Liverpool Oo Markii Lixaad Ku Guulaysatay Koobka UEFA Champions League, Salah & Origi Oo Qalbi Jabiyay Tottenham Iyo Klopp Oo Inkaarkii Ka Soo Kabsaday.

0
Sunday June 02, 2019 - 00:24:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Markii Lixaad Ku Guulaysatay Koobka UEFA Champions League, Salah & Origi Oo Qalbi Jabiyay Tottenham Iyo Klopp Oo Inkaarkii Ka Soo Kabsaday.

    Liverpool Oo Markii Lixaad Ku Guulaysatay Koobka UEFA Champions League, Salah & Origi Oo Qalbi Jabiyay Tottenham Iyo Klopp Oo Inkaarkii Ka Soo Kabsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool Oo Markii Lixaad Ku Guulaysatay Koobka UEFA Champions League, Salah & Origi Oo Qalbi Jabiyay Tottenham Iyo Klopp Oo Inkaarkii Ka Soo Kabsaday.

Liverpool ayaa markii lixaad ee taariikhda kooxdeeda ku guulaysatay koobka UEFA Champions League kadib markii ay guul ka gaadhay kooxda ay Premier league ka wada ciyaaraan ee Tottenham.

Mohamed Salah ayaa daqiiqadii labaad ee ciyaarta goolka furitaanka rekoodhe ku dhaliyay laakiin Origi ayaa noqday xidigii Tottenham kaga oohiyay goolka labaad iyada oo ciyaarta saddex daqiiqo ka hadhsan tahay.

Liverpool ayaa ka soo kabsatay guuldaradii xili ciyaareedkii hore ee finalkii Champions league wuxuuna ugu danbayn Klopp awooday in uu dhinac iskaga dhigay habaarkii ka haystay finalkada kulamadii uu Liverpool soo maamulay.

Goolhaye Alisson ayaa door layaableh ka qaatay in Liverpool ay koobkan ku guulaysatay isaga oo jamaahiirta Reds iyo Klopp ilaawsiiyay ceebtii Loris Karius ee xili ciyaareedkii hore.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson, Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; Jordan Henderson, Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: Dejan Lovren, James Milner, Joe Gomez, Daniel Sturridge, Alberto Moreno, Adam Lallana, Alex Oxlade-Chamberlain, Simon Mignolet, Xherdan Shaqiri, Rhian Brewster, Divock Origi, Caoimhin Kelleher.

TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Kieran Trippier, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Danny Rose; Moussa Sissoko, Harry Winks; Dele Alli, Christian Eriksen, Son Heung-min; Harry Kane.

Kaydka: Davinson Sanchez, Erik Lamela, Victor Wanyama, Michel Vorm, Eric Dier, Kyle Walker-Peters, Fernando Llorente, Juan Foyth, Paulo Gazzaniga, Serge Aurier, Lucas Moura, Ben Davies.

Daqiiqadii 1 aad REKOODHE!! Tottenham ayaa qaab qalbi jab ah ciyaarta ugu bilaabtay kadib markii uu Sadio Mane kubbad ku helay cidhifka xerada ganaaxa isla markaana uu isku dayay in uu kubbada bixiyo laakiin Sissoko ayaa gacanta si cadaan ah ugu dajiyay taas oo keentay in uu garsooruhu markiiba rekoodhe tilmaamay.

Daqiiqadii 2 aad Mohamed Salah ayaa kubbada hor dhigtay goolhaye Hogo Lloris kaas oo darbo xoogan ugu garaacay rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay wuxuuna Salah ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Liverpool markiiba hogaanka kula wareegtay.

Tottenham ayaa naxdin iyo murugo ciyaarta ugu bilaabtay laakiin waxay kaga jawaabtay in ay kubbada inta badan cabta ku qabtay isla markaana ay ahayd kooxda inta ugu badan raadinaysay qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

Waxaa labada kooxoodba laga dareemayay naxdin iyo deganaansho la’aan waxaana qayb wayn ka ahaa maalmaha badan ee ayna kulan ciyaarin iyo saamaynta finalka Champions League.

Liverpool ayay ku adkaatay in ay ciyaarto kubbadii quruxda badnayd ee looga bartay halka Tottenham ay ku dhibtoonaysay in ay hal mar tijaabiso goolhaye Alisson qaybtii hore ee ciyaarta.

Daqiiqadii 17 aad  Alexander-Arnold ayaa ku dhawaaday in uu gool lama filaan ah u keeno Liverpool kadib markii uu meel fog ka beegsaday goolka Tottenham laakiin kubbada halista ku noqon lahayd Lloris ayaa wax yar birta u martay.

Ciyaarta ayaa noqotay mid tatiko ahaan u adag in fursad la abuuri karo waxayna Tottenham ahayd kooxda inta ugu badan kubbada maamulaysay balse marka ay ula dhaqaaqdo dhinaca goolka Liverpool ay kubbada qaldayeen ama laga difaacayay.

Daqiiqadii 38 aad Andy Robertson ayaa ku dhawaaday in uu indhaha caalamka ku xado gool layaableh kadib markii uu darbo darbo xoogan ka soo tuuray meel xerada ganaaxa Spurs aad uga baxsan laakiin goolhaye Lloris ayaa hal gacan kubbada iskaga saaray.

Liverpool ayaa heshay koornayaal badan laakiin waxay awoodi kari waayeen in ay ku dhaliyaan wax goolal ah, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay Tottenham oo aan Alisson tijaabin iyo Reds oo natiijada ilaashatay balse aan wax badan oo kale weerarka ka samayn.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Tottenham soo laabtay iyada oo doonaysay in ay xal u hesho qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd balse Reds ayaa muhiimada kowaad ka dhigatay in ay hogaanka ciyaarta ilaashato.

Sidii qaybtii hore ee ciyaarta waxay wali labada kooxood ku ciyaarayeen tatiko taxadar badan leh waxaana jiray kubbado badan oo la qaldayay gaar ahaan Tottenham oo marka ay weerar gasho kubbada si qalad ah u bixinaysay.

Daqiiqadii 58 aad Klopp ayaa go’aan ku gaadhay in uu ciyaarta wax ka badalo wuxuuna saaray Roberto Firmino oo ciyaarta saamayn ku yeelan kari waayay wuxuuna soo galiyay Origi si uu weerarka ugu xoojiyo.

Daqiiqadii 62 aad Klopp ayaa badalkiisa labaad ku sameeyay Wijnaldum oo uu khadka dhexe ka saaray wuxuuna soo galiyay James Milner waxayna ciyaartu wali sii ahayd mid adag oo laysku mari laayahay.

Daqiiqadii 66 aad Pochettino ayaa u adkaysan kari waayay xaalada ay kooxdiisa Tottenham ku jirtay wuxuuna kaydka ka soo kiciyay xidigii saddexleyda finalka ugu soo saaray Lucas Moura isaga oo ciyaarta ka saray Harry Winks.

Mohamed Salah iyo James Milner ayaa Liverpool ciyaarta ka dili karay laakiin waxay lumiyeen fursado fiican waxayna Tottenham wali ka dagaalamaysay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

Badalka ayaa sii socday wuxuuna Pochettino ciyaarta ka saaray Sissoko oo ahaa xidigii rekoodhaha galay daqiiqadii kowaad waxaana la soo galiyay Eric Dier.

Daqiiqadii 82 aad iyo 84 goolhaye Allison ayaa si layaableh kooxdiisa Liverpool koobka ugu badbadiyay isaga oo fursado cajiib ah ka beeniyay Son iyo Christian Erikson si uu kooxdiisa u siiyo fursada ay hogaanka ku sii haysay.

Daqiiqadii 87 aad Alla Maxay Waali Ahayd!! Xidiga habeen dhaladka u noqday Liverpool ee Divock Origi ayaa Tottenham ku qalbi jabiyay goolka labaad ee ay Reds baahida wayn u qabtay si ay kalsooni u hesho.

Origi ayaa goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Matip oo siiyay kubbad uu xerada ganaaxa ku helay wuxuuna noqday gool ka oohiyay kooxda Tottenham iyo jamaahiirta kooxdeeda.

Haddii uu Origi hore uga soo oohiyay Barcelona isla markaana uu ku abuuray xusuus ay ka seexan waayeen muddo dheer, waxa uu markan Tottenham ka dilay rajada ay ku soo laabayeen.

Daqiiqadii 90 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Joe Gomez si uu waqtiga ugu dhamaysto wuxuuna saaray Sdaio Mane.

Alisson ayaa gool badbaadino fiican ka sameeyay dhamaadkii ciyaarta si uu Tottenham ugu diido in ay wax rajo ahi gasho waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Reds ku dishay rajadii Spurs.

Liverpool ayaa markii lixaad ku guulaysato koobka UEFA Champions league waxayna Reds koobka kooxaha Yurub dib ugu soo celisay Anfield oo shan jeer oo hore la keenay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured