenka ee VOSOMWO Marwo Hibo Maxamuud, waxaanay hadalkeeda ku bilawday oo ay tidhi "Marka hore waxaan u mahadnaqayaa dhamaan ka soo qaybgalayaasha iyo ururka Sixa oo mashruucan ku fund-garaysay,  Vosomwo-na ku taageertay inay kulankan u qabato daladan dhalijnyarada ah oo ay isku keento.
Hawshani waxa ay khusaysaa sidii kor loogu qaadi lahaa ama isku xidh loogu samayn lahaa amaba talooyin loo siin lahaa habalaha da’yarta ah iyo daladaha kale ee jira ee dumarka iyo dhalinyarta, gaar ahaan mashruucani waxa uu diirada saarayaa sidii loola talin lahaa hablaha dhalinyarta ah ee tahriibay ama ku talo jiroba inay tahriibaan.
Markaa ujeedadayadu waxa weeyaan in aanu la talino da’yartaa oo aanu u samayno shabakado lagaga hortago tahriibka, maxaa yeelay tahriibka ka VOSOMWO ahaan waxa aanu u aragnaa inuu yahay aafo qaran.
Markaa waxaan rajaynaynaa insha allaahu in tababarkan iyo kuwo hore oo aanu qabanayba laga faa’iidayso oo aanu sii wadi doono dalada SIXA-na ay mar walba nala garab taagan tahay oo ay naga taageerayso mashruucan iyo mashaariic kale oo badan. Markaa insha allaahu waxaanu idinkana xagiina idinka rajaynaynaa in aad nala dedaashaan oo aad noo aragtaan maadaama oo aanu nahay dad is-xilqaamay oo idinka raba inay wax idinla qabtaan in idinkuna aad na garab istaagtaan ood wax nala qabataan maadaama oo dadka wax loo qabanayaa ay yihiin idinka.
Una soo jeedsataan ood u aragtaan in hawshan aanay dan gaar ahi ugu jirin cid oo dhamaanteen, waayo dhamaan intiina I hor fadhidaa waxaad tihiin xoogii iyo dhalinyartii qarankan, markaa waxa aynu u baahanahay gacmo wadajir bay wax ku gooyaane in dhamaanteen aynu gacmaha isqabsano, hawshaa iyada ahna aynu dhinac ka wada noqono.
Waxa la yidhaahdaa hadii aan arin soo socota wax laga qaban hadhow marka ay timaado waxba lagama qaban karo.” Ayay tidhi Hibo Maxamuud oo ah Gudoomiyaha ururka Haweenka ee VOSOMWO.
Sidoo kale waxa isaguna kulankaasi dhalinyarada lagaga wacyigalinayey dhibaatada tahriibka hadal ka soo jeediyey masuul ka socday daladda SIHA.
Mr Nuuradiin oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Waxaan salamaayaa dhamaan ka soo qaybgalayaasha kulankan tababarka waxyigalinta ah, gaar ahaana hablaha ka socda ururka danjire. Hawshan aynu maanta halkan isugu nimid waa hawshii aynu awal horeba qaban jirnay ee hay’adda Sixa network, waxa sida aynu ognahay waxa aanu samaynay urur la yidhaa Danjire oo ka kooban afartan hablood, afartankaa hablood oo markaa iskugu jira qaar tahriibay iyo qaar aan tahriibin oo dib loogu samaynayey barnaamij wacyigalin ah. Tabarkani waa qaybtii labaad oo hore ayay tababar u qabteen ururka VOSOMWO, waxaanan idiin rajaynayaa inaad ka faa’iidaysataan fursadaasi kooban ee aad haysataan” Ayuu yidhi Nuuradiin oo ka socday hay’adda SIHA Network.
Dhinaca kale gudoomiyaha ururka Danjir Xamda Ismaaciil oo iyaduna kulankaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi "Ururkan Danjire ee ka kooban 40 hablood oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee Hargeysa, waxaana markii dambe aanu yeelanay hal fikrad oo ah in aanu ogaanay in tahriibku yahay aafo oo loo baahan yahay in aanu meel uga soo wadajeedsano,” ayay tidhi Xamda Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha ururka Danjir.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured