Magaalada Burco oo caawa degan iyo khasaarahii maanta ka dhashay mudaharaadkii

0
Thursday July 11, 2019 - 00:32:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Burco oo caawa degan iyo khasaarahii maanta ka dhashay mudaharaadkii

    Magaalada Burco oo caawa degan iyo khasaarahii maanta ka dhashay mudaharaadkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Burco oo caawa degan iyo khasaarahii maanta ka dhashay mudaharaadkii

Ciidamada amaanka ayaa caawa magaalada Burco si buuxda gacanta ugu haya kadib markii maanta kowdii duhurnimo uu magaalada ka bilaabmay mudaharaad balaadhan oo lagu diidanaa colaada ka soo cusboonaatay deegaanka Ceelafweyn.

Waxa maanta magaalada ka dhacay intii uu mudaharaadku socday boob loo gaystay dukaanada magaalada qaarkood iyo meherado ganacsi, waxa sidoo kale la jajabiyay baabuur xoogaaa ah, waxana ay dadkii mudaharaadaayay oo dhalinyaro u badnaa ay gubayeen taayiro iyaga oo ciidanka booliskana shiidaayay.

Mudaharaadkani oo caawa makhribkii istaagay waxa uu wariyaha qarannews, xagaasi uga soo waramayaa uu sheegayaa in laba qof ay ku dhaawacmeen xagaasi, mana jirtto cid ku dhimatay mudaharaadkaasi maanta.

Maamulka gobolka ayaa iyaguna gabi ahaanba beeniyay in magaalada ay wax mudaharaad ahi ay ka dhaceen.

Waxana dadka la gudboon in ay is dajiyaan oo aan sharciga gacanta lagu qaadan, laguna dhaqmo dastuurka iyo kala danbayta dalka u taala.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured