Jamhuuriyadda Somaliland Oo Jawaab Waafi Ah Ka Bixisay Hadallo Deelqaaf Ah Oo Kasoo Yeedhay Maamulka Muqdisho.

0
Thursday July 18, 2019 - 19:18:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamhuuriyadda Somaliland Oo Jawaab Waafi Ah Ka Bixisay Hadallo Deelqaaf Ah Oo Kasoo Yeedhay Maamulka Muqdisho.

    Jamhuuriyadda Somaliland Oo Jawaab Waafi Ah Ka Bixisay Hadallo Deelqaaf Ah Oo Kasoo Yeedhay Maamulka Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyadda Somaliland Oo Jawaab Waafi Ah Ka Bixisay Hadallo Deelqaaf Ah Oo Kasoo Yeedhay Maamulka Muqdisho.
WAR-SAXAAFADEED: 18/07/2019
Jamhuuriyadda Somaliland Oo Jawaab Waafi Ah Ka Bixisay Hadallo Deelqaaf Ah Oo Kasoo Yeedhay Maamulka Muqdisho.
Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah:
1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland.
Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska. 


Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina wuxu dhigayaa inaan cadowga loo caban ee layska celiyo
2. Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka.

Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay.
Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo  cadowga dalkiisa.
Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga.

ALLAA MAHAD LEH
 
 Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha  JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured