Ciidanka Booliska Oo Keenay Gun-gaadhka Dacwaddii Dhamme iyo Xeer-ilaalinta Oo La Fadhiisatay! "Ma Dembi Baa In Qof Subeer Awal Ahi Xukuumadda Dhaliilaa?"

0
Saturday June 08, 2019 - 14:00:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliska Oo Keenay Gun-gaadhka Dacwaddii Dhamme iyo Xeer-ilaalinta Oo La Fadhiisatay! "Ma Dembi Baa In Qof Subeer Awal Ahi Xukuumadda Dhaliilaa?"

    Ciidanka Booliska Oo Keenay Gun-gaadhka Dacwaddii Dhamme iyo Xeer-ilaalinta Oo La Fadhiisatay! "Ma Dembi Baa In Qof Subeer Awal Ahi Xukuumadda Dhaliilaa?"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Booliska Oo Keenay Gun-gaadhka Dacwaddii Dhamme iyo Xeer-ilaalinta Oo La Fadhiisatay! "Ma Dembi Baa In Qof Subeer Awal Ahi Xukuumadda Dhaliilaa?"
1dii Julaay 2019ka oo ku beegnayd 27kii Ramadaan 1440ka ayay ciidanka dembi-baadhistu xafiiska xeer-ilaalinta Maroodijeex u gudbiyeen eedo ka dhan guddoomiyaha garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq Dhamme, waxaanay ku eedeeyeen saddex qodob oo kala ah:
1. Kicin dadweyne (321) waa qodob salkiisu yahay nabadgelyo darro. Waa qodobka loo cuskado cid kasta oo la xidho oo aan dammaanad lahayn.. Xukunkiisu waa illaa shan sanno.
2. Is-horaag shaqo qaran: waa xayiraaddii lala maagganaa Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Garadag ee socon weyday, xitaa golaha baarlamaankuna ansixin waayay iyo


3. Aflegaaddo madaxeed. Labada qodob ee dambe xukunkoodu waa shan sanno.
Dhagar male-awaal ah oo xukunkeedu yahay toban gu' ayaa la rabaa in guudkooda loo saaro muwaaddinkaas dhallinyarada ah ee cabbiray dareenkiisii ku aaddaanaa in gabbalka loo rido Gobolka Sanaag, welibana xilka ka haya Xisbiga Qaran.
Xafiiska Xeer-ilaalinta qaranka waxa la gudboonaa in ay kala haadiyaan oo kala hufaan eedahaas malluuqan ee ka yimi ciidanka booliska, sidoo kale waxa waajib ku ahaa in ay ku qoraan xeer-ilaaliye oo dacwadda loo gudbiyo maxkamadda gobolka Maroodijeex, si loo dhegaysto wanjalkan macmalka ah ee la dhoobdhoobay.
Marka laga yimaaddo dhaliisha uu jeediyay Maxamed Siddiiq Dhamme waxa ugu weyn ee loo haystaa waa in uu xukuumadda cambaareeyo isaga oo la beel ah madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Hore ayuu Maxamed Sidddiiq Dhamme u yidhi "Xisbiyadu waa mabda'-wadaag ee ma aha mag-wadaag".
Waxa aanu xafiiska xeer-ilaalinta ugu baaqaynnaa inay dedejiyaan eedaha loo haysto muwaaddinkan xuquuqdiisii qof ahaaneen dhulka lala simay.

Siciid Maxamuud Gahayr.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured