Af-leggaddada: Qof-cayga, Dal-cayga, Reer-cayga iyo Diin-ku-gefka Faysal Cali Xuseen W/Q Siciid Gahayr

0
Sunday June 02, 2019 - 18:51:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Af-leggaddada: Qof-cayga, Dal-cayga, Reer-cayga iyo Diin-ku-gefka Faysal Cali Xuseen W/Q Siciid Gahayr

    Af-leggaddada: Qof-cayga, Dal-cayga, Reer-cayga iyo Diin-ku-gefka Faysal Cali Xuseen W/Q Siciid Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Af-leggaddada: Qof-cayga, Dal-cayga, Reer-cayga iyo Diin-ku-gefka Faysal Cali Xuseen W/Q Siciid Gahayr
Hal-ku-dhegga qormadan dheer ee Af-legaaddada Faysal Cali Xuseen waa "Qoys, Qabiil iyo Qaran midna Faysal kuma metelo qadafka. Qudhiisa ayuu ku metelaa”.. Marka la abtirsado, aniga ayaa adeer shanaad u ah Injineer Faysal Cali Waraabe, markaas ma ihi nin waalid caayaya, qof canaan gacal u jeedinaya wiil uu adeer u yahay baan ahay. Saw halkaas ma aydun garan?. Marka ay da’ noqoto, qaar 50 gu’ iyo dheeraad ka weyn oo aan edyad loo quudheen ayuu fagaare kaga hurgufay. 
Anigu se waxba ka sheegi maayo, keliya wuxuun baan ururiyay dhacdooyin sooyaalkiisa ka mid ah. Waxan hayaa oo aan qormadan iyo meel kale toona raacin karin af-legaaddadii uu Faysal Cali Xuseen kala xishoon waayay dad aan afka la soo marin karin magacooda.. Xitaa in aan cayimo qofkaas ayaa igu adag ba! 2008dii bay ahayd. Muuqaal (Video) uu arrintaas kaga hadlayo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee KULMIYE Md Axmed Cabdi-Dheere ayaad ku ogaan doontaan, kaas oo la socda qormooyinka dambe.


Af-leggaddada, qof cayga, dal-cayga , reer-cayga iyo diin-ku-gefka Faysal ma aha mid qormo lagu koobo. Ma aha mid aanu xaal ka bixin karno. Mana aha mid aanu raalli ka nahay ama aanu jecel nahay. Dee afkiisana ma qaban karo. Qormo keli ah baan rabay in aan ka dhigo caydiisa. Judhiiba saddex bog ayay noqotay, waanay ka sii korodhay. Ma uu dhaafin aabbihii iyo xaaskiisa. Culimo, madax-dhaqameed, haween iyo salaaddiin ma dhaafin. Xildhibaan Cali Mahdi Xuseen ayaa yidhi "Illeen af aanad lahayn ma qabatid”.

Xitaa abtiyadii ayuu gaadhay "Waxan is lahaa waa lagu dooran, oo nin reer Hargeysa ah baan is moodayay. Laakiin shaw abtiyaday waxa ay xasuusan yihiin dagaalkii sokeeye” Shirweynihii Saddexaad ee UCID, Crown Hotel, 4-5 Jen 2012ka. Adeer abtiyadaa ka daa, ma aha dad naxli hayo, adiga ayaan kula hadlin af ay gartaan.. Weliba tan mar kale ayaan faaqidi.

2003dii iyo xilliyo dambe waxa uu odhan jiray "Daahir Rayaale waxa uu tegay Jabuuti. Anigu ma tageen Jabuuti.. Waxa aan tegi lahaa Itoobiya. Jabuuti waa dalkii qaxoontiga la laynayo xadka ka xidhay ee Kacaanka u soo celiyay. Iyaga oo 500,000 ah ayay dal noqdeen, markaasaanay aniga ii diiddan yihiin. Abtiyaday waxa aan leeyahay seeddinnimada iyo dawladnimada kala saara. Car Ismaaciil Cumar Geelle ha yimaaddo Hargeysa”. Haddana isaga ayaa Jabuuti uga dega xeelado iyo dano qof ahaaneed.

Horta waa kuma siyaasiga yidhi "Wiilka Muqisho ku dhasha waxa ka dhaw ka Addisababa ku dhasha”. Yuu ahaa Masuulkii Wasiirka Gaadiidka iyo Badaha Soomaaliya ku lahaa "Gabadhaas Baantuuga ah”. Waar dee magaciisa sheegi maayo, waad garanaysan ninka aan ka hadlayo. 

Isaga oo laga waraysanayo Barnaamijka Hal-adayg ee HCTV 2015ka waxa uu yidhi"Reer Boorama waxa lagu barbaariyaa colaadda beesha dhexe”. Anigu meel manhaj naxli ah lagu dhigo ma ogi. Anigu gobolkaas aqoon iyo uursami ayaan ku ogahay.

2012kii annaga oo joogna olole ay gaar ahaan Hargeysa ugu dhigteen Cabdishakuur Xaaji Maxamed Ismaaciil (Bidhaan) iyo Mubaarig Cabdi oo UCID ka sharrxanaa ayuu yidhi "Ha u codaynnina kuwa Galbeedka Burco ka yimi. Annaga ayaa Hargeysa ka sharraxnay markaas ayay yidhaahdeen Ciidagale ayaannu Hargeysa kaga badannahay” rag deegaankaas ah oo ololaha ku jiray ayaa iska dhaqaaqay, waxaana is-casilay rag deegaankaas ah oo UCID ka sharraxnaa. Adeerow, ma reer is qabateen mise ruux?

Faysal Cali-Waraabe waxa uu aragtida Xisbiga KULMIYE  u arki jiray jabhadayn, dagaal-oogid iyo burbur. Halka ay iyagu iska dhawraan, waa uu ku dheereeyaa. Sannadkii 2003da waxa uu yidhi "Kala doorta shan sanno oo jabhadayn, dagaallo sokeeye, qax iyo dib-u-noqosho ah + Shan gu’ oo horumar, barwaaqo, ictiraaf, biyo iyo wanaag ah (UCID)”. Adeerow raggii halganka qaybta ka ahaa, dalka ma gelinayaan dagaallo. Waa kaas AxmedSiilaanyo qabsaday’e, mee wixii aad sheegaysay?

Isaga oo ka hadlaya Samafale Cabdimaalig Muuse Coldoon oo Hargeysa ku xidhan waxa uu yidhi "Cabdimaalig waan toogan lahaa. Ma ninka Farmaajo u heestay. Anigu waan toogan lahaa, dawladda ayaa jilicsan”. Mar kale wuxuu yidhi "Farmaajo ayaa ah dadkii wax xukumi jiray, oo waanu eegaynnaa”. Isaga oo isla Farmaajo ka hadlaya wuxuu yidhi "Waa ajnabi (Foriegner)”. Waxa uu ka hadlayaa in aanu Reer Banaadir ahayn. Haddana waa kii Farmaajo ugu tegay Baljimka. Sawdigii lahaa "ka u taga waan toogan lahaa”, maxaad ka doontay? Adiga markaas in lagu toogto ama aad sharciga isku fuliso oo is-deldesho miyaanay ahayn? Imakadaas xukunka isku fuli, waa fursad!

Faysal Cali Waraabe oo dhaleecaynaya shakhsiyadda Raiisal-Wasaare Xasan Cali Khayrre waxa uu yidhi "Ninkan cawslaha ahaa (Khayrre) eegi maynno. Waa daanyeer la saaray kursi aanu u qalmin” halkee ayuu Khayrre cawska ku iibin jiray? Isla hadalkiisa ayuu ku sheegayaa in uu ka shaqayn jiray Haayad Caalami ah Norweigian Refugee Councuil (NRC). Ma laba is-qabtaa?

Xilliyadii guurtidu ay muddo-kodhinta u samaysay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ku sinnayd 2008da, waxa uu hanjabaad u jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Guurtida Md Siciid Jaamac Cali, oo ka soo jeeda deegaanka Bariga Gobolka Sanaag "Siciid Jaamac Caliyow waxaad ku noqon Badhan”. Guddoomiye Siciid Jaamac Cali ayaa ku yidhi "Somaliland baa isku keen keentay, adiguna Sallaxley ayaad ku noqon”. Niman waxgarad ah ayaa hadalkaas ka raalli-geliyay Guddoomiye Siciid Jaamac Cali. Somaliland ma aha dhul la isugu libaaxeeyo oo la kala sheegto. Beerta xorriyadda waxa uu 2017 ka yidhi "Waa inaad muujisaan in Cirro marti ku yahay Hargeysa”. Adigu Hargeysa mooyaane, miyaanad meel kale wax ka rabin?

Faysal Cali-Waraabe oo makasta ku guubaabinaya inay caayaan hablaha Muqdisho u shaqo taga ayaa fagaare ka yidhi "Hablaheennii yaryaraa baa Xamar looga heesayaa. Ku Caaya hablaha Xamar taga Facebook. Waa khaayimiin, waa dulli. Dadkii dadkooda laayay bay u tageen. Waa in Facebook kaga dhignaa fidno, dad uraya oo xumaaday”. Subxaanallaah! Waar ma sidaada ayay tuumbo afka kula jiraan, dadku aqoontooda meel walba way ugu shaqo tegi karaan. Ma ninka sidaas leh ayaa eedayn ka dhiga "Hablo ayay KULMIYE xidheen?”. Wallay naga tahay, annagu hablo caayi maynno!

Faysal Cali Waraabe ayaa wax laga weydiiyay xadhigga Niciima Abwaan Qorane, halkii ay ahayd in ku koobnaado taageero iyo diidmo, waxa uu duray qofnimadii inanta uu adeerka u yahay. Wax aan ka qaban iyo naxli ayuu fatahay. Waxa uu yidhi "Inantan yar ee iska muraaqootay ee qalbi-xabxabka ah ma aha in geesi (hero) laga dhigo.Weli inan yar oo reer Xamar ah oo inoo ooyaysa miyaad aragteen? Dawladdu may ahayn inay xidho dadka bilaa macnaha ah ee caqliga yar”. Dee yaa xaalkaasna bixinaya, naguma metelo wallaahi!
.
Si qaawan ayuu u weeraray shakhsiyaddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Maxamuud, hadda waa ninkii uu dhuumashada ugu tegay Landhan 11kii Mey 2013ka. Kuma koobnaan taas, qabiilka dhan ee Hawiye ayuu af-legaaddeeyay. Waxa uu yidhi "Bal eeg nacaskaas Xasan Sheekh ee ku leh Sool iyo Sanaag waa Puntland, Somalilandna waa maamul-goboleedka lixaad. Xasan Sheekh oo aan aabbihii talin jirin, awowgiina talin jirin ayaa innagu dherersanaya. 

Waxa la yidhi "wax aan talin jirin hadduu taliyo, wax aan la arki jirin baa la arkaa. Markabka sibidhka ah ee uu keeno Ina Unuun-laaye ayay awowyaashii isku dili jireen iyaga oo leh "aniga ayaa xammaalaya iyo aniga ayaa xammaalaya” markaas ayaa Madaxweyne laga dhigay maanta. Waxay ahaan jireen bay ku noqon”. Reerka uu sidaas u caayay ayuu ku leeyahay "Aan isugu tagno Daarood, sidii ay Cabdiraxmaan Tuur iyo Caydiid isugu tageen”. Daarood waxa uu leeyahay badh Somaliland ah, meeshana beelo iskuma hayaan. Xilligaas 1990kiina beelo isma haynnin.

Haddii ay gabadhu guursato nin Reer Somaliland ah waxa ay helaysaa dhalasho. Faysal taas waa illaaway afadiisa ubadka u dhashay ayuu u yaqaannaa shisheeye aan muwaaddin ahayn. In aanu guurkeeda ku faraxsanayn ayuu sheegay. Waxa uu yidhi "Weligay isma aan odhan gabadh reer Soomaaliya ah baad guursanaysaa, waa calaf. Xaaskaygu waa ajnabi sharciga Somaliland uma fasaxayo kaadhka codaynta” inta dambe waxa uu yidhi mar 2009kii la qaadanayay kaadhka dhalashada iyo codaynta. Waxa lagu yidhi "Siilaanyo iyo Daahir Rayaale waxa la socday xaasaskoodii, adiga marwadaadi meeday?”. Waa ka sidaas u dhataqleeyay!

Mabaa’diida is-raaca iyo kala-taggu waa dan ummadeed. Qofba meel ayuu ka istaagaa.  Faysal waxa uu ninka Soomaali-weyn aamminsan u arkaa nin diinta Islaamka ka baxay. Waxa uu yidhi "Ninka mabda’a Somali-weyn fidinayaa, waa nin diinta kiristaanka fidinaya oo kale”. Sheekhee yuu fadwooday?

Madaxweyneyaasha waxa safarrada dibadda ku weheliya xaasaskooda. Isaga oo dhaliilaya qoyskii Daahir Rayaale waxa uu yidhi "Muxuu Rayaale safar walba u kaxaystaa islaantiisa”. Waxa u jawaabtay Marwo Samsam Maxamed Cige oo tidhi "Haddaa ma adiga ayuu ku kaxaysan lahaa?”.  Mar kale isaga oo la-yaababan in Huda Barkhad Aadan ay deeq gaadhsiiso dhallinyaro ama dad baahan ayuu yidhi "Lacagta salladdeeda ayaa badan, xaggee ayay ka keentay xoolaha ay bixinayso?”. Faysal isaga o Musuq ku eedaynaya Rayaale waxa uu yidhi "Siyaad Barre afkiisu wuxuu ku ekaa Soomaaliya. Kan afkiisu illaa Masar ayuu taxan yahay”. Xaalkaas isaga ah waan u dirayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo qoyskiisa.

Xitaa kama xishoon Marwadii Madaxweyne Siilaanyo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Weris), waxa uu yidhi "Weris waxa aan ku idhi dumarku waxa ay ku fiican yihiin inay isku-dhex-kariska sameeyaan. Waayo waxoodu waa qabyaalad iyo habdhaqan la’aan (with out ethics). Dumarka Koonfurtu waxa ay leeyihiin himilo (vision)”. Waxa uu yidhi "Puntland waxa ay Somaliland dheer tahay hablaha iyo madax-dhaqameedka”. Wuu fiican yahay inuu qiro hablaha Buntiland, balse kuwa furay Jaamacadaha, dhaktarrada, dugsiyada iwm ee jooga dalkiisu ma la’aad baa?

Faysal oo af-legaaddaynaya Majeerteen ayaa yidhi "Siyaad Barre ayaa yidhi Majeerteenku waa Wiriiri (dhuxun-ku-reeb). Wiriiriguna qofka ay macawista u galaan kama baxaan. Majeerteen annaga ayaa macawista ku ridan doona”. Alla adkaysi badaniyee, 2002dii ayaan toos u daawanayay isaga oo leh "Laascaanood la iskuma haysan doono. Furintu waxa ay noqon Garoowe”. Somaliland uma socoto inay Soomaaliya ku duusho, keliya waxa ay  u socotaa in xuduuddeeda ay sugto. Shaw haddii la doorto illaa Kismaayo aan qabsanno buu odhan lahaa!

Sannadkii 2018ka isaga oo farta ku fiiqaya ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud ee Boorama, oo hadalkaasina sababi karo in la beegsado aqoon-barteyaasha, waxa uu yidhi "Boorama 500 arday oo reer Puntland ah baa wax ka barta”, waxa raalligelin ka bixiyay Jaamacadda Camuud iyo madax-dhaqameedka Awdal. Quraan-jecelkii Puntland oo aan dhaamin ayaa yidhi "Ardayda Puntland ha ka soo baxaan Somaliland”

Weedhihisa xad-ka-baxa ahaa waxa ka mid ahaa "Calanka Xisbiga WADDANI waxa uu shabbahaa kii Budiisamka. Cirrana waxa uu u eg yahay hoggaamiyaha Budiisamka ee Dalaleema” Wasiiru-dawle ka tirsanaa Xukuumaddii Siilaanyo oo madashaas joogay sare-joogga kaga jawaabay naxligaas qaawan. Isaga oo hangoolkiisa ka hadlaya waxa uu yidhi "Ilaahay baa Whtasp iigu soo diray”. Ilaahay wuu ku arkaa, haddiiba aad tahay dadka lala xisaabtamayo!

Ugu dambayn waxa uu yidhi "Siilaanyo xitaa la-xisaabtan Alle kuma jiro (Silanyo is not Accountabale to Allah). Haddii aan sheego doorkii Siilaanyo ee dagaallada sokeeye waxa dumaysa Somaliland. Cirro waa Soomaaliweyn, waa shisheeye. Waa la soo dirtay. Waa lagu shaqaysanayaa. Muuse Biixi la iskuma raacsana. Soomaalilaan beelo ayaan oggolayn. Ma dagaal sokeeye ayaad samaynaysaan. Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxa ay ku suntan yihiin dagaallkii lagu riday Cabdiraxmaan Axmed Cali. Muuse Biixi waxa uu adduunku ku qoray dagaal-ooge (war lord) waanu inaga soo xidhay caalamkii. Af dunida lagula hadlo ma yaqaanno, annagiina na maqli maayo. Ma waxa aad aragtay qof keligii yidhaahda anigaa wax garanaya.”

Waa inoo Naar Naar 5 haddii Alle idmo
Ilaahay falkeenna fiican ee Ramadaan ha aqbalo, ciiddana rayrayn ha innagu gaadhsiiyo
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured