"Facaailka Taban ee ay ku kacayaan Maamulka Somaliya wuxuu Ragaad iyo Hiirtaayo ku sii fogaynayaa Umada Somaliland". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

0
Thursday July 04, 2019 - 18:19:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Facaailka Taban ee ay ku kacayaan Maamulka Somaliya wuxuu Ragaad iyo Hiirtaayo ku sii fogaynayaa Umada Somaliland". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    "Facaailka Taban ee ay ku kacayaan Maamulka Somaliya wuxuu Ragaad iyo Hiirtaayo ku sii fogaynayaa Umada Somaliland". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Facaailka Taban ee ay ku kacayaan Maamulka Somaliya wuxuu Ragaad iyo Hiirtaayo ku sii fogaynayaa Umada Somaliland". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
"Madaxda Dawlada Somaliya iyo kuwa Somalilanderka ahee la joogaa waxanay weli kala fahmin in la soo noqoshada Xornimada Somaliland ay tahay Dareen umadeed ee aanay ahayn dareen siyaasadeed, cidkasta oo ka soo horjeedsataana amaba fal lidi ku ah kula kacdaana cida uu damqayaana, taabanayaa ee ka fal celinaysaana ay tahay umadii lahayd Dareenkaas.
Waxaa Xasuus mudan siyaasiyiin waaweyn oo madaxweyneyaal, Wasiiro iyo baarlamaanba soo noqday ayaa Somaliya tegay qaarna ay hadda joogaan mid waliba muqdisho dhexdeeda ayuu ku taqaaqufay isagii baa is waayey waxbana kamay bedelin mawqifkii Somaliland, sababtuna waa dareen umadeed/bulsho ayaa meesha yaala, siyaasi waxba kama bedeli karo, codayntii dastuurka jsland 97% ku u codeeyeen 90% waxay u codeeyeen qodobka ah gooni isu taaga somaliland waa la ma taabtaan, maanta waxaa ka soo wareegtay ku dhawaaqistii sodon sano ku dhawaad, haddii uu dareen siyaasi ah yahay maanta muu jireen,    awooda iska lihina waa bulshada ku dhaqan somaliland.
Haddaba kolkay sidaa tahay hagardaamooyinka, mu aamaraadka, iyo dhibka huursan ee ay ku kacayaan qoomkaasi wuxuu ragaad iyo hiirtaayo ku sii fogaynayaa Bulshada Somaliland, ha moodina cida xumaantiina arkaysaa inay tahay cida kursiga fadhida, talaabo kasta oo tabani waxay u tirsan tahay umada somaliland, waxaan idinkula talin lahaa wax wada lahaansho dhimataye hakala xabaalo seejina labada umadood wa bilaahi tawfiiq".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured