Madaxweyne: Sidee Loo Caddayn Karaa Inay Dembiileyaal Yihiin Suxufiyiinta iyo Siyaasiyiinta Xidhani? W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Saturday June 15, 2019 - 15:54:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne: Sidee Loo Caddayn Karaa Inay Dembiileyaal Yihiin Suxufiyiinta iyo Siyaasiyiinta Xidhani? W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Madaxweyne: Sidee Loo Caddayn Karaa Inay Dembiileyaal Yihiin Suxufiyiinta iyo Siyaasiyiinta Xidhani? W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne: Sidee Loo Caddayn Karaa Inay Dembiileyaal Yihiin Suxufiyiinta iyo Siyaasiyiinta Xidhani? W/Q Siciid Maxamuud Gahayr
15kii Juun 2019ka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo furaya imtixaannada qaranka waxa la weydiiyay suaal ku saabsanayd in uu soo badanayo xadhigga siyaasiga ahi, waxaanu yidhi "Xadhig siyaasi ah maaha, xadhiggii dembiilaha ayaa badanaya. Dembiilahana waa la xidhayaa.  Ninkii dembi gala ha odhan waa siyaasi. Siyaasiga ayaa dembi geli kara, dhakhtarka ayaa dembi geli kara, adiga oo suxufi ah ayaa dembi geli kara, ganacsadaha ayaa dembi geli kara. Qofkii dembi gala waa la qabanayaa si dalku hore ugu socdo”.


Illaa hadda waxa xidhan laba siyaasi oo kala ah Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Waddani Md Maxamed Siddiiq Dhamme iyo Suxufi  Abdilmalik Musa Coldoon. Dhammaantood waa eedaysanayaal, mana jirto dembi ay maxkamdi ku caddaysay oo lagu xukumay. Ma ogi dhakaatiir iyo ganacsato xidhan, oo iyagana madaxweynuhu sheegay in la xidhi karo.
Weydiimahan ayaa yaalla:
1. Markaas miyaanay gef ahayn in madaxweynuhu ku sheegi dembiileyaal?
2. Hadalka madaxweynuhu miyaanu gef ku ahayn madax-bannaanidii garsoorka ee uu kaga hadlay Shirkii KULMIYE ee Boorama 26kii Feberweri 2019ka?
3. Xukun kasta oo ay maxkamaduhu ku ridaan saddexdaas muwaaddin, saw lama odhan karo waa mid siyaasi ah oo lagu xurmeeyay rabitaanka madaxweynaha?
4. Ma la odhan karaa qaraarka ay maxkamaduhu soo saari doonaan, waa la sii garan karo oo raacaya hadalka madaxweynaha?
5. Haddii madaxweynihi raggan dembiileyaal ku sheegay, maxay macno samaynaysaa inaynu dhegaysanno eedda xeerilaalinta, garnaqa maxkamdda iyo difaaca qareennadu?
6. Ma kas ayuu Madaxweynuhu sharciga ugu tuntay mise kama?
7. Keliya saw maaha inaynu sugno inta sanno ee la dhaadhicinayo mid walba?
8. Sidee loo sixi karaa gefkaas badheedhka ah ee madaxweynaha?
9. Miyaanay ahayn inay is-casilaan qareennada u doodaya muwaaddiniinta xidhan ee madaxweynuhu ku sheegay "dembiileyaasha”?
10. Xisbiyada iyo saxaafadda ay ka tirsan yihiini miyay kalsooni ku qabaan garsoorka dibadda laga sheegayo goaan aanay gaadhin weli?

Hadalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu isoo xasuusiyay laba dhacdo oo kala ahaa 2016kii iyo 2017kii. Waxa aan 15kii Abril 2017ka daawaday Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ka jawaabayay eedaymo uga yimi Xoghayahii Caddaaladda Xisbiga Waddani imakana ah Af-hayeenka WADDANI  Barkhad Jamac Batun, kuwaas oo ku saabsanaa Xadhigga Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Waddani Md Maxamed Siddiiq Cabdillaahi iyo Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Waddani Md Yoonis Ahmed Yoonis. 

Taliye ku-xigeenku isaga oo xadhigga ka hadlayay waxa uu yidhi "laba nin oo dembiileyaal ah baanu xidhnay”. Weli markaas ma aynu arag go’aan maxkamadeed oo masuuliyiintan ku heshay dembi. Waxa ay ahaayeen eedaysanayaal, eedda xeer-ilaalintuna ma aha dembi. Hadalkiisaas waxa aan ka idhi "illeen hadal ‘ax’ kuma yidhaahdo”. Mar kale waxa uu yidhi "Ama annaga ayaa dembiileyaal noqon, ama iyaga ayaa dembiileyaal noqon”. 
Haddii siyaasiyiintaas lagu heli lahaa dembi, waa la garanayaa habka ciqaabtooda loo marayo. Haddii se wax dembi ah lagu waayo, waa ayo cidda la xisaabtamaysa ciidanka booliska ee caadaystay ku-tumashada xuquuqda muwaaddiniinta? 
Waxa ay ahayd 20kii Ogos 2016ka markii ay xabsiga ii taxaabeen ciidanka Booliska Somaliland, toddoba cisho kaddib oo 27kii Ogos 2016ka ah ayuu xadhiggayga ka hadlay Af-hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi, hadalladiisa waxa ka mid ahaa "Ninkaasi waxa cad in uu dembi galay sida uu qabo xeerka habka ciqaabtu. Ninkaasi dembi cad ayuu galay, caddaymo buuxdana waa loo hayaa, markhaatina waa loo hayaa”. 

Hadalkiisa waxa buriyay go’aankii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay soo saartay 15kii Oktoobar 2016ka oo lagu caddeeyay in aanan wax dembi ah gelin. Aaway caddaymihii la ii hayay?. Marka ay sidaas tahay waxa aan Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland weydiin lahaa "Haddii aan dembiile noqon waayay, waa ayo dembiiluhu?”. 

Mar kale af-hayeenku isaga oo ka hadlaya xadhiggayga waxa uu yidhi "Ninkaas la leeyahay Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu la shiray dadweynihii laga raray Masallaha Hargeysa, waxaanu ku guubaabiyay in ay dib ugu soo noqdaan garoonka, si nabadgelyo darro ay halkaas uga sameeyaan”. Weedhanina waa deelqaaf qaawan iyo ged ay u badheedheen ciidanka Booliska ee uu metelayay Af-hayeen Faysal Xiis Cilmi. Marna lama shirin dadka ay dawladdu dhulkooda qaramaysay. Marka ay sidaas tahay, miyaanu masuulkani u qalmin in la guddoonsiiyo shahaadada caddaalad-darrada? 

Sadarro ka mid ahaa tix aan xabsiga ku tiriyay oo fal-celinaya gurracaas afka iyo addinkaba leh ee la igula kacay ayaa ahaa: 
Inkastoo la buunbuuniyoo, beenta lala yaaco 
Xaqiiqada wixii baal-maraa, waa bar-kuma-taalle 
Inta uu bannaan-baxay shacbigu, "buuqa” maan odhanne 
Sida uu bilayskeennu yidhi, baaddil maan wadinne 
Boobkiyo dhacaan diiddanaa, baahay waayadane 
Intii baylah ii muuqatiyo, boogo maan dedine 
Ummaddaa la bara-saaray baan, "baanta” leeyahaye 
Hafarka iyo wanjalkaas oo aan ka dhegaysay Radio Hargeysa isla maalintaas uu hadlay af-hayeenku boolisku, waxa uu ahaa mid aanan jeclaysan. Waxa uu igu kellifay inaan ku gacan-saydho waanwaan la rabay in aan ku soo baxo, haddii aan ku soo baxo wada-hadal, dammaanad iyo heshiis aan saxeexana waxa la ii arki lahaa dembiilihii ay sheegayeen ciidanka boolisku. Taas beddelkeeda waxa aan ku adkaystay in maxkamadda aanu isla galno ciddii ay markaas dacwaddu naga dhexaysay. 

Waxa caddaan noqotay in aan dulmi ku xidhnaa 88 cisho. Mana dhicin in cid kale loo ciqaabo gabbood-falka la igula kacay. Haddaba sidee ayaa loo caddaynayaa in ay ciidanka Boolisku dembiileyaal yihiin? Halkee ayaa dacwad looga gudbin karaa? 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu marar badan qiray xadhigga siyaasiga ah ee dhibta leh, kaas oo ka mid ahaa waxyaabihii uu halganka SNM ugu biiray 1986kii. Waxa kale oo uu cambaareeyay xadhig Madaxweyne Cigaal IHUN kula kacay salaaddiin 2001da, sidoo kale waxa uu taageeray in Cabdilaahi Abokor Cismaan Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinku rasaas uga jawaabo ciidan boolis ah oo gurigiisa ugu dhacay 2014ka oo xidhay. 
Markaas madaxweynuhu midkee ayuu sax yahay shalay iyo maanta?


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured