Madaxtooyada Jsl Oo Ka Hortimid Magacaabis Uu Wasiirka Ganacsigu Ku Sameeyay Masuulka Arimaha Ganacsiga Ufadhiya Safaarada Itoobiya Iyo Fadeexadaha Ku Lamaan!

0
Sunday June 09, 2019 - 23:15:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Jsl Oo Ka Hortimid Magacaabis Uu Wasiirka Ganacsigu Ku Sameeyay Masuulka Arimaha Ganacsiga Ufadhiya Safaarada Itoobiya Iyo Fadeexadaha Ku Lamaan!

    Madaxtooyada Jsl Oo Ka Hortimid Magacaabis Uu Wasiirka Ganacsigu Ku Sameeyay Masuulka Arimaha Ganacsiga Ufadhiya Safaarada Itoobiya Iyo Fadeexadaha Ku Lamaan!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Jsl Oo Ka Hortimid Magacaabis Uu Wasiirka Ganacsigu Ku Sameeyay Masuulka Arimaha Ganacsiga Ufadhiya Safaarada Itoobiya Iyo Fadeexadaha Ku Lamaan!

HARGAYSA(Xogreebnews)-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Somaliland mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa 23 Bisha May masuul Cusub umagacaabay wakiilka xukuumada somaliland ufadhiya Arimaha Ganacsiga Ee safaarada etoobiya kaasi oo uu umacagaabay Aqoonyahan Cabdibaasid Aadan Ibraahim, Halka uu xilka qaadisna ku sameeyay masuulkii hore ujoogay arimaha gancsiga safaarada Somaliland ee Adis-ababa. Cabdiraxmaan Cabdi Xassan.

Wararka laga helayo isku badalka labadan masuul ayaa Sheegaya in ay jiraan amaro kasoo fulaya qasriga Madaxtooyada Somaliland kuwaasi oo Wasiirka Ganacsiga  cadaadis  lagu saaray in uu ka noqdo magacaabista uu sameeyay islamarkaana uu xilkaasi sii jooga masuul hore ee xilka laga qaaday.

Wallow Aan Si rasmi ah loo haynin ujeedada keentay in l hakiyo isku badalka labadan masuul oo mudooyinkii ugu danbeeyay hadalhaynteedu ku badnayd baraha ay ku kulanto bulshadu xukuumaduna aay wali si cad uga hadal,

Sidoo kale wararka laga helayo arinta ayaa intaa ku daraya in wasaarada arimaha dibada oo  iyagu leh og ay fariimo dhinaca   madaxtooyada kaga yimid  gadh wadeena Uu Ka yahay wasiirku xigeenka arimada bidaba ay qayb ka yihiin qorshaha lagaga horyimid magacaabista masuulkan cusub iyadoo taasi badalkeeda ay hormuud ka tahay  qorshaha  lagu doonayo in uu xilka sii jooga masuulkii xilka laga qaaday oo madaxwayne muuse biixi adeer uyahay.

Qorshahan la sheegay in uu kasoo fuliyo madaxtooyada Somaliland isla markaana lagu kala xigtaystay labo nin oo sifo sharci ah layskugu badalay ayaa noqonaysa mid fadeexad ku ah milgaha dawladnimo iyo ku dhaqanka sharci ee u yaala laamaha dawlada.

Wasiirka wasaarada ganacsiga ayaa lafilayaa in uu soo saaro warqad uu kaga noqonayo magacaabista Aqoonyahan Cabdibaaskid oo isagu deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Gabiley oo ah meelihii sida wayn looga doortay madaxwayne Muuse Biixi

Halka masuulkii hore ee xilka laga qaaday Cabdiraxmaan C, Xasan  oo hada lagu wado in uu sii jooga shaqadii uu qaranka u hayay uu yahay wiil madaxwayne biixi u yahay adeer kana soo jeeda deegaanka Xaraf .

Maaha markii ugu horaysay ee ay Arintan oo kale ay ku kacaan xukuumadihii kala danbeeyay ee kulmiye waxaana  hore u dhacday in xiligii xukuumadii Axmed siilaanyo Wasiirkii Warfaafinta Muj Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) lagu Amartay in uu ka noqdo wareegto uu xilka kaga qaaday Maareeyihii Tvga Qaranka iyo Gudoomiyaha wargayska Dawan taasi oo uu wasiirkii warfaafintu diiday in uu buriyo talaabo sharci o uu xaq uleeyahay taasi oo markii danbe sobobtay in uu wasiir boobe  iskaga tago  xilkii uu ka hayay xukuumadii Axmed siilaanyo.

Wallow Wasiirka wasaarada Ganacsiga ee xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi lagu wado in uu aqbalo amarka kaga yimid dhinaca Madaxtooyada taasi oo dhaawac wayn ku ah wasiir Saajin iyo guud ahaan Qaranka somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured