Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Deegaanka Duud-carraale ee D. Ceel-afweyn

0
Sunday July 07, 2019 - 20:40:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Deegaanka Duud-carraale ee D. Ceel-afweyn

    Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Deegaanka Duud-carraale ee D. Ceel-afweyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Deegaanka Duud-carraale ee D. Ceel-afweyn

Duud-carraale (Xogreebnews):- Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira sababay, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaanka Duud-carraale oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, sida uu xaqiijiyey Maayerka Ceel-afweyn oo Baddacas24 TV u warramay.

Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqim ijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, haddana waxa uu Maayerka Ceel-afweyn sheegay in dagaalkaasi dhacay, isla markaana uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba sababay.

Dadka dagaalkani dhex-maray, ayaa ka kala tirsan laba beelood oo sannadihii u dambeeyey ku dirirayey deegaanno hoos taga Ceel-afweyn, isla markaana marar kala duwan la heshiisiiyey oo nabad la dhex-dhigay, haddana markasta oo la heshiisiiyo muddo ka did, ayuu dib u bilaabmayey dagaalkaasi illaa 2016-kii, illaa hadda oo la marayo 2019-ka.

Haddaba, Waraysiga uu Weriyaha BC24 TV ee Ceerigaabo Siciid Qurbaawi la yeeshay Maayerka degmada Ceel-afweyn Cabdirixiin Aw Yuusuf Axmed, su’aalaha laga weydiiyey dagaalkaas iyo jawaabaha uu ka bixiyey-ba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured